Siyaaradi Qudubkii “Sheekh C/raxman Suufi” oo Shalay Lasoo Gabagabeyay (Daawo Sawiro) { 07 Mar 2008}

0
Friday July 25, 2008 - 19:13:17 in Siyaaro by Xarunta Dhexe
  • Visits: 5913
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaaradi Qudubkii “Sheekh C/raxman Suufi” oo Shalay Lasoo Gabagabeyay (Daawo Sawiro) { 07 Mar 2008}

    Waxa maalinimadi Shalay Daafaha Caalamka Lagu qatimay Siyaaradi Weyneed ee Caalimka Islaamka ee Soomaaliyeed Sheekh C/raxman Sheekh C/llaahi “Sheekh C/raxman Suufi Almaqdishi”oo ku Magac Dheeraa (Qudbul Banaadir).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa maalinimadi Shalay Daafaha Caalamka Lagu qatimay Siyaaradi Weyneed ee Caalimka Islaamka ee Soomaaliyeed Sheekh C/raxman Sheekh C/llaahi “Sheekh C/raxman Suufi Almaqdishi”oo ku Magac Dheeraa (Qudbul Banaadir).

Waxa maalinimadi Shalay Daafaha Caalamka Lagu qatimay Siyaaradi Weyneed ee Caalimka Islaamka ee Soomaaliyeed Sheekh C/raxman Sheekh C/llaahi “Sheekh C/raxman Suufi Almaqdishi”oo ku Magac Dheeraa (Qudbul Banaadir).

Dalalka Soomaaliya, Kenya, Tanzania, S/afrika, Suudaan, UK, Sweden,Norway, USA, iyo wadamo kale oo dhowr ah ayaa waxa shalay ka dhacay Ixtifaalooyin aad uwaaweyn kuwaas oo lagu qadarinayo Xuska Sheekheena Sheekh C/raxman Suufi iyadoo midka ugu balaarnaa ka dhacay Xarunta Sheekha ee Magaalada Muqdisho .

i"

Midig: Sh: Abashan Sh: C/man SH: Max'ed Sh: Suufi oo ah sheekha walaayada reer sheekh suufi hayo iyo Sheekh Sh: Suufi Sh: Cade

SH: iiker Sh: Max'ed SHeekh Suuf oo isna ah sheekha Haayo Qidmada reer Sheekh Sufi

midig: Shariif Badaa Qalifa, Dhaxda :Sh; Axmed Qudubka Qadariya,Bidix Sheekh SUufi Sheekh Cade

 

Xarun Diimeedka Sheekha ee Magaalada Muqdisho ayaa shalay waxa lagu dhigay Banaanbixi Ugu balaarnaa ee ka dhaca Magaalada Muqdisho,iyadoo dhamaan Ahlu Dariiqa oo dhana ay kasoo qeybgashay iyadoo la oogay Qeybooyin Dikri ah iyo Muxaadarooyin aad uqiimo Badnaa.

Qaadiriya,(Uweysiya,Seyliciya,) Axmadiya, Rufaaciya, ayaa maalinimadi shalay si aad ah usoo camiray Banaanka hore ee Masjidka Sheekh Suufi ee Magaalada Muqdisho Iyadoo ay ka muuqato Qiirooyinaka turjumaayo Xadaarada Fog ee Culumaa’u Suufiyah ee Soomaaliyeed.

Sheekh Abba iyo Sheekh Xusen sh: Max'ed Faqa Yuusuf oo uduceynayo Jameecadi Reer sheekh C/raxman ow Cumar ee kasoo qeybgashay Siyaarada Sheekh C/raxman Suufi

Sheekh Axmed Sh: Aweys iyo Sheekh Abba oo isla Taagan

Sheekh Diini Sh: Muxidiin Sh:Abukar Sh: Muxidiin Macalin Mukaram

 

Ixtifaalka Sheekha loo sameeyo Sanadiiba Mar ayaa waxa uu ka mid yahay Ixtifaalada ugu waa weyn ee ka dhaca Caalamu Islaamka iyadoo dhanka kalena aheyd maalinimadi Shalay Dhowlo Tus Balaaran oo ay ku muujinayan Ahludariiqa iyo Shacabka Soomaaliyeed sida ay uga foojigan yihiin Qolooyinka Bidcada ah ee la dirira qeyraadka iyo Ducooyinka Maqbuulada ah ee laga helo Goobaha lagu xuso Owliyada ilaahey iyagoo kala dirira in ay haleelaan Shacabka Muslimka ah Saacatu Ijaabada.

Qudubka Dariiqada Qaadiriyada “ Sheekh Axmed Sheekh Aweys Sheekh Muxidiin Sheekh Aweys al Qaadiri) aya Ijaasada Dariiqada Qaadiriya halkaas ku bixiyay, Sheekha ayaa dhanka kale Caalamu islaamka iyo Gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed alle uga baryay in uu danbi Dhaaf ku siiyo Fadliga Sheekheena Sheekh C/raxman Suufi Al Maqdishi oo aan taaganahay Banaanbixiisa ayoo shiikha ku cel celiyay.

Midig : Sh: Da'ud Sh: Maxmed Sh: Cabdi iyo Sh: Ismacil Cali cumar

Sheekh Axmed ,Shariif Badaa Qaliifa, Shiikh Fadhiyo waa Xaaji Cabaas Sh: max'ed Faqa Yuusuf iyo Qaar ka mid ah jameecada sheekha

Sh: Cumar Sh: max'ed iyo Macalin Cabdulahi Mohamud iyo Jameecadi reer sheekh Cabdi oo ku wajahan Qabriga Sheekh suufi

 

Sheekha Abba oo isagana ka mid ahaa Culimada Waa weyn ee Ahlusuna Waljamaac Gaar ahaana ah Faraca Sheekh Suufi ayaa isagana dhamaan Kasoo qeybgalayaasha Siyaarada kula dar daarmay in la qabsado Xariga Ilaahey isla markaana lagu daydo Raadki Nabigeena Muxamad C/S/W. iyo nidaamka ay inoo jeediyeen Masha’iqda Soomaaliyeed gaar ahaan Sheekheena Sheekh C/raxman Suufi oo manta la joogo Xuskiisa ayuu sii raaciyay Sheekh Abba .

Shariif Badaa Qaliifa oo ka mid ahaa Asharaafti shalay kasoo qeybgashay Siyaarada Sheekha isla markaana eh Faraca shariif Calawi ayaa isagana si aad ah ugu duceeyay Magaalada Muqdisho oo ku tilmaamay in ay tahay Madaxa umada soomaaliyeed isla markaana aad ugu cel celiyay shariifka in alle oo ka dhigo Magaalo Nabadeed Bijaahi Musdafa ayuu shariifka ku cel celiyay isagoo dhanka kalena alle ka baryay in bidcada iyo inta xun ka qabto Umada Soomaaliyeed iyo guud ahaan Caalamu Islaamka, Islaamkana Towfiiq Caam ah alle siiyo.


Qaar ka mid ah xelqooyinki Dikriga ee Banaanbaxa sh: Suufi
Qaar ka mid ah Jameecooyinka Ahlu Qeyrkaa ah ee Dikirinayay

Jameecadi Axmadiyada ee oogtay Xelqadi Dikirga Axmadiyada


Sheekh Abashaan Sheekh C/raxman Sheekh Max’ed Sheekh Suufi oo ah Sheekha Wilaayada Sheekh Suufi haayo, iyo Suufi Sheekh Cade Sheekh Iiker Sheekh Max’ed Sheekh Suufi oo isna ah Sheekha haayo Qidmada Reer sheekh Suufi ayaa sidoo kale ducooyin qaas ah uduceeyay dhamaan Jameecooyinki Soo camiray Siyaarada Shiikhooda Sheekh C/raxman Suufi

Sidoo kale Ayaa waxa siyaarada kasoo qeyb galay Wafdi balaaran oo horkacaya Agaasimaha Wasaarada Arimaha diinta iyo OWqaafta ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Sheekh Ali Sheekh Maxamud “SHeekh Cali dheere”, Sheekh Cali Dheere ayaa si aad ah uga hadlay Qiimaha ay leedahay Munaasibooyinka Nuucaan oo kale isagoo soo qaatay mid ka mid ah Karaamooyinka sheekh iyo Xiligi Gumeestaha.


Qaar ka mid ah Ahlukheryki kasoo qeybgalay Siyaarada Sheekha

Jameecadi Dariiqada Rufaaciyada oo iyana oogtay xelqadii Dikriga

 

Qisadaan oo ka mid ah karaamaadka Sheekha C/raxman Suufi ayaa dhacday Xiligi Gumeestaha iyadoo Gumeestihi Talyaaniga dadka Muqdisho weydiiyay Cida hogaamiso Culimada Diinta Islaamka iyagoo dadki usheegeen In sheekh C/raxman suufi Yahay sheekha Hogaamiyo Culimada Soomaaliyeed, Taliyihi Gumeestaha ayaa dalbaday in uu mushaaraad uqoraayo Sheekha isla markaana rabo in uu tago Xafiiska Gumeestaha.

Sheekh C/raxman Suufi raali alah Ka noqdee oo can ku ahaa la dagaalanka Munkarka oo ugu weynaa Naceybka oo qabay Gaaladi kusoo duushay Dalkeena oo gumeestaha Talyaaniga ah uhoreeyay ayaa si aad ah isaga fogeeyay in mushaaraad oo ka qaato amaba la kulmo Gaalada iyadoo marki danbe taliyihi Talyaaniga yiri aniga ayaa utagaayo oo taana ay muujineeso sida karaamada iyo mucjisooyinka sheekha,


Dikriga Seyliciyada iyo Jameecadi Reer Sheekh Cabdi ow Cumar

Rag dhalin yaro ah oo ay ka muuqato Xadaarada Islaamka oo Dikrinayo

 

Taliyihi ayaa booqday Guriga Sheekha iyadoo loo sheegay in sheekha uusan joogin una rawaxay dhanka Masjidka loo yaqaano Jaamacada ee Qadiimiga ah ee ilaa iyo hada ku yaalo Degmada Xamarweyne. Galaaki Marka uu tagay Masjidka ayuu kobaha iska siibay isagoo gudaha ugalay masjidka si uu ula kulmo sheekha ,

Taliyaha Masjidka ayuu ka baadi goobay isagoo xataa hurgufay ama qaad qaaday dhamaan dhabihi masjidka si shiikha oo u arko balse sheekha oo masjidka ku dhax jiro hadana uu arki waayay taana ay ka mid aheyd mucjisooyinki banaanka yiilay ee sheekheena sheekh c/raxman suufi ayuu sii raaciyay sheekh Cali dheere agaasimaha Wasaarada Diinta iyo Owqaafta ee Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Xelqada Uweysiyada oo eheed Xelqadi Ugu weyneed Xelqoyinka Dikriga

Muuqaalka Hore ee Masjida Sheekh C/raxman Sh: C/lahi (Sheekh Suufi)

 

Qormo kaliya laguma soo koobi karo dhamaan Culimadi ka hadashay Banaan Baxa Sheekha iyadoo shalayna Magaalada Muqdisho aysan kusoo harin Sheekh Mudaris iyo talaamiidiisa .

Hadaba Shabakada Warsheekh oo markasta jecel in ay idinka haqabtirto soo gudbinta Ixtifaalooyinka ka dhaca Caalamka ee lagu weyneenaayo Owliyada Ilaahey ayaa hadana wax in badan jecelnahay in aan idin soo bandhigno sheekh waliba iyo sooyaalkiisa diinta Islaamka iyadoo aan rajeyneeno in tusaalooyin iyo waano ay u ahaan doonto dhamaan umada Soomaaiyeed ayna ku daya doonaan Taariikhda Ifeeso ee Culimadeena Soomaaliya iyo sida ay ugu soo dadaaleen in umadaani noqoto Umad Boqolkiiba Boqol Muslim ah isla markaana Hal Madhab iyo hal Caqiido heesata .

W/D: Abdirahman Sheikh Abdullaahi
Webmaster Shabakada Warsheekh
E-mail:
farxad95@hotmail.com Ama webmaster@warsheekh.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip