Dowladda india ayaa waxa ay si diiran u soo dhawaysay kulankii golaha amaanka ee QM ay ku yeesheen magaalada newyork ee dalka maraykanka kaas oo ka soo baxay go’aano lagu taageerayo AMISOM oo ay kamid yihiin in la kordhiyo AMISOM tiradooduna la gaarsiiyo 17,732 askari.
Safiirka dowladda India u fadhiya QM Hardeep Singh Puri ayaa sheegay in dowladdiisu ay soo dhawaynayso go’aan waliba oo ay u aragto in xasilooni dalka Somalia loogu soo dabaali karo.
Safiirka ayaa sheegay in arinta ku aadan kordhinta ciidamada AMISOM iyo qalabayntuba ay tahay mid soo dadejin karta in deg deg dalka Somali nabad looga dhaliyo.
“Somalia waxaa xiligan ka jira dhibaatooyin ay kamid yihiin burcad badeednimo , falal argagixisinimo iyo baahi dadka soomaaliyeed ay qabaan oo ah in la gar gaaro sidaa darteed waa in beesha caalamka ay ku daashaa sidii ay samayn lahayd talaabo walba oo wax looga qaban karo dalka Somalia” ayuu yiri safiirka dowladda India u fadhiya QM.
Sidoo kale safiirka ayaa sheegay in dowladda India ay sii laba jibbaarayso howlgalka ku aadan la dagaanka burcad badeedda ee laga wado xeebaha dalka Somalia kaas oo looga hortagayo kooxaha burcad badeedda soomaalida ah ee qafaasha maraakiibta ganacsi ee isticmaalaysa badwaynta indio gacanka cadan.
“Burcad badeedu waa kuwo badwaynta India iyo gacanka cadan ka dhigay goob halis ah oo ay maraakiibta ka cabsadaan kolka ay marayaan taasi oo wax wayn u dhinaysa ganacsiga caalamka” sidaana waxaa yiri Mr. Puri oo ah safiirka dowladda India u fadhiya QM.
Hadalkan ka soo yeeray dowladda India ayaa waxa uu imaanayaa xilli kooxaha burcad badeedda ay gacanta ku hayaan 30 ruux oo u dhashay dalka India kuwaas oo la socday maraakiib burcad badeeddu ay qafaasheen.
Safiirka Hindiya ee UN-ka Muxuu Ka Yiri Xaalada Soomaaliya..
Dowladda india ayaa waxa ay si diiran u soo dhawaysay kulankii golaha amaanka ee QM ay ku yeesheen magaalada newyork ee dalka maraykanka kaas oo ka soo baxay go’aano lagu taageerayo AMISOM oo ay kamid yihiin in la kordhiyo AMISOM tiradooduna la