Sidee loogu xusay dhalashada Nabiga CSW Dalka Sudan (Sawiro)

0
Friday March 11, 2011 - 19:03:20 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3591
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidee loogu xusay dhalashada Nabiga CSW Dalka Sudan (Sawiro)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Itixaadka Ardayda Somaliyeed ee wadanka Sudan gaar ahaan magaala madaxda dalkaasi ee (khartoum)ayaa waxa ayqabteen xaflad lugu xusaayey dhalashada Nabigeena Muxamed (SWC)oo sanad walba bishaan oo kale laga xuso daafaha caalamka.

Xaflada oo aheyd mid si heersare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu qabtay Jaamacad Africa.

Waxaa Munaasabada qiimaha badneyd kasoo qeybgalay arday farabadan oo ugu horreeyaan madaxda Ururka Itixaadka Ardayda Soomaaliyeed.

Ugu horreynti waxaa xafladaas lagu fur furtay Aayadaha Qur’aanka kariimka ah.

Culamaa’udiinka kasoo qeybgalay Xaflada waxaa soo dhaweeyey Gudoomiyaha Golaha Shuurada ee Ururka Itixaadka Ardayda Soomaaliyeed Mudane Salaad Xasan Coosey.

Waxaa Muxaadarooyin kazoo jeediyey xaflada Culamaa’udiin caan ah oo ugu horreeyo Sh Abuukar Xasan Maalin iyo Sh C/llaahi Axmed Rooble islamarkaana ah Doctor waxa ayna ka hadleen labada sheikh (محبة الرسول صلى الله عليه وسلملفضيلة الشيخ أبي بكر حسن مالن ØŒ ومتابعته صلى الله عليه وسلم لفضيلة الشيخ الدكتورعبد الله احمد روبلى).

Waxaa xafladaasi xiriirinaayey Ustaad Ahmed Daa’uud Mohamed.



Ugu dambeyntii waxaa xafladaasi mahad celin u soo jeediyay culamada iyo ardayda ka soo qeyb gashay xafladaasi xooghaya guud ee Ururka Itixaadka Ardayda Somaliyeed Cabaas Maxamed Nuur iyo Madaxa Golaha Fulinta C/rizaaaq Ciise Axmed.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip