Gabaygii Misaal Aduun

0
Wednesday November 21, 2012 - 23:26:10 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2224
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabaygii Misaal Aduun

    Gabaygaan oo magaciisu yahey “Miisaal” waxa uu bixinayaa tusmo iyo tusaalooyin nolosha adduunyada, waxa uu taabanayaa arrimaha dalka oo ay la degtey nabad la’aanta baahsan, barakac, iyo dhibaatooyinka kala duwan ee dunida ku haysta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabaygaan oo magaciisu yahey “Miisaal” waxa uu bixinayaa tusmo iyo tusaalooyin nolosha adduunyada, waxa uu taabanayaa arrimaha dalka oo ay la degtey nabad la’aanta baahsan, barakac, iyo dhibaatooyinka kala duwan ee dunida ku haysta shacabka Soomaaliyeed, gabaygu waxa uu jawaab u yahey una Marag furayaa Gabaygii uu curiyey Cabdirixiin Hillowle Galayr ee magaciisu ahaa “Midnimo”.

1.Ma’da gabay Galayrow marbey, ii macaanayd

2.Mugdibaase galay maalmahan, iyo masuug weyne

3. Muusiggiyo markii mudan la sii, mala’awaaleysi

4.Murti iyo markii meel la dhigey ,eray macaanaysi

5.Maankayga waataan ka jarey, miinka maansada’e

6.Waa maadays adduunaan lahaa, yaw ku maalicine

7.Cibaadada muhiimsaan lahaa, mawle uun tuuge

8.Magaalaba ka guur baan lahaa, oo miyiga aade

9.Mashquulkeeda dhaaf baan lahaa, muran adduunyaad

10. Hay yeeshee markaad tirisaybaan , Mooralkeed helaye.

a.Afartaa oraah miiddanoo mudan, maqaamkeed dhe

b.Mayey da’ay cirkoo soo curtiyo miilka gugucii dhe

c.Miisaal adduun iyo murtiyo Mu’handis waayeel dhe

11. Mar haddii muraad yahey midnimmo, ma hurto weeyaane

12. Mid waxaan ka iri meertadiyo ,dunida meegaaran

13. Mid waxaan ka iri maamulkiyo, magaca Soomaali

14. Midna waxaan ka iri maansadiyo, meheraddaydiiye .

15. Mid waxaan ka iri meertadiyo ,dunida meegaaran

16. Macna ma leh adduunyadu haddey, nabaddu miidayne

17. Macna ma leh adduunyadu haddaan, lagu hagayn maane

18. Macna ma leh adduunyadu haddaan, lagu midoobayne.

19. Macna ma leh adduunyadu haddey, Macallin kuu noqone

20. Macna ma leh adduunyadu haddaan, midig la maaleyne

21. Macna ma leh adduunyadu haddaan, laga macaashayne.

22. Macna ma leh adduunyadu haddey, kaa maciintahaye

23. Macna ma leh adduunyadu haddaad, muuq lahayn wacane

24. Macna ma leh adduunyadu haddii, laga masaafoone

25. Macna ma leh adduunyadu haddaad, magan ku joogtaaye

26. Macna ma leh adduunyadu, haddey tahay Masiibaade

27. Macna ma leh adduunyadu haddaad, madi ku nooshahaye

28. Macna ma leha adduunyadu haddii, lagu masuugaaye

29. Macna ma leh adduunyadu haddaan, lays mataanayne

30. Macna ma leh adduunyadu haddaan, lagu makaanayne.

31. Macna ma leh adduunyadu haddaan, laga muraadayne

32. Macna ma leh adduunyadu haddaan, miirku meel dayine

33. Macna ma leh adduunyada haddaan, mulul la daayayne

34. Macna ma leh adduunyadu haddey, meel cidla taale

35. Macna ma leh adduunyadu haddii, laga muhaajiriye.

36. Macna ma leh adduunyadu haddaad, mooggan uun tahaye

37. Macna ma leh adduunyadu haddey, murugo kuu taalle

38. Macna ma leh adduunyadu haddaw, qaranku maaloobo

39. Macna ma leh adduunyadu haddaad, mala’awaalowdo

40. Macna ma leh adduunyadu haddaw, magacu kaa maydhmo.

a.Afartaa oraah miiddanoo mudan, maqaamkeed dhe

b.Mayey da’ay cirkoo soo curtiyo miilka gugucii dhe

c.Miisaal adduun iyo murtiyo Mu’handis waayeel dhe.

41. mar haddii muraad yahay midnimo , Ma hurto weeyaane

42. Mid waxaan ka iri maamulkiyo magaca Soomaali.

43. Maskax dooran, midigtoo hagtiyo, maan wax garanaay

44. Maamulkiisu duulkow adkayn, ma laha towfiiqe

45. Anaa mudan, anaa maaggan iyo, aniga ii miila

46. Masdarkii markii laga tagey, melegtey xaajaduye

47. Saw waxa maqaamkaan na dhigey, muranya dood maaha?

48. Mesalooyin waydiimo mudan, erayo miisaaman

49. Dhulka miiggan ee mudan haddana lagu masaafoodo

50. Xadka magacan ee madax bannayn ee la maamulayo

51. Badda iyo marriimada, maraakiibta kala goosha

52. Macdanta aan la miisaamine, Mareykan loo dhoofsho.

53. Muqdisho Hargaysiyo Berbera madasha Buuhoodle

54. Magaalada Kismaayiyo Markiyo muuqa Beladwayne

55. Moqokori Maxaas iyo illaa ceelka mahadaaya

56. Shanta kala maqnaydiyo dhammaan, midabka Soomaali

57. Miyeydaan arkayn waayihii, nagu mahiibeene.

58. Miyeydaan arkayn maandeeq iyo, mayle lala guurye

59. Miyaydaan arkeyn maalka ba’ay maraqa ciidoobey?

60. Miyeydaan arkayn muunaddiyo, sharafta meel beeshey?

61. Miyeydaan arkeyn maatadiyo, maxasta Soomaali?

62. Miyaydaan arkayn mucurtidiyo, baahiyaha muuqda?

63. Miyaydaan arkayn hooyadiyo, ubadka miir-beelay?

64. Miyaydaan arkayn mililka iyo, malaxda miiraysa?

65. Miyaydaan arkayn ceelka dumey, moolka lagu daatey?

66. Miyeydaan arkayn muruq shishiyo, micidan noo duugan?

67. Gumaystuhu haddaw kugu muq baxo, waw ku malafsaniye

68. Macdantiyo haddaw kaala harin, muunaddiyo maanka

69. Madfac haadayaa nimaw maraw, maanku tegin weeye.

a.Afartaa oraah miiddanoo mudan, maqaamkeed dhe

b.Mayey da’ay cirkoo soo curtiyo miilka gugucii dhe

c.Miisaal adduun iyo murtiyo Mu’handis waayeel dhe.

70. Mar haddii muraad yahay midnimo , Ma hurto weeyaane

71. Midna waxaan ka iri maansadiyo, meheraddaydiiye dhe.

72. Mas mariidan ninka meel dhigtee, maraqa siinaayo

73. Mindhismaha nin soo dhigey wedkiyo Mulaca laalaaban

74. Nin Maroodi daajinahayoo, daba mislaynaayo

75. Mahuriyo ninkaan kala aqoon Malagga mowdkiisa

76. Allow yaa u meeriya intaan, lagu misaal qaadan

77. Nin qaxooti mayracanayoo, qaranki maasheeyey

78. Meseggiyo musaacado nin uun, maganta tuugaayo

79. Muruqiyo nimaan aaminayn, midigta maalkiisa

80. Maslaxiyo nimaan kala aqoon, maara iyo mawqif

81. Allow yaa u meeriya intaan, lagu misaal qaadan.

82. Magalooti nin maqsuud ka yiri, dunida meegaaran

83. Masjidkiyo nimaan magansanayn, Mowlac iyo meelsan

84. Xaraan mubaax iyo nimaan, kala aqoon muuno

85. Oo munaafaqayntiyo ku dheer mowjadaha beenta

86. Allow yaa u meeriya intaan, lagu misaal qaadan

87. Mujtamaceenna Soomaaliyee, muranka dayn diidey

88. Maalin Eebba keenaba dadkaan, macangaglaynaayo

89. Majaraha in loo rogahayoo, miinno lagu raadin

90. Miihaaladdoodiyo ma oga, maan mushkiladeede

91. Allow yaa u meeriya intaan, lagu misaal qaadan.

Maxamed Cilmi Dhicisoow

elmi_0@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip