Farmaajo: "Ajnabiga dalkena ku soo duulayow ku laabta dalalkiina

0
Friday February 11, 2011 - 18:15:14 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1351
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo: "Ajnabiga dalkena ku soo duulayow ku laabta dalalkiina

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus


Ra'iisal Wasaaraha Dowladda KMG ah Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) oo khudbad u jeedinayay cutubyo ka tirsan ciidamada Booliska waxa uu farriin gaar ah u diray dagaalyahanada ururka Al-Qaacida ee ka barbar dagaalamaya kooxda Al-Shabaab, isagoo sidoo kale sheegay in dhallinyarada ay marin habaabiyeen kooxaha xag-jirka ah ay dowladdu u sameysay xarun gaar ah isla markaasina lagu daryeelo ayna haatan ku sugan yihiin dhallinyaro ka soo goosatay Al-Shabaab, kuwaasi oo uu sheegay inay Dowladdu xaaladooda iminka ay tahay mid wanaagsan.

Waxa uu sheegay Ra'iisal Wasaare Farmaajo in kooxaha kahorjeeda ay ogyihiin cududa ciidamada Dowladda ay leeyihiin inay tahay mid aanay jiiri karin, wuxuuna ku booriyay ciidamada Daraawiishta inay u diyaar garoobaan sidii ay dalkooda iyo dadkooda u difaaci lahaayeen, isagoo u ballanqaaday inay si joogto ah u heli doonaan mushaaradooda iyo daryeelkooda.

"Inaan muhiimadda siino ciidanka diyaarka u ah dadkooda iyo dalkooda inay difaacaan waan ballanqaadeynaa, xukuumada oo uu ugu sareeyo Madaxweyne Shariif waxaan ballanqaadeynaa inaan dalka iyo dadka ugu adeegno si daacad iyo xaq ah" ayuu yiri Ra'iisal Wasaaraha Dowladda KMG ah.

Isagoo si gaar ah ula hadlayay Ra'iisal Wasaare Farmaajo saraakiisha ciidamada daraawiishta ayuu kula dardaarmay inay dadka u naxariistaan waliba kuwooda taagta daran, "U gargaara hadii aad aragtaan qof liidata, ha furanina" ayuu yiri Ra'iisal Wasaaraha oo dhinaca kale ku booriyay ciidamada daraawiishta inay shacabka dhibaateysan iyo kuwa liita ay caawiyaan oo garab qabtaan.

Dhinaca kale Ra'iisal Wasaare Farmaajo ayaa sheegay in dalka Soomaaliya ay ku soo duuleen kooxo ajnabi ah, kuwaasi oo uu sheegay inay dhibaato ku hayaan dadka iyo dalka, isla markaasina barakiciyay malaayiin qoys, waxa uuna sheegay in kooxahaasi ajnabiga ah ay doonayaan inay dadka gumeystaan.

"Ajnabiga dalkeena ku soo duulayow ku laabta dalalkiina, Soomaali horaa loo gumeyn waayay" ayuu yiri Ra'iisal Wasaaraha Dowladda KMG ah oo sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo aan marnaba qaadan karin in la gumeysto isla markaana ay horay uga dhiidhiyeen, hadana shacabka iyo Dowladooda oo iskaashanaya inay dalkooda ka saarayaan.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip