SideeLoogu Xusay Dhalashada Nabigeena Muxamad (SCW) Dalka k/Africa. (Daawo Sawiro

0
Friday July 25, 2008 - 19:31:04 in Siyaaro by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3394
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SideeLoogu Xusay Dhalashada Nabigeena Muxamad (SCW) Dalka k/Africa. (Daawo Sawiro

    Magaalada cape town ee dalka k/africa ayaa waxa si aad ah loogu xusay Munaasabada Qiimaha iyo qaayaha badan ee Dhalashada Suubanaha (CSW), munaasabadaan oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxa ay ka dhacday xaafada belveille ee magaalada cape town ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada cape town ee dalka k/africa ayaa waxa si aad ah loogu xusay Munaasabada Qiimaha iyo qaayaha badan ee Dhalashada Suubanaha (CSW), munaasabadaan oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxa ay ka dhacday xaafada belveille ee magaalada cape town ee soomalida si weyn u degto.

Munaasabaadaan oo ah mid qiimo iyo qadarin mudnaan ku leh dhamaan Caalamka islaamka Gaar ahaan Dadyowga Soomaaliyeed oo iyaga ah Bulsho boqolkiiba boqol Muslim ah isla markaana ahlu suna ah had iyo jeerna Weyneeya Xuska maalintaan Qiimaha iyo qadarinta ku leh Caalamu Islaamka ahna maalin aan la ilaawi karin oo qof walba oo muslim ah ay ku weyn tahay ayaa sida ay caadada u aheed umada islaamka lagu bilaabay aayadaha quraanka kariimka ka dibna lagu xijiyay saliga nabiga oo halkaan ka jeedinayeen dhamaan ka soo qeyb galayaasha xafladaan.

xafladaan ayaa waxaa ka soo qeyb gashay culumaa,udiin ka kala socota caalamka daafahiisa kala duwan ayaa waxaa xafladaan furay mid ka mid ah culumada ugu caansan dalkani shiikh cabdi rashiid caafi oo isaga halkaas ka jeediyay muxaadaro qiimo leh oo qushuucisay dhamaan kasoo qeyb galayaasha.
sidoo kale waxaa halkaas ka jeediyay siirada nabiga shiikh Husein abasi oo ka socda (Alnuur islamic ) una dhashay masar ayaa ku fogaaday qiimaha ay leedahay weyneenta dhalashada nabeegana muxamad (scw) wuxuuna sido kale u duceeyay dhamaan umada muslimiinta ah gaar ahaan soomalida oo ku dhibaata ka taagan dalkeeda wuxuuna sheega in ay somalida ay yihiin dad wanaagsan (axsan people).

sidoo kale waxaa muxaadarooyin qiima badan ka soo jeediyay halkaas wadaadadan kala ah shiikh yuusuf jiirow,shiikh suubiye,shiikh maxamed gar yar, shiikh nuura diin, shiikh xasan sheekh yuusuf iyo shiikh cabdi rahin oo ka socda ajansiga (MJC) una dashay dalkani k/africa.

waxaa sidoo kale ka hadlay xaflaadn xaaji suulay oo isaga ka mid ahaa dadkii qaba qaabada xafladaan ayaa u mahad celiyay dhamaan culumada ka soo qeyb gashay iyo dadweynihii ka soo qeyb galay sidoo kale waxa uu si aad ah ugu mahad celiyay shiikh cabdi raxmaan sagaaro oo ahaa mas,uulkii kugu fir fircoonaa qaba qaabada xafladan qiimaha badan xaaji suulay ayaa sidoo kale u duceeyay umada soomaliyed meel kasta ay joogaan gaar ahaan somalida ku dhaqan muqdisho in uu eebe danbi dhaaf iyo barwaaqo siiyo iyo nabad qeyr qabta isla markaana dhibka iyo abaarta ka qaado ugana badala maslaxa caam ah.

Hadaba bahda Shabakada Warsheekh Xafiiskeeda dalkani koofur africa oo idin leh Bishaaro Wanaagsan Bishaan Mowliidka ah Fadligeedana Culeeska na haayo ha inoga Kor Qaado Aaamiin Aamiin Aamiin

W/D Maxamed Deeq Muse (Deeq Darajo)
beenebeene@hotmail.com
Cape Town South Afrika

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip