War Deg Deg Ah:-Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Oo Maanta Dib Ugu Laabtay Magaalada Kismaayo Iyadoo Wili Muqdisho Uu Ka Socdo Shirka Madasha Qaran

0
Sunday September 11, 2016 - 12:25:49 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1224
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Oo Maanta Dib Ugu Laabtay Magaalada Kismaayo Iyadoo Wili Muqdisho Uu Ka Socdo Shirka Madasha Qaran

    Wararka naga soo gaaraya Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulka Jubbaland uu ka duulay garoonka diyaaraha ee Muqdisho , isagoo ku sii jeeda magaalada Kismaayo oo xarun u ah maamulka Jubbaland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka naga soo gaaraya Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulka Jubbaland uu ka duulay garoonka diyaaraha ee Muqdisho , isagoo ku sii jeeda magaalada Kismaayo oo xarun u ah maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa ka mid ahaa xubnihii ka qeyb galaayay Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee ka socda magaalada Muqdisho.

Ilo lagu kalsoona karo oo ku sugan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxweynaha maamulka Puntland uu iska baxay shirka , islamarkaana uu ku wajahan yahay magaalada garoowe.

Wararka qaar ayaa sheegaya in shirka qodobo laga soo saaray dhawaana warbaahinta loo soo bandhigi doono , halka wararka qaarna ay sheegaya in Madaxweynaha Jubbaland uu shirka iska baxay ka dib markii uu khilaaf hareeyay Madaxda Madasha Wadatashiga Qaran.




Wixii ku soo kordha kala soco Warsheekh.com In Sha Allaah.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip