Qaab Ayeey usoo dhaweyeen Jara'idka Cusub Jaaliyada S/Afrika
Magaca Warsidaha waa Xog-Maal, waxaana iska kaashaday soo saaristiisa xirfadlayaal saxaafadeed oo aqoon dheeraad ah iyo tabobar heer sare ah u leh arrimnaha warbaahinta.
sida lagu sheegey qoraal hordhac oo bogga hore kusoo baxay,kuna saxiixnaa tifaftiraha Mudane Maxamed Raage oo ah aqoonyahay Soomaaliyeed ayaa lagu sheegey in ujeedka wargeyska uu yahay in fariimaha xaqqa ah lagu gaarsiinayo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkani K/Afrika, isla markaasina uu yahay mid ka madax banaan dhamaan ururada iyo afkaaraha kala duwan, ujeedkana ay tahay oo kaliya in dadka ay helaan meel ay ku kala warqaataan.
Jaliyada Somalida S/afrika oo ku mashquulsan Aqrisnta Jara'idka Xog-Mal
Wargeyska waxa uu ka koobanyahay 16 bog, waxaana ku qoran macluumaad aad u baddan una faa'iido baddan, boqolaal qof ayaa maanta la arkayay iyagoo dariiqyada ku aqrisanaya magaalooyinka Cape Town iyo Johannesburg, halka magaalada P.E lagu waddo in uu gaaro 24 saac gudahood, walloow dadka reer P.E laga yaabo in aysan gaarin cadad ku wadda filan.
waxaa qoraalka ka qeybqaatey saxafiyiin kala jooga gobolo kala duwan oo dalka ka mid ah, iyo aqoonyahano Soomaaliyeed.
Muuqaal ka turjumayo Soo dhaweynta Jaaliyada Somalida S/afrika iyo Jara'idka Cusub ee Xog-Maal
Barnaamijka waxaa taageerey ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed ee dalka K/Afrika, Maxamed Deeq Muuse Noor (Deeq Darajo) waa gudoomiyaha ururkani oo SOJASA lagu magacaabo, mar aan qadka taleefoonka kula xariirey ayuu yiri "aad ayaan usoo dhaweynayaa, runtiina waa barnaamij nalaga wargaliyey, haddii aynu nahay SOJASA aad ayaan u taageersanahay talaabadani xagga wanaagsan loo qaaday".
wallow wargeyska uusan ahayn mid ku hadlaya magaca ururka saxafiyiinta ee dhawaanta la sameeyey, haddane waxaa ka qeyb qaatay saxafiyiin baddan oo ururka ka tirsan, isla maraakasina taageerey, ururka oo muhiimadiisa koowaad ay tahay in warar sax ah la gaarsiiyo shacabka ayaa markani ay muuqataa in uu helayo qalab warbaahineed oo uu dadka ugu soo bandhigo waxqabadkiisa iyo fariimaha uu xambaarsanyahay.
Wargeysku waxaa la filaya in uu noqon doono bille, waxana xooga lagu saari doonaa arrimaha Soomaalida K/Afrika, lama soo hadal qaadi doono arrimaha Soomaaliya ka taagaan maadaamaa ay yihiin kuwa dadka kala qeeybiya.
Dadka Soomaaliyeed ee qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa loogu baaqay in ay si kasta oga qeyb qaataan isla markaasina taageeraan wargeyska si dadka ay u helaan cod iyo meel ay ku kala war qaataan.
Wargeyska wuxuu noqonayaa qalabkii labbaad ee warbaahineed ee Soomaalida dalkani ay leedahay, waxaa kale oo jirra website uu leeyahay ururka jaaliyada Soomaalida oo lagu magacaabo Somaliassociation.org kaasoo balse wargeyska oga duwan in uu webka ku hadlo magaca rasmiga ah ee ururka,laakiin si weyn loo aqristo macluumaad waafi ahna lagu faafiyo oo waliba qaarkood ay dowli yihiin.
Sheekooyinkii ugu xiisaha badnaa ee lagu soo qaatay cadadkii maanta ayaa waxaa ka mid ah "isbadalka siyaasadeed ee dalka ka jirra oo faahfaahsan, kooxda Xiinfaniin oo koob ku guuleysatay, dadka lagu boobey, laguna laayay K/Afrika, iyo qodobo kale oo uu ugu xiiso badnaabarnaamij caafimaadka loogaga hadlay".
Cabdinaasir Saxansoxo
Email: Saxansoxo1@hotmail.com
Wargeyskii ugu horeeyey ee Af-soomaali ku qoran ee ka soo baxay dalka K/Afrika.
Waxay noqoneysaa markii koowaad, uguna horeysey oo wargeys ay soo saareen xirfadlayaal saxaafadeed kaasoo ku baxa luuqada afka Soomaaliga, kana soo baxa dalka K/Afrika, wargeyks waxa uu kasoo baxay Cape Town, waxaana laga aqristey inta baddan dalka.