Shiribka Shaaciye: “Sheeq Safar iyo Shariif Sakiin” Maqaal

0
Sunday June 19, 2011 - 13:24:05 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3314
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shiribka Shaaciye: “Sheeq Safar iyo Shariif Sakiin” Maqaal

    Shiribka Shaaciye: “Sheeq Safar iyo Shariif Sakiin” (Waa qormadii ugu dambeysay noloshiisa Caaqil Maxamed Xasan JEERI oo laba toddobaad kahor ku geeriyooday Muqdisho)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shiribka Shaaciye: “Sheeq Safar iyo Shariif Sakiin” (Waa qormadii ugu dambeysay noloshiisa Caaqil Maxamed Xasan JEERI oo laba toddobaad kahor ku geeriyooday Muqdisho)

Allaha u naxariistee Aabihii Koomikada qoraalada Maxamed Xasan JEERI oo ku can baxay inuu qoraalladiisa kala duwan ku soo qaato hadba marxalada xilligaas la joogo, kahor intii uusan u geeriyoon xanuun uu la il darnaa waxa uu qoray isla markaana diyaariyay Tix Shirib ah oo uu ka diyaariyay labada Shariif ee iyagu horay u ahaa saaxibo si aad ah isugu dhow, balse maalmahaan dambe uu soo kala dhex galay khilaaf keenay inay soo farageliso QM iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya, wuxuuna Allaha u naxariistee marxuum JEERI ku bilaabayaa sidaan:-

Shariif Sakiin: Sheekh Safar Saaxiibkaygiyow…….Salaam calaykum saad ehayd.

Sheekh Safar :Sakiinow siriqdaad dhigee……..amay kula sirgaxataa.

Shariif Sakiin: Sanduuqaan miiska saarayaa..8-ogost lagaa sugaa

Sheekh Safar : Adoo Asmara Sacbihee……..ninkii ku saaray maad siree?

Shariif Sakiin: Sirdoonka soo galootigaa….Yuusan ku sirin saaxibow.

Sheekh Safar : intaad sadax sanno sidoow……isna sanad ku saa’idsaa.

Shariif Sakiin: Suurtoobimayso sanadkoo….Agosto waysla socotiin.

Sheekh Safar :Sacab hadow tin soo baxshaa….Sixir Agosto socohaa.

Shariif Sakiin: Sadaxlahaan nusanayoo….soo hooraad Aakhirka sugteen.

Sheekh Safar : Iskaakadaan Saliin Bi yeek ….laba sadla’ahaan sidnaa.

Shariif Sakiin: Anna Sikireeto sax ahoo …Saaxiibkay [Mahiga] suubiyaan sidnaa.

Sheekh Safar :saxiix sikuurit ka sokow…..Sakuuro mentahaa sidnaa.

Shariif Sakiin: Sirqdaan waa ku salfatee……Sheekh Safarow amaad samree.

Sheekh Safar : Dhaartaad sacabka saartay maad …..sanuud saqiira siisahee ?.

Shariif Sakiin: sawaab Janaad minaad sidiin……Sirdoonya soo galooti sii [Farmaajo wasiiradiisa]


Marxuum Maxamed Xasan JEERI


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip