Muxuu madaxweyne Xasan kala soo laabtay Cadaadow?

0
Saturday July 25, 2015 - 00:38:56 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1370
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu madaxweyne Xasan kala soo laabtay Cadaadow?

    Muqdisho, 24 July 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud kaga soo qeybgaley munaasabadda caleema s

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho, 24 July 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud kaga soo qeybgaley munaasabadda caleema saarka madaxda maamulka cusub ee KMG ee Galmudug.
Madaxweynaha oo socdaalkiisa ay ku wehliyeen xubno ka tirsan labada gole, ayaa khudbad uu ka jeediyay xafladda caleema saarka diiradda ku saarey sida dowladda ay uga go’an tahay dhaqangelinta nidaamka xukunka lagu baahinayo, si shacabka ay u helaan adeeg hufan oo baahidooda daboolaya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaanu ka soo ambabixin Cadaado kula dardaarmey madaxda Galmudug inay ka shaqeeyaan nabadda, isla markaana dowladdu ay diyaar u tahay inay kala shaqeyso xalinta tabashooyinka inta badan ka dhasha dhismaha maamullada.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan labada gole.

-DHAMMAAD-
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip