
Xeebaha gacanka carbeed ayaa lagu afduubay waxaana lagu sheegay dadka saaran 23 shaqaalo oo wadamo badan u dhasheen kuwaas oo iminka gacanta ugu jiro Burcad badeed soomaaliyeed
Iyadoo afduubkaan uu ku soo beegmayo xilli maraakiibta bah wadaagta NATO kuwa Rushka ka socoto iyo kuwa Mareykanka ay ku sugan yihiin xeebaha soomaaliya oo ujeedka ahaa in ay illaaliyaan maraakiibta faraha badan ee iska goosha gacanka Carbeed oo ah kan ugu mashquulka badan caalamka
Burcad Badeeda ayaa la sheegay in ay iminka markabka u sii kaxeenayaan dhinaca xeebaha soomaaliya waxaase la yaab ah iyadoo ciidan fara badan ay halkaas joogaan in ay dhalinyaro aan sidaa u xirfad wanaagsaneyn ay ugu dhiiradaan in ay sii wadaan ugaarsiga maraakiibta biyahaas isticmaasho
Iyadoo la sheegayo xoogaga shisheeyaha ee ku sugan bada soomaaliya ma awoodaan in ay xeebta oo idil ay ilaalo ka galaan maadaama ay xeebta tahay mid ballaaran oo aysan awoodin in ay cirif kasta ka howl galaan iyadoo Burcad badeeda ay adeegsadaan dooman yar yar oo aan meel fog laga arki Karin sidoo kale ayaa qolooyinka Burcada ah ay yihiin kuwa deegaanka si wanaagsan u yaqaan oo ay hadba meel u aag badalan karaan
Markab shidaal sida oo laga leeyahay Sacuudiga oo burcad badeed Soomali ah gacanta ugalay.
Burcad badeed Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay markab qaada shidaalka kaa oo laga leeyahay dalka Boqortooyada Sacuudi Arabiya,markabkan oo ay gacanta ku dhigeen burcad badeeda sheegay inuu 3 jibaar ka weyn yahay maraakiibta dagaalka ee diyaaradaha