
Shirkan oo uu soo abaabulay guddiga Hay’adda Koogaar Foundation ayaa waxaa ujeedadiisa aheyd sidii ay beesha uga wada tashan laheyd xaaladda Marxaladda kalaguurka ee waddankeena Somaaliya iyo kaalinta uga aadan beesha Celi Cumar.
Kulanka waxaa erayo soo dhaweyn iyo warbixin isugu jira ka jeediyay guddoomiyaha Guddiga Mudane Abdullahi Mohamed Nur “SHUUCI”, isagoo ku dheeraaday kaalinta beesha kaga aadan ka qeyb qaadashada marxaladda Kala guurka ee siyaasadda Somaaliya. Mudane Abdullahi Shuuci ayaa soo dhaweeyey guulaha ay ciidamada Dowladda kaga saareen Alshabaab magaalada Muqdisho iyo agaagarkeeda.
Waxaa kale oo halkaas hadal wax ku ool ah ka jeediyey Dr Hassan Bassey oo ah ruugcadaa siyaasi ah kana hadlay guud ahaan taariikhda iyo waxtarka dowladnimada. Beesha Celi Cumar waxa ay qeyb lixaad leh ka soo qaadatay halgankii gobanimadoonka xilligii gumeystaha, iyadoo ay siyaasiyiinta beeshana ay ka soo qabteen xilal muhiim ah dowladdii ugu horeysay ay yeelato Somaaliya sida Cali Haagarey (Minster of Information) iyo Muhudiin Shatax ( Governor of Benadir ). Xillayadii ugu danbeeyayna siyaasiyiinta beesha waxa ay ka gaareen ilaa heer Raisul wasaare ee uu ambassador Nur Cadde ka soo qabtay masuuliyadaas sanadkii 2008.
Waxaa kale oo halkaas hadallo qiiro leh ke jeedisay Marwo Kutubey Cali oo ka tirsan dumarka ugu firfircoon London ee ka qeyb qaata arrimaha abaabulka iyo kicinta ee la xiriira in wadanka Hooyo guud ahaan wax loo qabto. Marwo kutubey waxa ay kula dardaarantay in beesha Celi Cumar ay u istaagaan in walaalahooda jooga wadanka ay garab istaagaan oo ay u huraan maal iyo muruqba, sidii ay degaanada ay degaan beesha looga hirgeliyo mashaariic horumarineed oo isugu jira kuwa waxbarashada, caafimaadka iyo arrimaha Bulshada.
Gabagabdii kulanka ayaa waxaa laga soo saaray Go’aamadaan.
· In beesha Celi Cumar ay taageersan tahay Dowladda Fedeaalka ku meel gaarka ah ee uu hogaamiyo Madaxweyne Shiikh Shariif una hambalyeynayaan Guusha uu gaarsiiyey Umadda Somaaliyeed.
· in Beesha Celi Cumar kala shaqeeyso dowlada adkeeynta amniga magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda,maadaama ay beeshu tahay beelaha udub dhexaadka u ah deegaanka Gobolka Banaadir.
· Beesha Celi Cumar ee qurbaha waxaa ay magacaabatay Guddi siyaasadeed ee u howlgala arrimaha Siyaasadda ee Beesha waxaana Guddomiye u ah Dr. Hassan Mohamud Bassey.
· In beesha Celi Cumar ay cod dheer ku sheegto in xilligaan kala guurka ee August 2012, baarlamaanka Cusub ee la soo xulaayo in ay beesha Mudnaan gaar ah u leedahay in la siiyo xilka Xildhibaanimada bacdamaa ay tahay Beesha Kaliya ee Mudulood oo aanan ku laheyn xildhibaan baarlamaanka hadda jira iyo kii ka horeeyey ee xiligii carta.























Jaaliyada Beesha Celi Cumar ee UK oo kulan yeeshay (Sawiro)
Kulan Balaaran oo ay ka soo qeybgaleen Dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku abtirsata Beesha Celi Cumar ee ku nool waddankan Ingiriiska, sida Odayaasha, Dumarka, Aqoonyahanada, dhalinyarada iyo ganacsatada, ayaa ka dhacay 27 May 2012 xaafadda