Madaxweyne Shariif oo booqasho taariikhi kutagay Afgooye

0
Tuesday May 29, 2012 - 16:09:25 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 491
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Shariif oo booqasho taariikhi kutagay Afgooye

    Wafdi balaaran uu horkacayo madaxweynaha dowlada Soomaaliya mudane Sheekh Sharif Sheekh Axmed ayaa waxey maanta booqasho rasmi ah utageen magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelada Hoose oo dhawaantaan ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay kala wareegeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi balaaran uu horkacayo madaxweynaha dowlada Soomaaliya mudane Sheekh Sharif Sheekh Axmed ayaa waxey maanta booqasho rasmi ah utageen magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelada Hoose oo dhawaantaan ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay kala wareegeen Xarakada Alshabaab.
Wafdiga madaxweynaha oo ay ku jiraan wasiirro, xildhibaanno iyo saraakiil ciidan oo isugu jira kuwa dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa waxay mareen waddada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Madaxweynaha ayaa markii uu gaaray deegaanka Ceelasha-biyaha wuxuu ka dagay gaadiidkii uu la socday, isagoo la hadlay dad shacab ah oo ku suganaa halkaas una sheegay dadkaas haddii ay ciidamadu dhibaateeyaan inay ku dacweeyaan saraakiisha hoggaaminaya.

Sidoo kale, wuxuu madaxweynuhu ku hakaday deegaannada Calamada, Lafoole iyo Xaawo Cabdi oo u dhexeeya Afgooye iyo Muqdisho, isagoo halkaasna kula hadlay dad aad u yar oo ku sugan, kuwaasoo uu ka codsaday inay ciidamada ka gacan siiyaan sidii ammaanka loo adkeyn lahaa, wuxuuna intaas kaddib u gudbay degmada Afgooye.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa Afgooye kusoo dhaweeyay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, iyadoo ammaanka degmada la adkeeyay ayna ciidamada dowladdu joojiyeen isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu tagay beerta Sheekh Zayid halkaasoo uu kula hadlay odayaasha iyo dadka deegaanka, waxaana sidoo kale goobta ka hadlay saraakiisha horkacaya ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM iyagoo sheegay inay sii wadayaan howgallada lagu adkeynayo ammaanka degmada Afgooye iyo deegaannada kale.

"Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan booqsho ku imaado degmada Afgooye oo ay ii gu dambeysay sannadkii 2006," ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hadal kooban saxaafadda siiyay, isagoo intaas ku daray in geed weyn oo hoostiisa uu ku qabanayay shirka jaraa'id oo u ku yaalla beerta Sheekh Zaayid uu sheegay inay ugu dambeysay inuu ka hadlo intii uu ahaa guddoomiyihii Maxkamadihii Islaamka.

Degmada Afgooye ayaa kadhigan degmadi uhoreysay oo kabaxsan magaalada Muqdisho oo madaxweynaha uu tago taasi oo laga saaray Alshabaab iyadoo magaalooyinka Baydhabo iyo baladweyne uusan madaxweynaha cag dhigin walow mas'uuliyiin sare oo katirsan dowlada ay gaareen.



W/D: Abdi Shiine Moalin
E-mail: shiine173@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip