Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo amaro adag laduldhigay.

0
Saturday April 28, 2012 - 10:49:13 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 963
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo amaro adag laduldhigay.

    Suuqa ugu weyn magaalada Muqdisho ee Bakaaraha oo waqtiyo badan oo xasaasi ah soo maray ayaa iminka umuuqda mid markale cagahiisa ku istaagayo iyadoo si tartiib tartiib ah ay usoo noqonayaan adeegyadi lagu yaqinay iyadoo sidoo kale amaanka suuqana uu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suuqa ugu weyn magaalada Muqdisho ee Bakaaraha oo waqtiyo badan oo xasaasi ah soo maray ayaa iminka umuuqda mid markale cagahiisa ku istaagayo iyadoo si tartiib tartiib ah ay usoo noqonayaan adeegyadi lagu yaqinay iyadoo sidoo kale amaanka suuqana uu yahay iminka mid la isku haleen karo bacdama ciidamada amaanka ay mas'uuliyad gaar ah iska saareen amaanka suuqa . Hadaba maalmihi inasoo dhaafay ayaa gudaha suuqa waxa ka bilowday howlo balaaran oo sare loogu qaadayo bilicda suuqa iyadoo sidoo kalena la raafay dhismooyin sharci daro ah kuwaasi oo qal qal xaga amaanka iyo waliba qatarta gubashada suuqa usahli karay.

Hadaba waxa markal amaro adag la duldhigay qaar kamid ah ganacsatada suuqa Bakaaraha gaar ahaan ganacsatada Qaadka iyo shidaalka kuwaasi oo sitoos ah loogu wargaliyay in gudah asuuqa aysan ka howlgali kari,

Gudoomiyaha Gudiga Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Axmed Nuurre Aw-diini ayaa sheegay in labo maalmood ay siinayaan Ganacsatada in gudaha Suuqa uga raraan Qaadka iyo Shidaalka.

"Labo maalmood ayay heystaan Ganacsatada, ilaa maalinimada Isniinta laguma iibin karo gudaha suuqa Shidaal iyo Qaad, waa ogtihiin dhibaatada bulshada uu ku leeyahay"ayuu yiri Gudoomiyaha Ganacsatada.

Dhinaca kale waxaa uu ka warbixiyay in cidii lagu arko iyadoo wadooyinka wax ku iibineysa ama ku leh dhismo sharci daro ah la marsiin doono Kantarbiil, hadii aanay ku bur burin mudada loo qabtay.

Wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka ee xukuumada Soomaaliya ayaa indhawaalba waxa ay waday shuruuc gaar ah oo lagu hor marinayo suuqa bakaaraha isla markaana looga hortagayo dibu dhac markale ku yimaado adeegyada suuqaasi.

Suuqa bakaaraha ayaa iminka waxa uu leeyahay ciidamo ugaar ah oo katirsan ciidamada amaanka dowlada Soomalaiya kuwaasi oo kahortaga cid walba oo amaanka suuqaasi wax udhimeeso hadii ay ahaan laheed dbaleyda ku labisan dareeska dowlada oo shacabka dhibaateeso iyo waliba qowleesatada kale ee sida madaxa banaan ugu dhax milan goobaha ganacsi.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip