Gabaygii Labaad ee Silsilad Suugaaneedka, Dabargooynta Qabyaaladda.‏

0
Wednesday June 11, 2014 - 16:48:22 in Maqaallo by Web Admin
  • Visits: 1830
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabaygii Labaad ee Silsilad Suugaaneedka, Dabargooynta Qabyaaladda.‏

    Gabaygi Labaad magaciisuna yahay "DANAHEENA EEGA" ee ee silsiladda Hana-qaadday ee (Dabargoynta Qabyaaladda) Silsiladdan dabargooynta qabyaaladda ayaa ah Silsilad Gabayeed ay isu xilqaameen, Dhallinyaro Soomaaliyeed oo aqoonyahano iyo Ardey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabaygi Labaad magaciisuna yahay "DANAHEENA EEGA" ee ee silsiladda Hana-qaadday ee (Dabargoynta Qabyaaladda) Silsiladdan dabargooynta qabyaaladda ayaa ah Silsilad Gabayeed ay isu xilqaameen, Dhallinyaro Soomaaliyeed oo aqoonyahano iyo Ardeyba leh, kalana joogta adduunyada daafaheeda Silsiladdan ayaa ah Silsilad Suugaaneed lagula dagaallamayo lana doonayo in lagu wacyigeliyo bulshada Soomaaliyeed oo ay qabyaaladdu wiiqdey wadajirkooda iyo wada noolaanshahooda, Silsiladda ayaa ah mid hal ujeedo ka mideysan inuu qof weliba ku cabiro Hal abuurkiisa qaabka uu arko qabyaaladda iyo dhibkeeda sida looga badbaadi karo, Silsilladan ayaa ka socota, Golayaasha Suugaaneed, ee Barta xidhiidhka Bulshada, " Facebook" Golaha Tartanka Suufgaanta, iyo Golaha Abwaanka iyo geedka Suugaanta Haddaba gabaygam oo noqon doonaa kii koowaad ee aanu ku faafino, Mareegaha Afka Soomaaliga lagu qoro, haddaba Silsiladdan oo ka socota labadaa Gole ayaa waxaa la soo bandhigayaa Gabayada lagaga qaybgeliyo, labada Maalmood ee Sabtida iyo Jimcaha, haatana Bogasho wacan iyo Gabaygii "DANAHEENA EEGA"

 

1. 1:Danbi maleh Qabyaaladi, Ninkii diido idilkeede

2. Hayeeshee ninkii doojistaa, duuda loo suriye

3. Daacadiyo cadliga duul ka duday, duhur ma joogaane

4. Danahooda way daba maraan, laga daboolaaye

5. Dowladaha ma gaaraan dayaxa, duulimaad tagaye

6. Waxashkiyo midkii dubi jiraa, dabro dabadeede

7. Waxaan oga danleeyahay ayaan, idin dareensiine

8. Iminkaba dadkeennaa qabiil, loogu dow galaye

9. Saqiir iyo duqoow iyo dhamaan, da’yartiyo shaabka

10. Gidigood wixii daashaday, sii dugsanayaane

11. Kuwii hore dabkii ay shideen, naarti lagu daatay

12. Oo aan La damin bay markale, dogobyo saareene

13. Dooyiyo colbay dumahayaan, daa’in abidkooode

14. Xasiloooni lagu diirsadiyo, diide nabadiiye

15. Ubadkoodi way daayaceen, mana daryeelaane

16. Dariiqaad maraysaba wakaa, tuban dadkeeniiye

17. Dureemada kabadan maydka iyo, dhaawac daadsaniye

18. Dumarkeeni waataa saxraha, oon ku daashadaye

19. Dibjirkiyo dadkii darafta yaal, daalinbaa galaye

20. Gaajadu kuway dubataybaa, docodocaystaaye

21. Keenyan dalkii kaa diraa, kuugu sii darane

22. Ragbaan jirin u diirnaxahayoo, galin daneeyaaye

23. Nin damqada la waayoo dalkiyo, eego danahiiye

24. Qabiilbay la dananaan dhamaan, duulku waa ebere

25. Cadowgeeni kii ugu darnaa, waakan soo dagaye

26. Dabaabaadka baa lagu dunshaa, daar wixi haraye

27. Dheemenkaa la dalandalanayaa, dowrka maantada e

28. Kaluun dabasho waa waxay, badaha uga dinnaahayne

29. Xoolaha dagaalbaa ku socon, mana dareentaane

30. Daawaday ku durayaan wallee, waa sun tii darane

31. Waa cadow dahsoonoo runtii, way dagaalamiye

32. Dadaal iyo juhday galinayaan, dabarjarkeenaaye

33. Daaqina ragbaa gubahayoo, diiray idilkiiye

34. Caqli durugsanbaynaan lahayn, lagu difaacaaye

35. Qabyaaladi darteedbay indhihi, damag yidhaaheene

36. Anaa daran dantay ma aha iyo, diidey taladiine

37. Intii aynu doodaas wadney, guurtay dunidiiye

38. Rakaabaynu nahay doon sugiyo, daaladii rariye

39. Iga dadan waxaan doonayniyo goob la dagayaaye

40. 39:Dakanada kuwii naga hayeen waaya badan daynay

41. Damacbaa markale soogaloo way durbaan tumiye

42. Daandaansibay muujiyeen wayna dagayaane

43. Dal lahely sidiisii xadkay soo durjinayaane

44. Waataa dafooftii (xabashi) xumayd doonyo keensadaye

45. Safiiray u soo diranayaan daginka qaarkiiye

46. Nin seexdaa sicii dibi dhalaa da in abidkiiye

47. Inagaa duliga hoorsanoo duud naloo suriye

48. Dubaabkaan ismaqal oon lahayn duub hagaajiyo e

49. Dabcigiisabaan leenahoo daa in waa marage

50. Dhex dabaasha goobtaad rabtaan dawarsadoo jooga

51. Dunidana gunbaan noqonaynaa ciida lagu daadsho

52. Dir dir loo dagaaliyo col iyo Guuto daba joogto

53. Degin la isu diidiyo dhul iyo daaqa iyo baadka

54. Hadaynaan xumaha daynin iyo dirirtan aafaysan

55. Danteeniyo hadaynaanan garan diinta waxay reebtay

56. isku dire hadaynaanan qaban daalin iyo tuuga

57. Dalka waa la dhacayaa ragow goortan dabadeede

58. Dunidana gunbaan noqnaynaa ciida lagu daadsho

59. Waxbo yaanan maansada durjine waan dabrahayaaye

60. Isku duubnibaa lagu helaa dowlad xoog badane

61. Duul wada jir qaataan wallee cidi ku duulayne

62. Danaheena eegaay ehlooy oo dadnimo raadsha

63. Kala didid danaaniyo ka taga ehel dagaalkiisa

64. Daalimkii wax dulmana qabtaay doogsi wuu imane

 

 

Gabay:- (( DANAHEENA EEGA))


CURIYE:- Aadam Asad Ibraahim

 

Fiiro Gaara.

 

Qofkii doonaya inuu silsiladda,waxaad si toos ugu gudbinaysaa, labada gole ee barta Facebook, Golaha Abwaanka, iyo Golaha Tartanka, Mahadsanidiin dhammaan.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip