Wariye Xasan Fantastic oo barqadii maanta lagu aasay magaalada Muqdisho(Sawiro)

0
Sunday January 29, 2012 - 14:50:03 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3062
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariye Xasan Fantastic oo barqadii maanta lagu aasay magaalada Muqdisho(Sawiro)

    barqanimadii Maanta ayaa waxaa magaalada Muqdisho lagu aasay Allaah u naxariistee Agaasimhii Idaacada Shabelle Marxuum Xasan Cismaan Cabdi (Fantastic) oo habeenimadii xalay aheyd kooxo hubeysan ku dileen gurigiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

barqanimadii Maanta ayaa waxaa magaalada Muqdisho lagu aasay Allaah u naxariistee Agaasimhii Idaacada Shabelle Marxuum Xasan Cismaan Cabdi (Fantastic) oo habeenimadii xalay aheyd kooxo hubeysan ku dileen gurigiisa.
Aaska Agaasimaha Idaacada Shabelle Fantastic ayaa waxaa kasoo qeybgalay dadyow ad u farabadan oo isugu jira Mas'uuliyiin kala duwan, Shacab iyo Suxufiyiin farbadan iyagoo ka tiiraanyeysan dilka loo geystay Wariye Fantastic.

Dilka wariye Xasan Cismaan Cabdi Xassan Fantastic ayaa waxaa ka hadlay Madaxweynaha Xukuumada Soomaaliya oo digareto goor dhaw kasoo baxday Madaxtooyada kaga hadlay dilka loo geystay Wariye, Maamulka Idaacada uu u shaqeynaayey ee Shabelle, Culamaa'udiin, Mas'uuliyiin, Suxufiyiin iyo Shacabka kasoo qeybgalay aaskiisa.

Madaxweynaha Xukuumada Soomaaliya Mudane Sh Shariif Sh Axmed ayaa ku tilmaamay dilka Wariye Fantastic mid wuxuushnimo ah isagoo sheegay in dadka dilkaasi geystay baadigoob xoogan loo galayo isagoo Ilaahey uga baryey inuu Jandii Fardowso kawaraabiyo Wariyaha Ehalka iyo qaraabada uu katagyne uu samir iyo iimaan kasiiyo.

Sidoo kale Maamulka Idaacada uu u shaqeynaayey ee Shabelle ayaa ka hadlay dilkaasi ayagoo sheegay in ay aad uga xun yihiin dilka loo geystay Agaasimaha waxeyna sheegeen inuuyahay Wariyey Fantastic agaasimihii Sadaxaad oo shabelle laga dilo taasina ay tilmaameyso bartilmaameed gaar ah oo idaacadaas la bartilmaameedsanyo.

Dhinaca kale Culamaa'udiinka, suxufiyiinta iyo Shacabkii kasoo qeybgalay duugta ayaa ayagane siyaabo kala duwan uga kala hadlay dilka loo geystay Marxuumkaas ayagoo Ilaahey uga baryey inuu janadii fardowso kawaraabiyo Ehalkii iyo qaraabadii uu katagayne uu samir iyo iimaan kasiiyo.

Xilliyadaan dambe waxaa soo badanaya gabaadsiga loo geysanayo wariyaasha ka shaqeeya gudaha Soomaaliya iyadoo dilkaan u ka horeeyey dilal farabadn oo hore wariyaasha ka shaqeeya gudaha Somali loogu geystay oo ugu dambeeyey wariye Xiis oo u shaqeynaayey TV-ga Horn cable iyadoo hadane Wariye Fantastic sanadkaan lagu bilaabay dilalka wariyaasha.




Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip