Sidee looga Xusay Dhalashada Nabigeena Muxamada (CSW) Magaalada Gaalkacyo (Sawiro)

0
Friday July 25, 2008 - 19:26:28 in Siyaaro by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3729
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidee looga Xusay Dhalashada Nabigeena Muxamada (CSW) Magaalada Gaalkacyo (Sawiro)

    Gaalkacyo: Magaalada Gaalkacyo ayaa maanta waxaa ka dhacay banaan bax qayb ka ah u dabaal daga maalinyta dhalashada Nabigeenna Suban SCW oo ka dhacaysa qayb badan oo dunida ka mid ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gaalkacyo: Magaalada Gaalkacyo ayaa maanta waxaa ka dhacay banaan bax qayb ka ah u dabaal daga maalinyta dhalashada Nabigeenna Suban SCW oo ka dhacaysa qayb badan oo dunida ka mid ah.

 

 


Gaalkacyo: Magaalada Gaalkacyo ayaa maanta waxaa ka dhacay banaan bax qayb ka ah u dabaal daga maalinyta dhalashada Nabigeenna Suban SCW oo ka dhacaysa qayb badan oo dunida ka mid ah.

Cilumada ahlusunna Wal jamaaca ayaa waxa ay maanta dibadbax ballaaran ka dhigeen magaalada Gaalkacyo, iyada oo ay socod ku soo mareen qaar badan oo ka mid ah xaafadaha iyo wadooyinka magaalada Gaalkacyo.


Dibadbaxaasi ayaa waxa ka qayb qaatay qaar badan oo ka mid ah bulshada ku dhaqan gobollka Mudug, oo baryahaanba soo wada u diyaar garoowga xuska dhalashada Nabigeenna Suuban NNKH.

Markii uu soo dhamaday dibadbaxaasi ayaa waxa kulan lagu qabtay Barxadda wayn ee Quraca ee magaalada Gaalkacyo, halkaasoo ay hadallo wacdi, waano iyo alla bari isugu jira ka jeediyay qaar ka mid ah culimaa`udiinka Ahlu sunna wal Jamaaca ee magaalada Gaalkacyo kusugan.

Qaybo ka mid ah Culimada Alhusunna waljamaaca ee magaalada Gaalkacyo ayaa halkaasi ka hadlay, waxaana ay dadwaynaha ugu baaqeen in ay is cafiyaan oo si niyad sami ah uga qayb qaataan xuska dhalashada Nabiga.

Sidoo kale waxa ay Culimadu halkaasi ka jeediyeen Alla bariyo ku aadan in uu ilaahay ummadda Soomaaliyeed ka dulqaado dhibaatada abaareed ee haysata xilligaan iyo in uu ilaahay Nabad ka dhigo guud ahaan wadanka Soomaaliya.

Culimada ayaa sidoo kale waxa ay dawladda Soomaaliya u rajeeyeen in ay guulaysato oo ay noqoto mid dalka oo dhan ku baahda oo diinta islaamka dadka ku maamusha.

Ugu danbayntii dibadbaxii maanta ayaa waxa ay ku so dhameeyeen baaq ku aadan in ay dadku isku kaalmaystaan Kharka sida uu ilaahay faray oo wixii wanaag ah ay ka wada qayb qaataan.

Arrintani ayaa waxa ay qayb ka tahay dabaal dagyo lagu soo dhoweynayo maalinta dhalashada Nabigeenna Suuban CSW oo sida Raajaxa ah ku aadan 12ka bisha Rabiicul Awal oo ku aadan 20ka bishan oo ah maalinta Birrito.

Waxaa la rajaynayaa in guud ahaan gobolada dalka Soomaaliya oo qayb ka ah wadamo badan oo Islaam ah oo laga xusayo maalintaasi in ay ka dhacaan munaasabado diimeed lagu waynayo maalinta dhalashada Nabigeenna Suuban CSW.

Waxaa xusid Mudan in sanadkani munaasabad ku aadan maalintaasi ay ka dhacayso wadanka UGANDA oo ay ku sugan yihiin qaar ka mid ah madaxda Islaamka oo ka qayb qaadana Furitaanka Masjid wayn oo uu halkaasi ka dhisay hogaamiyaha jamhuuriyadda Liibiya Col. Mucamar Al-Qadaafi oo furitaankeeda ku aaddiyay maalinta dhalashada Nabiga.

Mahad Jama Koronto
Gaalkacyo

____________________________________________________

Mahad jamac koronto
252-544-5255
Radio Galkacyo+AllPuntland
Galkayo Puntland somalia

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip