Wafdi uu hogaminayo R/Kuxigenka Turkiga oo Muqdisho soo gaaray

0
Tuesday March 06, 2012 - 08:20:39 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 558
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wafdi uu hogaminayo R/Kuxigenka Turkiga oo Muqdisho soo gaaray

    Waxa goor dhaw garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Adan Adde International Airport, kasoo dagay wafdi balaaran oo reer Turky ah uuna horkacyao ra'isul wasaare xigeenka dalkaasi mudane Bekir BozdaÄŸ .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa goor dhaw garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Adan Adde International Airport, kasoo dagay wafdi balaaran oo reer Turky ah uuna horkacyao ra'isul wasaare xigeenka dalkaasi mudane Bekir BozdaÄŸ .
Wafdigaani oo isugu jiro mas'uuliyiin katirsan dowlada dalkaasi iyo waliba maalqabeenada ugu caansan dalka Turkiga ayaa waxa garoonka Muqdisho oo si aad ah loo diiyaariyay waxa kusoo dhaweeyay madaxda ugu sar sareyso dowlada Soomaaliya uu horkacyao Madaxweyne Sharif,

Wafdiga reer turky ayaa socdaalkooda waxa uu ku lug leeyahay si amba qaadida ka miro dhalinta mashaariic dhowr ah oo dowlada dalka turkiga balan qaaday in umada Soomaaliyeed ugu deeqeweso.

Sidoo kale imaanshaha wafdiga ayaa lagu soo beegay xili shirkada caanka ah ee Turkish Airways ee magaalada Muqdisho ka bilaabeeso duulimaad toos ah taasi oo keeni doonto in sumcada iyo shaqada garoonka diyaaradaha muqdisho sara ukiciso.

Wafdiga ayaa ilaa iyo hada waxa ay kusugan yihiin gudaha garoonka Muqdisho , iyadoo sidoo kale imaanshaha wafdigaan dartood ciidamo xad dhaaf ah oo katirsan dowlada Soomaaliya lagu soo daadiyay wadooyinka waa weyn ee Muqdisho.

Majirto wax war ah oo ilaa iyo hada ay warbaahinta siiyeen wafdiga heerka caalami ee soo gaaray magaalada Muqdisho.

Sawirada iyo warka oo faah faahsan goor dhaw naga suga.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip