Wariye Yuusuf Garaad oo maanta Muqdisho soo gaaray (Sawiro)

0
Friday August 10, 2012 - 17:54:56 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1033
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariye Yuusuf Garaad oo maanta Muqdisho soo gaaray (Sawiro)

    Madaxii hore laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da Yuusuf Garaad Cumar ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxii hore laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da Yuusuf Garaad Cumar ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Yuusuf Garaad Cumar ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxaa kusoo dhoweeyey xubno katirsan Dowladda Soomaaliya iyo kuwo horay uga tirsanaa.

Hadal kooban oo uu saxaafadda siiyey ayaa waxa uu ku sheegay in uu yahay saxafi ruug caddaa ah oo dib ugu soo laabtay dalkiisa.

Yuusuf Garaad waxa uu xusay in uu soo galay siyaasadda hase yeeshee si rasmi ah afkiisa ugama sheegin in uu yahay musharax balse waxa uu sheegay in ay la tashi samayn doono kadibna go’aan qaadan doono.

Madaxii hore ee laanta afka Soomaaliga BBC-da ayaa ka hadlay xaaladda dalka waxaana uu ugu baaqay dad haysta hantida aysan lahayn in ay iska wareejiyaan isaga oo dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay is cafiyaan.

Yuusuf Garaad Cumar ayaa dhowaan iska casilay xilka Agaasimaha laanta afka Soomaaliga ee BBC-da oo uu ahaa ilaa sanadkii 2000.

Dhacdooyinka.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip