In ka badan labaatan sanadood iyo weliba waqtiyadi ka sii horeeyey ayey Shacabka hamuun u qabeen in aay helaan Dawlad aay u arkaan mid u adeegeysaa danahooda taana waxaa dareenka shacabka is tusay Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo marka ugu horeysay ee la barto aheyd waqtiydi Xukunki Maxkamada Islaamiga ee qeybo ka tirsan Soomaaliya uu isaga hogaaminaayay, Markaas iyo inti ka danbeysayba Shacabka intiisa badan wuxuu u ahaa rajada hogaan ee Wadanku yeelan karo, Inkastuu marxalado badan soo maray fasir kala duwana aay dadka ka kala bixiyeen wuxuu aakhirki noqday Madaxweynaha Dawlada federaalka ah.
Waxey Dawladiisa ku bilaabatay caga jiid markuu doortay Rai'sul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo dadka qaarkii ku eedeeyeen in uu ka gaabiyay istaajinta iyo socodsiinta Dawladi laga filaayay in Umadda dhibta heysato kaga saaro weliba marki danbe eey soo baxaday sida leysla dhex maraayay afgembi hoosaad iyo in Dawladaba meelo kale loo raro kuna saleysaneyd caadhifiyad Qabiil iyadoo weliba aay cadeyd dadki uu u xushay Golahiisa Wasiirada oo ahaa inta badan wejiyo aan looga baran dhaqaajin dawladeed iyo u shaqeyn Umadadeed, Taas waxey abuurtay in raggi ku doodaayay in Madaxweyne Shariif uusan istaahilin amaantaa tirada badan aay helaan dhego dhageysta doodooda, Markaas waxaa meesha ka bilowday isqabqabsigi RW, Madaxweynaha iyo dabcan Gudoomiyaha Baarlamaanka oon u baahneyn marxaladaha uu soo maray in aan Umada u sii fasirno oo runtii ka soo saftay dhanka RW taasina aay noqoto bilowgii is herdinta danaha gaar ahaaneed.
Madaxweyne Shariif iyadoo sumcadiisa gebi ka laalaado ayuu wuxuu go'aansaday in uu doorto RW cusub, Taasoo marki ugu horeysay uu ka talaabsado dhaqanki ahaa aan isla keeno R Wasaaraha ka dibna si seddex geesood ah aan u qeybsano Golaha Wasiirada taas waxey sii kordhisay kala fogaanshihi Madaxweyna iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo isaga qaas ahaan dano meelo badan ku xiran darteed oo u badan mid dhaqaale u diideysay aqbalaada meel marinta danta guud laakin waxey ku dhamaatay in lagaga guuleysto hardanki Siyaasadeed, Madaxweyne Shiikh Sharrifna sumcadiisii u dib u soo ceshado markuu doortay R Wasaare aan ku iman gorgortan, R Wasaaruhuna uu isna doortay Dhalin wax baratay ee iyana aan ku iman qeybsi iyo gorgortan.
Haddaba, Dawladaas uu hogaanka u noqday RW Farmaajo mar keliya waxey noqdeen rajadi Umada Soomaaliyeed, Kuna talaabsadeen horumar xagga arrimaha Bulshada iyo is fahansiinta ciidamada gargaarka u yimid iyo kuwi Soomaaliyeed, Taasoo dhaxalsiisay guulo la taaban karo, Runti waxaa kale oo amaan mudan habkeey u xakameeyeen lacagti daqliga Dawlada ee ka imaanaayay Dekeda iyo Madaarka Magaalada Muqdisho iyo siinti mushaaharadaha ciidanka iyo shaqaalaha Dawlada iyadoon marnaba kala go'o ku iman iyo dabcan horumarka dhanka waxbarashada oo ah iyadana mid la taaban karo, Waxaa kaloo la ilaawi karin Nadaafada, dib u hagaajinta dhismayaashi Dawlada iyo bilaabista nal gelinta Wadooyinka magaalada iwm.
sidaadarteed, Waxaa abuurmay cadaawad ka timid dadki ilaaway wadanka in aay iyagu leeyihiin iyo kuwi rabay in aaney Soomaali toosan oo wax qabsata la arag, Wadajirkoodii dagaal ayey ku soo qaadeen Iftiinka baxay oo leysla tagay meelo ka baxsan Wadanka gudahiisa iyo dibadiisaba, Waxaa garab u noqday rajada soo iftiimtay Dawladihi Ciidamadooda u soo diray Wadanka si aay u garab siiyaan Fikirka saliimka ah aay ku socoto Dawladda RW Farmaajo Waayo waxey ku doodeen in aay Dawladani xambaarsantahay Caqligi badbaadin lahaa Wadankan iyo Umadiisaba.
Waxaase Caawa talo joogtaa hadii aay run tahay hamhamta Kampala ka soo yeereysa ee la leeyahay waxaa lagu celin Soomaaliya habki laga talaabsan waayay waqtiga dheer ee ahaa Qeybsiga Dawlada markuu Gudoomiyaha Baarlamaanka ku hungoobay xagal daacinti Dawlada in uu yiraahdo waa ogolaanaayaa in hal sano Dawlada loogu daro haddii Kursiga R Wasaaraha iyo Golaha Wasiirada Qeybteeda aan wax ku yeesho..Madaxweyne Shriifna uu arrinta ka ogolaaday ayey arrini waxey noqoneysaa Danta guud waxa igaaga weyn markeey xaalada heerkaas gaarto kursiga aan sanadka ku sii nagaan doono Sumcadina waa meesheeda!
Sow sheekada gunaanadkeeda noqon meyso Shariif oo Hamigi Shacbka dilay hadeey arrinta saa noqoto.
SHACABKANA MAXAA LA GUDBOON?
Cabdiraxmaan Cali Guleed
Warsame114@hotmail.com
HAMIGI DAWLADNIMO EE SHACABKA SOOMAALIYEED TOLOW MADAXWEYNE SHARIIF MIYAA DILI DOONA?