Xaaska Madaxweyne Shariif oo Istaaga kadhacday xili ay socotay Qudbada Madaxweynaha.

0
Sunday September 09, 2012 - 19:40:10 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1154
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaaska Madaxweyne Shariif oo Istaaga kadhacday xili ay socotay Qudbada Madaxweynaha.

    War deg deg ah oo naga soo gaaray howlka ay kasocotay munaasabada lagu taageerayay musharaxnimada madaxweyne Shariif ayaa sheegaya xili uu qudbadi gunaanadka uu kajeedinayay madaxweyne Shariif ee Istaaga kadhacday xaaska labaad ee madaxweynaha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War deg deg ah oo naga soo gaaray howlka ay kasocotay munaasabada lagu taageerayay musharaxnimada madaxweyne Shariif ayaa sheegaya xili uu qudbadi gunaanadka uu kajeedinayay madaxweyne Shariif ee Istaaga kadhacday xaaska labaad ee madaxweynaha.
Xaaska labaad ee madaxweynaha ayaa istaaga kadhacday iyadoo dhinac taagneed madaxweyne Shariif oo uqudbeenayay dadki kasoo qeybgalay munaasabadi lagu taageerayay musharaxnimadiisa.

hakad yar ayaa kuyimid qudbada madaxweynaha iyadoo goobta shirka laga qaaday xaaska oo sida lasheegay xoogaa miir daboolantay waxana sii waday koox dumar ah oo ay kujirto xaaska kowaad ee Madaxweyne Shariif.

Xaalada xaaska madaxweyne Shariif ayaa warar hordhac ah oo aan heleeno sheegayaan iney soo hagaageyso iyadoo marki goobta laga qaadayna uu halki kasii waday qudbadiisi madaxweyne Shariif isagoona qudbada kudaray in Ilaah Caafiyo.

Wixi kusoo kordha dib ayaa idinkala socod siin doonaa
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip