Shariif Waa Xaraarug (Faalo Aqriste)

0
Tuesday August 07, 2012 - 01:48:05 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1700
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shariif Waa Xaraarug (Faalo Aqriste)

    Shariifka waa xaraarug siyaasada saaxiib joogta ah ma laha balse dano joogta ah ayeey leedahay,waxaa kale oo la dhahaa siyaasada ma laha colaad joogta ah,waxaa soo baxeeysa ka fogaanshaha cadaalada shalay in aay sabbab u tahay in maanta aad kaga soo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shariifka waa xaraarug siyaasada saaxiib joogta ah ma laha balse dano joogta ah ayeey leedahay,waxaa kale oo la dhahaa siyaasada ma laha colaad joogta ah,waxaa soo baxeeysa ka fogaanshaha cadaalada shalay in aay sabbab u tahay in maanta aad kaga soo carooto shirka Kenya cadaalo daro ogaatana in aad hada hurdadii ka soo toostay,,Shariifka maxuu ku qaldamay maxaase dhagaha ka fureeyay ????

Shariif Waa Xaraarug

بسم الله الرحمن الرحيم

الســـلام عليكمورحـمة الـله وبــركـــاتــــه. وبعد


    1. Baarlamaankii 550 ee uu ku lahaa 275 xildhibaan ayuu daaqada ka tuuray asaga oo maslaxad u arkay in Faroole yahay nin u hiilin kara waqtiga fog.
    2. .Shariifka waxuu daaqada ka tuuray axdi-qarameedkii lagu soo heshiiyay ee Impagati iyo awooda uu ku lahaa.
    3. Shariifka waxaa uu hiilo ka doonay Puntland kana dhigay 2 goor r/wasaare iyada oo la ogyahay in Puntland ay leedahay madaxweeyne gole wasiir io xukuumad,labaduba dhaawicii aay u geeysteen siyaasada Somalia weli dhiigeeda waa socdaa.Garowe 1 & Garowe 2 Gaalkacayo runtii xaaran ayuu ahaa balse Shariifka uma arag xaaran ee xalaal ayuu u arkay waataa maanta waxii ka soo baxay lagugu shiilayo.
    4. Shariifka waxaa uu ogolaaday in 6 nin uu asaga ka mid yahay masiirkiisa dalka Somali laga weeyndiiyo, la madaxweeyne ayaa ka dhacday,waataa Faroole taagan yahay ana la madaxweeyne.Waxaa uu lumiyay awoodii maxadweeynenimo waxuuna ka doortay in Faroole,Caalin ,Gaas aay la madaxweeyne la noqdaan.
    5. Shariifka waxaa uu tacsi qaran u dhigay C/aahi Yusuf oo ahaa aabihii burburka qaranka Somalia,Aabahii Ethiopia ku soo hogaamiyay dalka ,Aabihii gumaadka shacabka Somali,waxaad intaasi u sameeysay ayaa ahaa in Puntland mar uun ay kuu hiiliso balse Nina Caadadii madaayo,bahalna ceeriin ma daayowaa taa lugta ku jiidaysa maanta, slowly but sure.
    6. Shariifka waxaa uu ogolaaday in Muqdisho oo aheeyd caasimadii Somalia in dib looga tashado,waa taariikh aanan marna la iloobi karin.
    7. Shariifka waxaa uu ogolaaday in Odayada duubabka iyo raga ansixiyaylabadaba in aayan awooda wax ka bedellaheeyn dasruurka qabyo qoraalka waxuu ahaa qorshe dheer oo dhagarqabayaasha ka damacsanaayeen in mar uu la ansixiyo asaga oo aanan wax laga bedelin,waana dhacday Odayada duubabka iyo kuwii ansixiyay 825 + 135 awood uma leehyn in aay wax ka bedelaan dastuurka.
    8. Shariifka waxaa xiga ansixinta dastuurka qabyo qoraalka oo laga bixiyay a) awood qeeybsiga dowlada dhexe iyo dowlad goboleeydyada b) qeeybsiga qeeyraadka dalka iyo c) qaab dhismeedka Federaalka gobolada sida aay isku raaci karaan intaba qorshaha labaad ee xiga midka ansixinta ayuu ahaa balse Faroole dastuurka Puntland uu ku ansixiyay Garowe arimahaasi aad ayaa loogu qeexay.
    9. Shariifka waxaa uu ku guuleeystay oo kaliya in haweenka gobolka Banaadir aay u soo banaan baxaan muujiyaane taageerada aay u hayaan Shariifka,waxaase la iloobay in haweenka aayan laheeyn awooda waxa lagu dooranayo,awooda waxaa leh xildhibaanka la doo doortay ee baarlamaanka ku jira,Faroole & C/weli waxaa aay ku guuleeysteen kunna heshiiyeen xulista xildhibaanada baarlamaanka Daarood iyada oo aanan lagala tashan Odayada duubabka,jufooyinka gobolada Nugaal Sool,Sanaag iyo Caayn waxaa qaatay Faroole halka gobolada Bari iyo Mudug uu qaatay C/weli,Shariif reerka uu ka dhashay ayuusan u kala xaqsoorin bal fiiri Mudulood weli waxaa lagu socdaa waa xalxaq maaha,sidee awooda Mudulood loogu soo koobay 3 jufo halka Wacdaan,Moobleen iyo Helibi la siiyay min 1 xildhibaan,taasi waxaa ka daran kuwii xildhibaanimada xoogay ayaa hadana gudoomiyayaal ka ah gobolada dalka sida sh.dhexe degmooyinka gobolka badaadir sow xaqdaro maaha.Maxaa diiday in gobolada loo dhiibo kuwa ka qaday xildhibaanimada ??
    10. Waa xiligii qofka markuu xaraarug noqdaa dhihi jiray waryaa Hawiye ahoow dib u fiiri Cali Geedi markii aay soo dhaweeyd in xilka laga qaado ayuu afka labadii dhawaaqay war-yaa Hawiye ahoow sorry,Shariif Hawiye waxaa uu ka doortay Faroole waxaana uu hada taagan yahay war yaa Hawiye ahoow.intii aad ku maqneeyd guurso gabdho faro badan ayaaragana waxuu ka maqnaa sidii xilka lagaaga qaadi lahaa,hadase waa timid in xilka lagaa maroorsado adiga oo aanan laheeyn awood.
    11. Culamadii ayuu dhagaha ka fureeystay ee sida cad u diiday dastuurka qabyo qoraalka,sida oo kale shacabka somali oo indheergarad ahaa ayuu diiday,xagee u socdaa Shariif ........ tuuladii uu ku dhashay maya maya weli xor maaha oo Al.Shabab ayaa ka talisa ???
    12. Mission Completed qorshahii dhamaa markii dastuurka la ansixiyay C/Weli iyo ragii wax la waday ina ugaas khaliif ,C/raxmaan Xoosh waxaa aay u duuleen Garowe si Faroole loogu wargeliyo sida qorshah ku dhamaaday,Xamar iyo Kenya ayaa ka dhaw Xamar iyo Garowe diyaarad ahaan maxaa Garowe laga doonay Kenya ayaaba loo socdaye.

Dr.Ali.A.HirabeHirabe_a@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip