C/weli dooro waa Faroole dooro (Faalo)

0
Thursday August 09, 2012 - 02:03:51 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1872
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    C/weli dooro waa Faroole dooro (Faalo)

    Maxaa sabbabay in Faroole uu awood u sheegto wallaalaha dhulbahante in aay ka tashadaan masiirkooda xildhibaanimo ee dowlada federaalka ??? Somalida waa wada aragtaa balse weli waxaa la la yahay cid damiir leh oo kibirkaasi diida kuna soo celisa Far

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa sabbabay in Faroole uu awood u sheegto wallaalaha dhulbahante in aay ka tashadaan masiirkooda xildhibaanimo ee dowlada federaalka ??? Somalida waa wada aragtaa balse weli waxaa la la yahay cid damiir leh oo kibirkaasi diida kuna soo celisa Faroole xuduuda uu leeyahay,waxaa damac kaga jiraa Faroole in xildhibaanka dhulbahante codkooda ayan siinin cid-kale oo aanan aheeyn C/weli oo isku soo taagay in uu noqdo musharaxa madaxweeynaha Somalia,Faroole waxaa uu isku bedalay Garaadka dhulbahante iyada oo la ogyahay in uu ka soo jeedo jufada Ciise max´ud sow lama dhihi karo waa kugu gardaro in aad dhulbahante u soo xusho xildhibaankoodii,sida oo kale Faroole waxaa uu soo xulay xildhibaanada Warsangeli oo weli ka taagan murun iyo qeeylo halka jufooyinka yar yar ee ku dhaqan Puntland uu beri hore xaniinyaha ka siibay.

Xiligii Impagaati 2004 C/aahu Yusuf ayaa u soo xulay beelaha Harti (dhulbahante iyo warsabgeli ),wakhtigaa Puntland sida aay maanta tahay ma aheeyn,Faroole damacii C/aahi ayuu wataa, maxuu u soo kordhinayaa C/weli haddiiba uu noqdo madaxweeyne Somali Faroole iyo Puntland ???? Qorsha fog ee C/weli wataa ujeedkiisa waa in Puntland aay gaarto madaxbanaani lugaheedana aay isku taagto..

Heshiiskii Faroole iyo C/weli waxaa sal u ah in Faroole loo dheereeyo xukunka ilaa 2013 iyo in dastuurka Puntland loo daayo sida lagu ansixiyay kaas oo qeexaya goolka siyaasadeed ee Puntland ee aayaha Somalia,waxaa iyana jirta maadaama dastuurka qabyo qoraalka ee dhawaan lagu ansixiyay Muqdisho ee laga saaray

  1. Qeeybsigaqeeyraadka b) Awoodqeeybsigadowladadhexeiyodowladgoboleeydyada c) QaabdhismeedkaFederaalkagoboladasidaaayiskuraacikaraan.

C/weli waa in uu is waafijaa dastuurka Puntland iyo midka federaalka,waxaa muhimada tahay haddii aan dib u milicsano Dastuurka Puntland waxaa ku qoran in Puntland tahay dowlad madaxbanaan sida ku cad dastuurka Puntland ,haddii aad fiiriso hoos waxaad ku arkeeysaa qodobada aad ugu fog midnimada iyo wadajirka umada Somalia waana kuwa isdiidaya labada dastuur ee midka Puntland iyo midka Federaalka.bal ila fiiri --

MABAADIIDA AASAASIGA AH EE PUNTLAND

QAYBTA 1aad

ASTAAMAHA AASAASIGA AH

Qodobka 1aad

MAGACA IYO HIMILADA

1. Magaca Dawladdu waa Dawladda Puntland ee Soomaaliya.macnaha kama tirsano dowlada federaalka.

Inta laga dhammaystirayo Dastuur federaal ah oo Puntland ansixisay (ratified), dabadeedna afti dadweyne lagu meelmariyey, Puntland waxay lahaaneysaa awood Dawlad madaxbannaan.

Qodobka 4aad

DADKA

1. Dadka Dawladda Puntland waa dadka haysta jinsiyadda Puntland.macnaha Somali maaha Puntland

2. Muwaadinnimada Puntland waxaa difaacaya sharci gaar ah, waxaana qeexaya xeer gaar ah sida lagu heli karo ama lagu waayi karo jinsiyadda Puntland. Puntland waxaa difaacaya somali sabbabta oo ah waa somali.

Kheeyraadka dabiiciga qodobka 53 aad waxaa lagu sheegay:

1. Khayraadka dabiiciga ah ee Puntland waxaa leh dadka Puntland, waxaana looga faa’iideeysan karaa si waafaqsan sharciga. (Puntland Somali ayaa leh khayraadkeedana Somali ayaa leh.)

2. “Dawladda”Puntland ayaa ka mas’uul ah ilaalinta iyo ka faa’iidaysiga Khayraadkeeda dabiiciga ah. (Dowlada dhexe awoodeeda in Gobol sheegtaa waa qalad.)

3. Dawladda Puntland waxay heshiis la geli karta Shirkado waddani iyo Ajnebiba ah waxayna siin kartaa ruqsadda ka faa’iidaynta khayraadka dabiiciga ah.(Teeyda anaa leh taadana kula lehi sow maaha?)

4. Ruqsad kasta oo la xiriirta ka faa’iidaysiga khyraadka dabiiciga ah waxaa bixinteeda soo habaynaaya Golaha Xukuumadda waxaana oggolaanaya Golaha Wakiillada.

5. Qaabka saami qaybsiga khayraadka dabiiciga ah ee Maamulka Puntland waxaa qeexaya xeer gaar ah oo uu Golaha Xukuumaddu u gudbinaayo Golaha Wakiilada si uu u ansixiyo.

Qodobadaa oo dhan ayuu balan qaaday C/weli in uu u howlgeli doono sidii uu u dhaqangelin lahaa,C/weli waxaa uu la heshiiyay beelaha Xawaadle sida ku cad dhaqanka Wasiirka qorshaynta iyo is kaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre kaas oo uu Cabdulraxmaan Ugaas Khaliif oo ah Ugaaskii Guud ee Xawaadle oo la hadlaayay VOA 2012-08-06 cadeeyay in uu soo xululay xildhibaanada Xawaadle ee dowlada federaalka si aay ugu codeeyaan C/weli asagana uu uga helo xilka wasiirka Maaliyada,sida oo kale Ugaaska Beesha cowlyahan ee Ogaden Ugaas Xussen Ugaas Maxed Ugaas Qorane ayaa Talaabo foolxumo ah ku dhaqaaqay kadib markii uu iibsaday Xubinihii Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya u matali lahaa Beesha Cowlyahan ee Ogaden,arimahaasi waxaa ka soo shaqeeyay wasiirka ganacsigaiyowarshadaha, CabdiwahabUgaas Khaliif kaas uu C/weli u balan qaaday in uu ka dhigo wasiirka ganacsiga dowlada federaalka,waxaa hungoobay ina Jahweeyn oo awoodi waayay in uu soo xulo xildhibaano Murasde ah oo codka siiyaa C/weli walow uu dadaal ugu jiro arimahaas.

Sida ku cad dastuurka Puntland dhawaan waxaa uu Faroole sameeyn rabaa lacag qaas u ah Puntland,taasina waxaa u fasaxaaya dastuurka Puntland lacagtaasi waa faalso ama been abuur waxaa lagu soo daabacey Madarass (India) waxaan soo daabacey Max’med Faroole lacagtan waxaa iska leh nin Hindi ah Dhraman Singh.Akhristow ila fiiri hoos dastuurka Puntland waxa ku qoran daabacadaa lacagaha. Qodobka 109aad

BANKIGA DHEXE

1. Bankiga Dhexe waa hay’ad Dawladeed Madaxbannaan, wuxuuna u xilsaaran yahay:

(b) Hirgelinta siyaasadda lacageed ee Xukuumadda.

(t) Daabicidda lacagta.

(j) Bankiga Dhexe waa Khasnadda Dawladda (Government Treasury).

(x) Oggolaanshaha shirkadaha maaliyadeed ee gaarka loo leeyahay.

(kh) Kormeeridda shirkadaha maaliyadeed ee gaarka ah iyo kuwa guud ee Puntland ka hawlgala.

Waxaa wax lala yaaba ah qodobada hoose bal akhristow ila arag.Qodobka 6aad

DHULKA IYO SOHDIMAHA

1. Dhulka Puntland waxa uu ka kooban yahay gobollada Bari, Nugaal, Sool, Cayn, karkaar, Gobolka Waqooyiga Mudug, Heylaan iyo Gobolka Bariga Sanaag. Waa been Puntland waa G.Bari iyo G.Nugaal oo qaarkiis maqan yahay

2. Sohdimaha Puntland waa kuwii Gobollada iyo Degmooyinka ay ka kooban tahay la lahaayeen deegaannada dariska la ahaa Jannaayo 1991kii ka hor, hase yeeshee wixii khilaafaad ee hore u jiray (1991kii ka hor) waxaa laga xaajoon doonaa marka Dawlada-Goboleedyada kale ay dhismaan.

3. Puntland waxay soo dhaweeneysaa lana xaajooneysaa degmo iyo gobol kasta oo doonaya inuu ku soo biiro Dawladda Puntland. Ma dowlada Federaal ah baa marka lagu soo biirayo

4. Dhulka Puntland waxaa ku dhan hawada sare, berriga iyo dhulka hoostiisa, jiidda dhaqaalaha ee badda oo dhan 200 maylka badda ah oo ka bilawda halka uu ku dhammaado hirka ugu dambeeya, waxaana mas’uul ka ah Dawladda.

Puntland somali ayaa leh dastuurka qabyo qoraalka ayaa cadeeynaya soohdimaha iyo meesha somali ku taal.

5. Midnimada dhulka Puntland waa muqaddas, lama kala qaybin karo, lagumana xadgudbi karo.

Midnimada somali ayaa ah muqadas lamana kala qeeybin karo.

Hadaba sidee somali ula jaan qaadi kartaa Puntland sow dhurwaa hilib ku raro maaha,sidee C/weli u dooranaa anaga oo og in uu u shaqeeynayo Puntland iyo Faroole Somaliyeey ogaada dhagarqabe dhulka kala qeeybinaya ayaa yimi

Dhagaraha somali ku soo wajahan ayaa ah in Puntland noqoto dowlad ka xor ah somalida inteeda kale sida Somaliland u cadeeysatay,

Waxaad mooda in C/weli dhana uu ugu ololeeynayo midnimada iyo wadajirka somali dhanka kalena Puntland u duleeynayo dowlada Federaalka,Somaliland iyo Puntland dastuur ayeey leeyihiin umada inteeda kale maxaa u diiday dastuur u gaar ah maxaase loogu qasbaayaa in aay ansixiyaan dastuurka qabyo Qoraalka ah??? Shariif waxaa jirtay xili uu carfayay oo la lahaa shariif waa amiir iwm maantase waa urayaa sabbabta oo ah waxaa uu ka fogaaday cadaalada umada Somali waxaana uu hog dheer ku riday rajadii dib u soo celinta Qarankii Somali.

Sh.Shariif in uu Garoowe ka doonto taageero siyaasadeed kulana heshiiyo siyaasad Somalida inteeda kale ku ah cadaalo daro iyo sadbuuri waxaan ku tilmaani karaa Hagarsi,waxaa hubaal ah in shariif uusan aqrin dastuurka Puntland iyo midka qabyo Qoraalka ah, Ninkii tiisa daryeelaa tu kale ku dara.

C/welidooro waa Farooledooro.

Dr.Ali.A.HIrabe Hirabe_a@hotmail.com
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip