Gabaygii 41AAd “SUUL-DHABAALE" ee Silsiladdii Sallaamaley
- Visits: 2553
-




(Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
- 1 0
-
Share
Tixdan Suuldhabaale waxa ay ka tirsanaan haysaa siinleyda Sallaamaley oo ah suugaan uu bilawgeeda lahaa Hal-Abuurka Xasan Abiib Faarah (Xasan-daaci)… Waa gabayyo silsiladoobey oo rag xoog lehi ka qayb qaadtay. Xag mawduuc ahaaneed, sida “laqbe iyo nuxurba” ku iftiinsan tixda kowaad (Sallaamaley), kuna beyaansan faallo arareedkeeda gogol-dhig, ujeeddooyin san iyo bartilmaameedyo suubban uga gol lahaanteed waa muran iyo mugdi ka bax… ayada oo, sidii dhaqan ahaan jirey, u curadtay, furid dood-suugaaneed si-hufan oo turxaan la’ u amba-qaad u noqda wada-hadal bulsheed si xor ah, furan oo baahsan loo wadaago falanqayn, garramid iyo isu-garaabid lagu foon-dhimo, lagu neefiyo, laguna fududeeyo gocashooyinka rarmay ee laga soo dhaxlay dhacdooyinkii nidaam-dawladeedyadii Qaran iyo hoggaamintii maamul-siyaaso oo u muuqday sixiraanyo sirgaxan, sawaaban oo sumaysan; loona tirsho sabab-saldhigeedka kowaad ee u horseedday dagaalladii sokeeye oo isna u xanbaarshey dubaaqooyin “guud ahaan iyo gaar-gaarba” loo naafoobey iyo tabaalooyin xanuun iyo tiiraanyo badan oo tin iyo cidhib tafay… Xag abbaareed, maaddaama dharricida u xasaasi-san iyo boogta u caallidh ba’an loo wada arki karo taas ku keentay kaarka iyo ladh daaraaneedka gamaariyey dabkii tanaadka ummadnimo, kaas gulaaley himilo-hadafeedkii qarannimo oo dhantaalay mudnaan-siinta isku-duubnidii wax-ku-oolnimo sudhnayd; kolkas, waxa an rumays nahay in aanu qaldanayn fikirkii bilawgii lagu salaysnaa ee ahaa “labo dhinac u-wada-hadlid” iyo hindisiddii in doodda loo wadaago labadii waaxood ee sees-u-dhigidda Jamhuuriyadda Soomaaliya 1960kii yagleelay. Yacni: Woqooyi iyo Koonfur.. marka an sidaas qirayo waxa an muujinayaa in an si baxaad weyn u aamminsan ahay lagama maarmaannimada turxaan-bixinta dhinacyada bulsho, gaar ahaanna ay daruurinimada soo celinta kalsoonimdii iyo aamminkii Soomaalinnimada.
Haddaba, raggii ka qayb qaadtay waxa ay silsiladda ku curiyeen ilaa afartaneeyo tixood oo ay ku ban-dhigeen aragtidooda ku aaddan sifnaynta: xaaladda Soomaaliya ku sugan tahay, dhibaalka iyo eedaha la isu tirsan hayo iyo siyaabaha xal habboon loogu heli karo; fikirrada qaybaha bulsho beeleed iyo mawqifyada himilo-siyaaso ee lagu kala salaysnaado (is-waafaq iyo is-weydaarba)… Kolkaas, Inkastoo lagu doodi karo, gabayaaga ka qayb galay silsiladda Sallaamaley waxa ay difaaci hayeen aragti-falsafadeedyo is-caaradsan “Fiqi bahdii kama janno tago”; haddana, waxa an ku kalsami qabaa “in badi ama dhammaan loo wada qareemay ra’yi jira ooy qayb ama jeedh ka tirsan bulsho-weynta Qaran u aragto daawo iyo dan-guud oo garwaaqsi mudan (xoojin iyo/ama taageerid)... balse, waxa dhab ah: Reer guurey waa geeddi ilaa uu socdo masaafada ka sokaysa rabadinta loo raro… taas lama soo gaabin karo … ragna jeer uu aragti qofaysa helo talo ruugud arrimeed ayaa ka ceedhiin… macnawiyan, waa ka horraysaa kobtii ku socdey ama u horseed lahaa…
guulayste….; kaalintiisu waa maalin-walbaale… taabbagalnimo waa weliba kula sii dhowaad… libin-ku-geeraarna waa weli jeer meel magac leh lagu ogaado Soomaaliya iyo Soomaalida oo nabad, dawladnimo, caddaalad, midnimo iyo walaalnimo ku soo dabbaalan; guud ahaanna ku amba-qaadan tubta dadnimo, soo-kaabasho, xalay-dhalaynimo, iskaashi, horumar iyo xaqiijin jiritaan ummadnimo…
Si kasta arrini ha ahaadtee, aniga oo si gaar ahaaneed hanbalyaynaya ka-qayb-galeyaalka Silsiladda… waxa an guud ahaan hal-abuurka ummadeed ujeedinayaa leeyahay (geel-diddiih loogama hadho)…
Haddaba, maanta oo taariikhdu tahay Oktoobar 26/2012; Gabayaaga Soomaaliyeed iyo si gaar ahaaneed bahda silsiladda Sallaamaley (nidaamiyaalka, hal-abuureyaalka, shebekedaha (wibsites) iyo akhristayaalkaba) waxa an u tebinayaa salaan sare iyo Tixdan ‘SUUL-DHABAALE’ oo an qoray oo ah sidan soo socda:
Sooyaalka taariikhda waa suul ma guure ah-e
Waa qalin iskiisa u socdoo saaran waayaha —e
Waa saaruf iyo mid an lahayn sogordah beeneed —e
Si la falay sansaan loo dhaqmiyo sawd af laga sheegey
Mid waliba samaan iyo xumaan sanaci uu yeeshay
Waa shay sifnaha laga arkaa raadkii saamaha —e
Adduunyadu sin ay dhigatay iyo sey kolba u taalley
Waa saaxda laga dheehan karo saabiqii tegey —e
Waa sened u meel-yaal wixii siqay xogtoodii —e
Suugaanta camalkaa dadkaa laga sameeyaa —e
Sax iyo qalad salaax iyo xasarad ruuxba wuxu suubsho
Falba suuraddiisaa tixaha la isku siiyaa —e
Saqdii xalay miyaa galangalkii maansadu i saaqay
Sadriga iyo bedenkii miyaa godolka saahoodshey
Daruuraha sakaabiyan miyaa dhaanka sidi waayey
Ma sawaxanka laabtaa afkiyo saabku celin waayey
Saylaamihii hore miyaa siiradu hillaacday
Ma wuxuu sameeyaa insigu dhegaha siin waayey
Sinji Aadmi sulub aabbe dhalay siidh hal qoomiyad ah
Sami-samida hawleed duddaba tay ahmiyad siiso
Sahal baa Ilaah uga dhigaa seebka loo wado-e
Samataraha loo aayey oo lama sagsaagaan ah
Iyo laga sidtaha oo xumaan lama sariiraan ah
Sambiilkii dhidtada waa waqiis lama sibbaaqaan —e
Sanka waxad la raacdaa hibaaq dhegona suugaan —e
Saxansaxo udgoon roobku waa kugu salaamaa —e
Sugta dulucda waa soo socdaa suul-dhabaaluhu —e
Surta Qaran saldano dawladeed saamashada ciidda
Soodh labo-af-liyo dhiig rag baa loogu sahanshaaye
Marna saancaddaaggii xornimo cido ma sooryayn —e
Safiir iyo wufuud iyo beyaan sucamo loo geeyo
Gumeystaha sirtiisiyo dhambaal suxufta loo dhiibo
Saaxiib la beeriyo xidhiidh saraca loo uumo
Subuc-diin ah, suus-taakula ah saanad iyo ciidan
Shicibkoo la sooyaansho iyo salaw la oomaarsho
Sabbur iyo salaaf la halgamiyo weyrax lala saaqmo
Si kastiyo siyaasiyo dagaal siigo iyo qiiq leh
Gobannimadu sababtay ku timi ama ku suurtowdey
Ninba intuu sallaaddi-u-mariyo saydhan buu jiban —e
Qofna dhib uma soocnayn wedkana uma sadqaysnayn —e
Misna lama sinnayn hawlihii seedo gooyada —e
Dhanba saamiguu ku halgamuu soog ku liilliyi —e
Suub iyo carriga laga yoto’ay sidigta maandeeq ah
Suxul-duubiddii muqaddasnimo saaridda cawaale
Isku seege Reer qarab ninkii rid ugu soognaaye
Ka sitaynna Baarliin markii soohan la hilbeeyey
Saryankaa la beegaye shaxdii saanyadkee nacabka
Bal siddiriq u dhugo aarsi baa saayid ku ahaaye;
Sanka waxad la raacdaa hibaaq dhegona suugaan —e
Saxansaxo udgoon roobku waa kugu salaamaa —e
Sugta dulucda waa soo socdaa suul-dhabaaluhu —e
Eebada cadaawuhu ku sudho waad ku samirtaa —e
Balse samayda leebkiyo intaad waranka siibaysid
Sacsac kugu dhaqaajaa xun oo kugu saqsaajayn —e
Suldad udub ah iyo soco-bogaay sano ma qaadteen —e
Subxaanyadiyo aburkuu ka jaqay salaqle-weedhaan —e
Ciskii suruca suu ugu ban-maray waa saraar weli —e
Sarmo kuma xarriiqdeen birtiyo soodhkii qaajuhu —e
Waxsay gudimadii saancadkiyo saawirtii nabartay
Soofe iyo markii badh u noqdeen daabka saacida-e
Sabarro-isla-waagii shangees loo silsiladeeyey
Dibna Suulu iyo Baantu labo siqiir-dhuunshey
Sal-sallaabe suu yahay Kurdigu kana sed liidteen —e
Sarrifkaa salsaal kii ka ridey siiradaa qori —e
Isna seeg hortii kama siq-siqin siligga kaad yaabtay
Dibna kama saliilyood-e waa sacab tumaayaa —e
Wax base yaanu suugaanta weyn dan ugu soohnaane
Intuu sagan ka galay ama sagraday oo samhalaleeyey
Ku sureer nin saamaha dhugtoo xaqay sinaadkiiye
Sullanse aadmi waysugu sawoo lagu subaacowye
Ifka suuq iyo xafiiska iyo soolka iyo ayda
Saanteeda yalal deegay iyo saabbir baa guri —e
Samo-fal isku-sheeg-sheegyadaa siiya aahada —e
Suxuftiyo dhunkaal waxa ku haba weriye sooreed —e
Sarta Golaha loo Idilyahaa laga sumeeyaa —e
Sal-ka-unug wadaag loo sekedo waxa saan-saantay
Sawir iyo illaa suulla-saar saawir ay wadatey
Iyo weliba saarrey u kacay baw sujuuro lehe
Sawo geelba-sibir-godan sinnina kala sidtaal-roone
Madi siiban gaawaa ka sugay farowgi saarnaaye
Siddi-qabaxda gool-weyn karuur kama sibraartaane
Qaran-soohu waa suun-jin oo meel ku saanahan —e
Shanleydaa samaanyaysatiyo guusha saranseersan
Sida seer-ma-weydaa xalkii laga sugaayaan —e
Sanka waxad la raacdaa hibaaq dhegona suugaan —e
Saxansaxo udgoon roobku waa kugu salaamaa —e
Sugta dulucda waa soo socdaa suul-dhabaaluhu —e
Si jeclaysi gabay waw sun iyo taada kula suux —e
Siyaasaynta kuma taawilliyo saancad alabkiis —e
Siba sida salka ah baa tixuhu sano ku yeeshaan —e
Xaqiiqada saxiixa ah haddaan shiisha lagu saarin
Runta lama saluugo-e haddaan sumad-cad loo yeelin
Waa suuq-madow iyo dhedoo soconba maayaan —e
Samo-talinta waan u hitiyaa sabab abuureed —e
Seebaalin nabadeed ninkaan rag isku haab seegnay
Eed-reeb siyaado ah ninkii suxubbi aan yeelnay
Salaaddii garsoor iyo sinnaan maanki gacan saydhay
Misna Samofalkii hiil saddexan sedo ka laallaabtay
Caqli galay silloonaa adduun ruux wax kama siin —e
Su’aal iyo jawaabteed haddii saani la hadlaayo
Runtu sadaqo weeyee haddii saahid la ahaado
Sa’da muruqqa-labo-suullehii saaxi laga sheego
Hal sagaal siddeed iyo siddeed tiro sabaanaadka
Siinka iyo nuunkiyo kalkii loo sabbahay miinka
Saddon-guurtadaa iyo ilaa saakayda an joogno
Subax yoomey hilibluu ahaa kaa subkanayaa —e
Salaax iyo wanaag baa adduun lagu sinjaarmaa —e
Sikin iyo sakiin sina nafluu kuma sokeeyoobe
Dar soofkiisa iyo loogu yimi sabadka uu hoydo
Aan suusna qaan lagu lahayn sababta jeedaalye
Muxuu sugiba socoyee bal muu samir hortiis daayo?
Sacaadada adduunyadu mar bay kuu soddohisaaye
Siddon-sano sid-tiris haabtay baan bun-u saloollayn —e
Muxuu sugi ciskii sadhagga yimi socoye muu qaadto
Sanka waxad la raacdaa hibaaq dhegona suugaan —e
Saxansaxo udgoon roobku waa kugu salaamaa —e
Sugta dulucda waa soo socdaa suul-dhabaaluhu —e
Dhib sugnaaday maandhaaf salgamay damac saddaarnaadey
Xal saraarmay sulux liiqay iyo garawsho suubaanmay
Go’aan suubban oo sugan gartii saalax lala dooni
Inkastoo samaan lagu galoo baanji lagu saafo
Inkastoo sokeeyiyo xabiib sagan la’aan ruugo
Ama Ina Sanweyniyo duqii Saalax Garow feensho
Maahmaahda sooyaal murtida sayncadduhu reebay
Xaajada silloonaadta ee toog sal dhigan weyda
Hal la seegay bay tebi amaan saayid bay naci —e
Soo-Laan bulshada wada degtaa sararo weeyaan —e
Sidko-nuug haddii gabal sidtaan gabalna sooc dooni
Saxeex iyo guddoon labada sawd kii saxaa noqon —e
Sinnaanshiyo sariix ceelalyadu saami ku heshiiso
Markii maaro suurtowdo baa soof biyo cabbaa —e
Ninba suu caqliyo xaal adduun ugu samaan waaye
Haleeyada sokeeyaha haddii soohan la xeraadsho
Sawo geela waysugu jirtaa sibirti qawsaar —e
Haddana sumadda waa kala jirtaa kaaga suuradin —e
Ninkii soocan sayntiisa gaar oo serged u goosta
Aan saayid dheeri ah damcayn dabar wax seeteeya
Waa sahalo duunyoo dhaqsaa lala sagoodshaa —e
Dadse suruci yaab lehe hadduu saamac kala waayo
Markii maan Bilaal ‘soconnay’ rabo maan Barrena ‘saakin’
Ka sur adage sida geel shurko ah muu dhul kala soocmi
Soomaali ceel waw dhex iyo saaca geeduhu —e
Hadba soonihii doog leh bay wada sinjaartaa —e
Socon mayso saaf oo geyiga jabadba reer siiye!
Sanka waxad la raacdaa hibaaq dhegona suugaan —e
Saxansaxo udgoon roobku waa kugu salaamaa —e
Sugta dulucda waa soo socdaa suul-dhabaaluhu —e
Onkod wuxu sarraxa ka hingada sinihi waa meel —e
Gacmahaa ku saaqida falkaan kugu saddaarrayn —e
Sanaanahadtay saad dooni iyo waxad saruuroon —e
Saxiixii Caruushee Wajeer shalay sabool haadshey
Iyo soohdin iyo diin midkii Liibya een sigannay
Iyo saaka faqa loo sinqaday waa dir saalimo —e
Sacab waxa habeen loo tumaa sir iyo xeegaan —e
Saxaaraha ma jiro roob heloo carug ka saaraa —e
Nin demmane subkoo laylyayaa dhug u samayn waaye
Sinta hagidda saaxada cilmiga tabo siyaaseedka
Inkastoo sax loo booddo-baro ama la soofeeyo
Suxbad niman u dhalan iyo damiin soli wax maayaan —e
Qofkuu sare la maagaa Ilaah waracyo siiyaa —e
Salleel iyo kan garabkiisu yahay soobil waa madi —e
Uraag iyo Massay iyo wax saban sagaca Baantuu —e
Xilku kala samcane maalinkii aad tixnaga saarto
Ama aad sarkaal noqoy tiraa oo sallada geysid
Sirsirka u lab suruc baa ka tiri suun-ku-duug Qaran —e
Surka geela awrka uga baxa sino-tus kaa doonye
Dadku saawir kama quusto iyo ruux naftii sida —e
Sacabbadu qam waa mudhxaan socod barkiisii —e
Sengood la isu guud saaran yahay saaka kala-reebta
Suunnaari iyo waxan magaan faan la kala siinin
Inta orodku kala saari baa lala sugayaa —e
Sayidkii hadduu kala caddaan sawdkii uu yiri
Sumcad iyo hadduu qaayo bido sadarka taariikhda
Hadduu magac sarraynta iyo xigo sharafta suunkeeda
Hadduu suud-xun iyo ceeb la naco saqalka shaadhkiisa
Suldaddiyo hadduu taajka geyo saaran madaxiisa
Sugullena kalkaa lagu ogaan sidigta maandeeq —e
Sanka waxad la raacdaa hibaaq dhegona suugaan —e
Saxansaxo udgoon roobku waa kugu salaamaa —e
Maxamuud Muuse Cali Caarre
Mmcarre50@hotmail.com Tel: 00 252 90 702583
Gabaygii 41AAd “SUUL-DHABAALE" ee Silsiladdii Sallaamaley
Tixdan Suuldhabaale waxa ay ka tirsanaan haysaa siinleyda Sallaamaley oo ah suugaan uu bilawgeeda lahaa Hal-Abuurka Xasan Abiib Faarah (Xasan-daaci)… Waa gabayyo silsiladoobey oo rag xoog lehi ka qayb qaadtay. Xag mawduuc ahaaneed, sida &ldquo