Kooxda lacagta badan PSG oo si rasmi ah ula wareegtay Laacibka reer Brazil ee Lucas Moura.

0
Thursday August 09, 2012 - 03:17:13 in Sports by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1698
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda lacagta badan PSG oo si rasmi ah ula wareegtay Laacibka reer Brazil ee Lucas Moura.

    (Laacib.net) Paris Saint-Germain ayaa ku dhawaaqday inay si rasmi ah u la soo wareegtay ciyaaryahanka kooxda Sao Paulo, iyadoo xiddiga farsamada leh ee reer Brazil uu u dhaqaaqi doono Parc des Princes bisha Janaayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(Laacib.net) Paris Saint-Germain ayaa ku dhawaaqday inay si rasmi ah u la soo wareegtay ciyaaryahanka kooxda Sao Paulo, iyadoo xiddiga farsamada leh ee reer Brazil uu u dhaqaaqi doono Parc des Princes bisha Janaayo. 19 jirkaan ayaa waxaa aad loo xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo yurub, iyadoo Manchester United iyo Inter ay ceyrsanayeen muddo dheer saxiixiisa.

Si kastaba ciyaaryahanka oo isbuucan qirtay inuu wadahadalo kula jiro PSG, ayaa haatan si rasmi ah noqday ciyaaryahan PSG ah wixii ka bilowda bisha Janaayo.

Warbixin la soo dhigay website-ka PSG ayaa lagu yiri:

“Paris Saint-Germain iyo Sao Paulo FC waxa ay maanta heshiis rasmi ah ka gaareen saxiixa Lucas Rodriguez Moura Da Silva.

“Ciyaaryahanka iyo PSG ayaa sidoo kale kala saxiixday heshiiska ka bilaabanaya Janaayo 2013 ilaa July 2017. Ciyaaryahanka ayaa ku soo biiraya Paris Saint-Germain iyo saaxiibadiisa cusub bisha Janaayo ee 2013–³

“Iyadoo la soo wareegtay ciyaaryahan da” yar oo tayo leh sida Lucas Rodriguez Moura Da Silva, Paris Saint-Germain waxa ay isku diyaarineysaa mustaqbalka”

Lucas ayaa noqonaya saxiixii afaraad ee weyn ee tababar Carlo Ancelotti ka dib imaanshihii Thiago Silva, Zlatan Ibrahimovic iyo Ezequiel Lavezzi.

Paris Saint Germain ayaa ka dulqaaday saxiixa ciyaaryahan Lucas Moura kooxaha Manchester United iyo Inter Milan. Sidee u aragtaa ku biirintaankiisa kooxda Faransiiska ee lacagta badan? Fekerkaaga hoos inoogu soo qor?



Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip