Prof: Cali Maxamed Geedi Ra'isul wasaarihi hore xukuumada Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga dhawaajiyay damiciisa siyaasadeed ee hogaaminta dalka Soomaaliya xili uu wardiyeenada kula hadalyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya
Ra'isul wasaarihi hore ee Soomaaliya
ayaa waxa uu daaha kaqaaday hadal heyn in mudo ah ay bulshada isla dhax
mareysay taasi oo sheegaysay in xildhibaanka uu udiyaar garoobayo inuu
markale kamid noqdo madaxda hogaamineyso dalka gaar ahaan jagada ugu
sareyso ee madaxweynaha mustaqbalka Soomaaliya.
Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya wuxuu sheegay in Soomaaliya ay
ka jiraan saddex cadow oo kala ah: argagaxiso, burcad-badeed iyo
musuqmaasuqa. Isaogo sheegay inuu yahay murshax u taagan xilka
madaxnimo ee Soomaaliya uuna saddexdaas cadow la dagaali doono haddii
la doorto.
"Anigu waxaan ahay murashax u taagan qabashada xilka Qaranka, mana
doonayo inaan salaadiinta Soomaaliyeed iraahdo hebel xildhibaan iiga
dhig ha isoo doortee, taasna xaaraan ayay iga tahay, siyaasiyiinta
Soomaaliyeedna sidaas oo kale ayaa laga doonayaa," ayuu yiri.
Prof. Geeddi ayaa intaas ku daray in laga gaabiyay dhismaha ciidamada
xoogga dalka, isagoo ku booriyay dowlada soo socota inay xoogga saarto
sidii ay u dhisi lahayd ciidammo ay yeelato Soomaaliya.
"Ciidan Qaran oo Soomaaliyeed oo aan la dhisin yaan lagu riyoon in
Soomaaliya ay nabadi ka dhalato oo sharcigii iyo kala-dambeyntii ay soo
laabato," ayuu yiri ra’iisul wasaarihiii hore ee Soomaaliya.
"Ciidamada AMISOM ee hadda dalka ku sugan waxaaan ahaa mas’uulkii wax
ka qaban qaabiyay heshiiskii ay dalka ku galeen waxna ka saxiixay. Waa
loo baahan yahay balse baahida loo qabo ma ahan mid joogto ah ee waa
mid KMG ah," ayuu yiri Prof.Geeddi.
Sidoo kale, ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya wuxuu hadalkiisa ku
daray in siyaasaddii lagu heshiiyay ay ahyayd in la dhiso ciidammo
Qaran inta ay AMSIOM joogto, isagoo xusay in taas laga gaabiyay, isagoo
sheegay in Soomaaliya ay dhibka uga baxayso iyadoo hesha ciidan xoog
leh oo Soomaaliyeed.
Cali maxamed Geedi ayaa ra'isul wasaare ka ahaa xukuumadi uhoreysay ee
Magaalada Muqdisho gaar ahaan aqalka madaxtooyada Soomaaliya xafiis
kasameestay tan iyo bur burki qaranka Soomaaliya oo laga joogo Labaatan
sano iyo dheeraad.
Ra'isul Wasaare, Prof; Cali Maxamed Geedi oo isasoo sharaxay
Prof: Cali Maxamed Geedi Ra'isul wasaarihi hore xukuumada Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga dhawaajiyay damiciisa siyaasadeed ee hogaaminta dalka Soomaaliya xili uu wardiyeenada kula hadalyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya