Sarbeeb Samatalis ah! La soo mar waqtiyo adag iyo jiilaal dheeraaday!
- Visits: 22428
-




(Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
- 2 0
-
Share
La soo mar murugo iyo uurkutaallo kala duwan..Lagama sheekeyn karo dhacdooyinkii foosha xumaa ee la soo maray...Waxaa dhacay wixii dhacay!!!. Waxaad mooddaa in hadda yididiilo muuqato, haddana cabsi iyo khataro hor lihi muuqdaan..Waa sillan suganyo+ wada togan!!.
Waxaa hadda muuqdo waa hawlo ,abaabullo,xusul duubyo iyo kala yaac aan la garaneyn halka loo Kala rooraayo iyo waxa loo gucleeyhaayaba iyagoo wada qeexan..
Taariikhdu waa soo noqnoqoto aan raxman ama aan jixinjixin … waxaa la rabaa in nafluhu garto wixii shalay dhacay iyo seey u dhaceen … Dhawaan waxaa loo dabbaal degaayay 52guuradii...Shalay maxaa dhacay???Maantase inteey joogtaa? Waxaa dhaba in shalay maanta aaney aheyn, laakiin wixii shalay dhacay ay imaan Karaan iyagoon biya la marin.Marka waa muhiim in taariikhda wax laga bartaa.
Waxaa yaab iyo anfariir ah in inta badani wada noqotay … u kala rooraayo … dadka u dhexeeyo.Waxa loo rooraayo waa meel aan la kala xigin, waa jaantaa rogan …Waa xirfad aan shuruud laheyn, damiir kala hagaahina jirin … Mihnadaha kale waa la kala leeyahay, waa laysuma gudbaan oo waxaa jiro ood hor taal qofkii ku soo xadgudbaa… Laakiin middaan kore waa midaan la kala leheyn… Aheey daya nasiib xumadaas jirta…Waa middaas iyo kuwa kale cabsiyaha muuqdo..Suurtagal maahan in qof bartay cilmiga dhismaha yiraa waxaan dabiibaa bukaan…Suurtagal maahan in dhaqtarku yiraa waxaan noqohaa qareen..Qareenkuna suurtagal maahan inuu yiraa waxaan noqohaa Ingineer dhismo..Kuwaan iyo kuwa la mida waa hawlo la kala yeeshay oon ku soo bood lagu imaan Karin..
Waxa hadda soo baxay waa stile cusub in loo kala rooraa xirfaddaas beylahdaa!!!.Waxaa maqan wax badan, waxaan jirin xisaabtan qof ahaaneed iyo wadareedba..Waxaad mooddaa in qaar damiirku uu dhintay..Waxaa lumay xishoodkii,ixtiraamkii, tixgelintii iyo isqadarintii..Waxaa yaab ah in kii mudnaa ka dambeeyo kow ka mudnaa!!..Kii laga mudnaana horyaal yahay..
Horyaal waxaa lagu noqdaa dhawr sheey oo ay ka mid yihiin Aqoon, Karti, Khibrad, damiir nool iyo…Aqoontuna waa ineey qofka ka dabartaa wixii xun. Aqoontuna aqoon maahan haddaaney kaa dabreyn waxa xun!!. Waxay ku bartaa in aad garato itaalkaaga. Waa kii Nabigaynu (SCW) yiri, “Raximal Laahu rajulan carafe qadri nafsihi”.
Midda kale qofka aqoonta leh waa inuu mutafaa'il ahaadaa..maadaama nololi jirto, waa ineey raja jirtaa, kana fekeraa jidad badan oo lagu baxsan karo, laakiin maahan in qofka aqoonta lihi dilaa mooraalka ama himilada dadka ow indhaha u yahay.
Waxaa soo socdo hawlo xusulduub loogu jiro .. waxaa loo baahan yahay in dabinkii shalay lagu dhacay aan maanta loo noqon…Taariikhaha muuqdana waaa inaan wax ka baranaa.
Waxaa jiro qof hala!! Waxaa jiro qof labaa, waxaa jiro qof saddex ah..waxaa jiro qof afara..Waxaa la rabaa in qofkii hala ka joogo qofkii labaa..kii labaana ka joogo kan saddexa..kan saddexdaana ka joogo kan afartaa..Haddii taasi timaad waxaa soo baxaayo wax wanaagsan oo loo aayo..Waxaa muhiima in sida loo kala mudan yahay laysu fiirsho..ayna timaad eeboow adaaa jira iyo adaa jiro..Aarkii reerka rari lahaa waa in la doondoonaa..laakiin uuna isagu dhihin anna waan imid..ee mar uun I dhaha..haba ii galo CV.
Runtii waxaan aad ula dhacaa markaan akhriyo suugaanleeyda seey wax u cabbiraan ..Faarax Seefeey oo ka yaabay adduunka iyo sow u soo adkaahaayo iyo dhibaatadiisa iyo weliba dadkii sow isu bedelaayo iyo isdhexyaacyada jiro ayuu waxuu ku shirbay :-
“Adduunyo uur lahaan arkaa
Umulisaanse loo arkeyn”
Shiribkaan waxaan ka soo qaatay buugga gabayada ah ee Professor Ali Jimcaale Axmed ee la yiraa “When donkeys give birth to calves”.
Hadraawina isgoo ka hadlaayo gefefka loo geeysaayo bulshada inteeda badan ow isaga iyo intii la midka aheyd af hayeenka u ahaayeen ayay waxay fureen Suugaantii caanka noqotay ee Deeleeyda 80meeyadii. Maansadiisii “Daalacan” qayb ka midaan rabaa inaan ku iftiinsho bulshada iyo aragtideeda dhibabka ku dhacaayo iyo reactionka iyo jawaabta laga sugaayo bulshada. Waxuu Hadraawi yiri:-
Bulshadeenu waa duul
Daacad iyo xishood badan
Dun xariira weeyaan
Cidna uma daraadaan
Dar alleey ku dhaqantaa
Dareen waw dheg weyn tahay
Ogow doqonse maahee
Qofka maamul dalabliyo
Dabaal jooga hoosiyo
Dibindaabyo ugu maqan
Degdeg uma tilmaamaan
Nabar kulama duulaan
Dib beey ugu mudeystaan
Dulmigiisu waw keyd.
Maanta waxaan is leeyahay haddii Faarax noolaan lahaa manta ineey shalay I qarso ahaa laheyd oo waa tii hore loo yiri : “Haddii furuq la arkaa..waraabow fara ka leef noqdaa”. Tii shalay waxay noqon laheyd caano. Waxay ila tahay in dadku u kala rooraayo laba sheey oo haddii si xun loo adeegsado lagu adduunyo iyo aakhiro beelaaayo..waana derejo iyo hanti.. Taasna waxaan rabaa inaan ku soo qaato maanso aad u dheer una qiima badan ow tiriyay abwaanka qarnigaan Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi” qayb gaaban oo ka mida maansadiisii caanka aheyd ee “WARIYE” waana tan:-
Derejooy wid lagu yidhi
Wid widaanwid lagu yidhi
Walahaana kugu raran
Hantiyeeyna kuma Waco
Woohoowna kuma dhaho
Weligeeyna kuma sugo
Wed haddaanad celineyn
Nin ku sheegtay waareyn
Maxaan kuu warsanayaa?
Waxaan sarbeebtaan samaddoonkaa ku soo gooyay maansadaas Hadraawi . Waxaan is leeyahay inta caqligu la wehel yahay waa garan kartaa qoraalka iyo maansaduba waxa ay cabirayaan. Waxaana is leeyahay in in badan ay u noqon karto caqli celin iyo tusaale fiican, waase haddii si miyir, xisaabtan iyo naqdin qof ahaaneed lagu laro.
Wabillaahi tawfiiq.
Waxaa qoray
Xuseen M.Cabdulle”WADAAD”
huswadad@hotmail.com
Sarbeeb Samatalis ah! La soo mar waqtiyo adag iyo jiilaal dheeraaday!
La soo mar murugo iyo uurkutaallo kala duwan..Lagama sheekeyn karo dhacdooyinkii foosha xumaa ee la soo maray...Waxaa dhacay wixii dhacay!!!.