Marko & Muuqaal qiiro Xambarsan "Marka Cadey Minan ow Isman)

0
Wednesday August 29, 2012 - 01:19:55 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 9001
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Marko & Muuqaal qiiro Xambarsan "Marka Cadey Minan ow Isman)

    Kadib marki ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Amisom ay gaareen xarunta gobolka Shabeelada HOose ee Marka ayaa waxa durba is badalay jawiga dadka iyo deegaanka Marko oo umuuqdo kuwa jiif mudo dheer ka kacay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib marki ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Amisom ay gaareen xarunta gobolka Shabeelada HOose ee Marka ayaa waxa durba is badalay jawiga dadka iyo deegaanka Marko oo umuuqdo kuwa jiif mudo dheer ka kacay.
Qeybaha kala gedisan ee bulshada reer Marka ayaa sida ka muuqata muuqaaladanai muujinayaan sida ay maalinti shalay ay usoo dhaweeyeen ciidamada huwata xili ay socod ku galeen gudaha degmada marka ee gobolka Shabeelada Hoose.

Sidoo kale waxa jawigoodi caadiga ah kusoo laabtay goobaha lagu cibaadeesto sida masjidyada oo mar kale fursad uhelay isla maalinimadi shalay laga maqlayo cod baahiyaalkooda rawaatib ay caan ku ahaayeen dadka reer marka hasa yeeshe mudo aan laga maqlin.

Qurba joogta reer Marka ayaa markale fursad uhelay si xamaasadeesan in muuqaalada degmada Marka ka daawadaan internetyada iyagoo markalena dib boorka uga jafay Aabaay Aabeydii reer marka caanka ku ahaayeen.

Magaalada Marka ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa waxey kamid tahay degmooyinka ugu xadaarada fog degmooyinka Soomaaliyeed iyadoo sidoo kale leh magacyo tira badan oo dhamaan ku qotoma xadaarada ee leeyihin dadka reer Marka waxana sidoo kale lagu xushmeeyaa iney yihiin dad nabadeed oo jecel horumarka iyo wadajirka.

Hadaba qormo gaar ah ayaan kusoo qaadan doonaa muuqaalada marka iyo taariikhdeeda oo dhameestiran.


http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/Markocadey%20(1).jpg
http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/Markocadey%20(2).jpg
http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/Markocadey%20(3).jpg
http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/Markocadey%20(4).jpg
http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/Markocadey%20(5).jpg
http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/Markocadey%20(6).jpg
http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/Markocadey%20(7).jpg
http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/Markocadey%20(8).jpg
http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/Markocadey%20(9).jpg
http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/Markocadey%20(10).jpg
http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/Markocadey%20(11).jpg
http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/Markocadey%20(12).jpg
http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/Markocadey%20(13).jpg
http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/Markocadey%20(14).jpg
http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/Markocadey%20(15).jpg
http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/Markocadey%20(16).jpg
http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/Markocadey%20(17).jpg
http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/Markocadey%20(18).jpg
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip