Munaasabad Baroor Diiq Dhimashada Mr Bood oo Ka dhacday Guriga EX, RW, Geedi ee Magaalada Nairobi (Sawiro)

0
Sunday December 21, 2008 - 22:32:20 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1671
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Munaasabad Baroor Diiq Dhimashada Mr Bood oo Ka dhacday Guriga EX, RW, Geedi ee Magaalada Nairobi (Sawiro)

    Waxa habeenimadi Xalay Magaalo Madaxda Dalka Kenya ee Nairobi ku Geeriyooday Allaah Unaxariistee Halyeegi Soomaaliyeed Mudane Xuseen Xaaji Maxamed (Bood).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa habeenimadi Xalay Magaalo Madaxda Dalka Kenya ee Nairobi ku Geeriyooday Allaah Unaxariistee Halyeegi Soomaaliyeed Mudane Xuseen Xaaji Maxamed (Bood).

 



Prof: Cali Maxamed Geedi oo Soo Dhaweynaayo RW Nuur Cade.

Alaah Unaxariistee Xuseen Bood ayaa waxa uu indhawaalaba aad ugu Xanuunsanaa Isbitaal ku Yaalo magaalada Nairobi ee Dalka Kenya kaasi oo lagu Baxnaaninaayo marxuumka inta uu geeriyoon Ka hor.

Hadaba kadib Geerida Marxuumka ayaa waxa ka socda magaalada Nairobi Xaflad baroor Diiqa ah oo loos ameynayo marxuumka taa oo ay ka socoto Guriga oo ka degan yahay magaalada Nairobi Ra’iisul Wasaarihi hore ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Geedi.

Munaasabada baroor Diiqa ayaa waxa kazoo qeyb galay mas’uuliyiin dhowr ah kuwaasi oo ka wada tirsanaa dhamaan Qaba’ilada Soomaaliyeed iyo Xubno beesha Caalamka oo siyaasiga si weyn uyaqiinen.

Waxa Sidoo kale kazoo qeyb Galay Wafdi heer caalami oo uu horkacayo Ra’iisul Wasaaraha la doorta ee Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade ) Dhanka Kale Xafladaan ayaa ka dhigneed mid aysan ukala harin dhamaan mas’uuliyiinta Soomaaliyeed eek u sugan Gudaha Dalka Kenya.



Sidoo Kale Munaasabadaasi ayaa waxaa ka hadlay Xildhibaan C/laahi Geedi Shadoor,Ugaas Maxamuud Cali Ugaas,iyo Masuuliyiin kale oo aad u fara badan dhamantoodna waxa ay muujiyeen sida uga xun yihiin geeridaasi naxdinta leh ee ku timid rug cadaaga Siyaasiga ah Dr Xuseen Xaaji Maxamed Bood, dhamaan dadkaasina waxa ay illaah uga baryeen in uu janadii fardow aheyd ka waraabiyo eheladii iyo asxaabtii uu ka tageyna samir iyo iimaan alla ka siiyo.

Inaa Lilaah Wa Inaa Ileehi Raajicuun.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip