Gabaygan 40AAD “Saxaltir” ee Silsiladda Sallaamaley
- Visits: 1957
-




(Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
- 0 0
-
Share
Gabaygan “Saxaltir” wuxuu ka mid yahay Silsiladda Hanaqaadday, ee billaabatay Sanadkan Horraantiisii, curashadeediina ka billaabatay Dood dhex martay Asxaab kala jooga goonyaha dunida oo ku kala feker duwan, Arrimaha Siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Soomaaliland. Silsiladdan waxaa lagu faafiyey shabakada Af Soomaaliga lagu qoro, ka dibna ay si weyn uga qaybqaateen Hal-abuurro kala jooga dunida dacalladeeda, oo dhallinyaro u badan, curiye welibana soo bandhigay fekerkiisa iyo mab’da uu doodda a qabo, waxay dooddu socotaba, xaajadii u muuqatay “I jiid aan ku jiidee” iyadoo dadku u kala qaybsameen saddex qaybood:
Qolo dhexdhexaad ah, oo lahayd wuxuun halaysku afgarto, balse yaan magaca iyo dhalashada Soomaaliyeed lagu kala tegin, siyaasaddana shaqsi weliba wuxuu doono ha rumaysnaado,Qolo gooni isu taaga taageersan Somaliland, iyo Qolo midnimo ku baaqaysa.
waxaan markaa gabaygan oo ah mid turxaan bixin ah una marqaati furaya hal-abuurku inay dedaaleen balse aysan bedelin majarahooda xal raadiska ah ee ay hore u sii mariyaan inay sababaan is fahanka dhallinyarada Soomaaliyeed ee colaad ku korka ah, kana saaraan isir nacaybka iyo ficillada xun xun ee laysu geliyey,
caalamku dhibaatooyin badan ayuu soo maray oo xitaa Gumaysi leh, waana laga gudbay lagana heshiiyey, oo maanta Soomaalida saaxiibbadeeda dunida ugu dhawdhaw waxaa lagu tilmaamaa dowladihii gumaystay, marka dad wada dhashay oo wax dhex mareena maxaad u dhigtay ma inay ka heshiiyaanbaa mise inay ku kala tagaan? Waa kan gabaygii oo si gaara ula hadlaya bahda Sallaamaleey ka qayb qaadatey iyo kuwa ka qay geli doonaa intaba.
Gabaygii “Saxaltir”
1. Siinleeyda noo curatay iyo, saadkan iyo Wawga
2. Gabay sugan murtidan soohan iyo, hadalkan Suugaysan
3. Suugaan xumaan suulisoo, nabadda suuraysa
4. Xigmad saafan, hadal saxarla oo, suulsha kala guurka
5. Da’yartii Sallaamaleey[1] furtee, curisay suugaanta
6. Iyadoon samaankaba la tirin , Gabay samaan sheega
7. Iyadooyba Soomaalidii, suuftay dhaqankooda
8. Oo laga socdaaloon muddaba, cidi sabaaraynin
9. Oo ruuxa saadaaliyana, sawdka lagu ooday
10.Raggii magaca Soomaaliyeed, gabay ku saafaayey
11.Saxda iyo halkii seegganayd, shacabkii siinaayey
12.Raggii soofka deegaanka iyo, aradka saameeley
13.Sawraca dadkeeniyo sinjiga, baray sibyaanteena
14.In Saluug galaa maan filayn, lana sadheeyaaye!
15.Afartaa sal iyo baar murtida, saddaradeedii dheh
16.Sallaamaleey halkay saadisiyo, sawdki aan helay dheh
17.Soomaali dhaqankeedi iyo, hadalki suubnaa dheh
18.Soofkiyo hantida aan dhaqdiyo, dhaxalka suugaan dheh
19.Murti saafan Guuroow saldhigay, Gabay sareedaad dheh
20.Afar kalena samataliska iyo , Saxaltir weeyaan dhe
21.Saamigaaga wuxuu sawdku yahay, iyo mid kuu soocan
22.Saableeyda beerkiyo intaan, dhaafin sabarkaaga
23.Haddii uunku wada saamicoo, kaa sibqado maalin
24.Ama seego marinkii saxnaa, waa sun iyo booge
25.Saadanbuu Dhunkaal kugu noqdaa , saaqda hilibkaaye
26.Sooyaalka goortuu galaad, salal ka qaaddaaye
27.Summad loogu soociyo Maddane[2], sabarka kaa saaran
28.Guudkana midkaa sudhan noqdaa, abidna suulayne
29.Sinjigaad dhashaa buu dhibaa, laguna soocaaye
30.Sulufkiyo colaadduu dhigaad, la surbacaadaaye .
31.Afartaa digniin soocan iyo, sixiddi Waayeel dheh
32.Sallaamaleey halkay saadisiyo, sawdkii aan helay dheh
33.Soomaali dhaqankeedi iyo, hadalki suubnaa dheh
34.Soofkiyo hantida aan dhaqdiyo, dhaxalka suugaan dheh
35.Murti saafan Guuroow saldhigay, Gabay sareedaad dheh
36.Afar kalena samataliska iyo, saxaltir weeyaan dhe.
37.Sallaamaleeydu sahan bay ahayd, maanso samadoone
38.Dadkii kala socdaalay lahayd, Sees isugu keene
39.Safafkii colloobay lahayd, raadi samahoode
40.Sooyaalki dhacay bay ahayd, inay sifaysaaye
41.Dadkan kala sikaday bay lahayd, haysu soo siqo’e
42.Sinji laysku maagiyo, qabiil laysku kala saaro
43.Iyo Seefo may wadin Mindiyo, laysku soofayne
44.Saymiyo colaad loo ballamo, maanan sugahayne
45.Soomaali cudurkii bahdilay, saaka maan filane.
46.Seeddiyo xigaal baynu nahay, kala sal guurayne
47.Saddiiq iyo Walaalaynu nahay, soohdin wada yaale
48.Sabi iyo Abtigii baynu nahay,la isma seejaane
49.Salka dhiga sinnaan raadiyoo, keena sahan doora
50.Sallaamaleey inay saxal furtoo, sadhiyo hoog reebto
51.In la seejo marinkay lahayd, sababna loo yeelo
52.Siriq iyo inay dabin gashaa, lagu sakaalaayo
53.Oo seedki ay haysatiyo, dawgii laga saaro
54.Samihii la saydhoo mar kale, xuma la sooryeeyo
55.Iyo inaan sinnaan raadinniyo, nabad siraadkeeda
56.Soomaaliyoo mida mabd’a, Siina kala jeedin
57.Sirgac iyo dhibkana laga digoo, xumana uu suulo.
58.Labadaa midkeen saacidnaa, saaka kala doorta?!
59.Isa sudhan [3]ninkii soo tirshee, Sixirfur [4]maanseeyey
60.Sooma liico [4] kii yidhi midkii, naga samraaye[5] keenay
61.Hay sasabanin [6]kaga seexa[7] iyo , yaan la kala soocin[8]
62.Dib u saxa[9] ,Sinaan iyo midnimo[10] ,Saara Calankeena[11]
63.Murankii samada gaadhayee, siigada afuufey
64.Sinji qudha inay wada yihiin, sawrac keliyaata
65.Saluug maysan gelinoo sax bay, ugu dhawaaqeene
66.Soomaali baan nahay dadnimo, gabay ku saafeene.
67.Afartaa safkaan wada nihiyo, magaca Soomaal dheh
68.Sallaamaleey halkay saadisiyo, sawdkii aan helay dheh
69.Soomaali dhaqankeedi iyo, hadalki suubnaa dheh
70.Soofkiyo hantida aan dhaqdiyo, dhaxalka suugaan dheh
71.Murti saafan Guuroow saldhigay, Gabay sareedaad dheh
72.Afar kalena samataliska iyo, saxaltir weeyaan dhe
73.Sakatiga waxaa keenay iyo, kala socdaalkeena
74.Waa siyaasaddii laysku nacay , saymihii hore’e
75.Sooyaalkii aan soo marniyo, sixirki weeyaane
76.Iyadoon sakaarkana la tumin, laysu salab qaadan
77.Saw inaan heshiis raadiyaa, saaka lama qaadan
78.Saw madaxdii Soomaaliyeed, shirar ma saameynin
79.Soomaaliland saw ma odhan, yeelnay samahiina
80.Soomaaliweyn saw ma dhihin, saamax naga qaata
81.Saw xaalku meeshii samayd, laguma saameelin
82.Sindhidhkiyo dagaalkiyo maxaa, keenay kala suulka?
83.Sanqashada xumaatada lehiyo, sulufka yaa beeray?
84.Maxaa loo sikiyey xaajadaan, sabada gaadhsiinnay?
85.Suul iyo saxeex baa socdee, samo la gaadhaaye
86.Umaddoo saf soo wada gashaa, loo sahminayaaye
87.Nin samraa sedkii wuu helaa, Sidey ahaataaye
88.Ragna waysa suufaa, hadduu seera wada yaale
89.Salka dhiga xaqiiqadana suga, magacna suureeya
90.War yaynaan salfudadaan samaa, loo tartamayaaye
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Galayr1977@hotmail.com
Sharaxa Erayada:
1.Maddane : Waa birta xoolaha lagu sunto
2.Isa sudhan : Waa Gabayga 20aad ee SilSiladda,, Abwaan Maxamuud Muuse Caarre
3.Sixirfur: Waa Gabaygii 24aad ee Silsiladda ,,Abwaan Maxamuud Muuse Caarre
4.Sooma liico Gabaygii 29aad ee Silsiladda ,, Abwaan C/llahi Ismaaciil Xuseen (Shaacir)
5.Ka Samraay Gabaygii 26aad ee Silsiladda ,,Abwaan Keyse Shire Saalax-dhegacadde
6.Sasabo-diid Waa Gabaygii 9aad ee Silsiladda,, Abwaan Khadar M. Xayd (Khadar jinni)
7. Kaga seexo: Gabaygii 37aad ee Silsiladda,,Abwaan Maxamuud Muuse Cali Caarre
8. Yaan la kala soocin: Gabaygii 30aad ee Silsillada ,,Abwaan Maxammed Yuusuf Cali Abtidoon
9.Dib u saxa:Gabaygii 18aad ee Silsiladda ,, Abwaan Maxamed Cilmi Dhicisow
10.Sinaan iyo Midnimo: Gabaygii 14aad ee Silsiladda,, Abwaan Cabdicasiis Axmed Maxamed (Xoogsade)
11. Saara Calankeena: Gabaygii 5aad ee Silsiladda ,, Abwaan Axmed Xaayoow
Fiiro Gaar ah:
Haddii aad doonayso inaad ka qaybqaadato Silsiladdan suugaaneedee Siinleeyda ah ee “Sallaamaley”haddii ay jiraan talo, tusaale iyo toosin, waxaad kala xidhiidhi kartaa magacyadan hoos ku qoran:
1.Xasan Abiib Faarax (Xasandaaci) daaci77@hotmail.com
2. Bashir M. Hersi brdiraac@hotmail.com
3.Cabdiraxiin Hilowle Galayr galayr1977@hotmail.com
Gabaygan 40AAD “Saxaltir” ee Silsiladda Sallaamaley
Gabaygan “Saxaltir” wuxuu ka mid yahay Silsiladda Hanaqaadday, ee billaabatay Sanadkan Horraantiisii, curashadeediina ka billaabatay Dood dhex martay Asxaab kala jooga goonyaha dunida oo ku kala feker duwan, Arrimaha Siyaasadeed ee Soom