Aduunka waxaa maanta laga xusayaa maalinta caalamiga ah ee loo asteeyay cudurka qaaxada ama TB-da oo sanad kasta ku beegan 24 bisha maarso.
Qaramada Midoobay, saaxiibadeeda ka shaqeeya la dagaalanka TB-da iyo hay'adda caafimaadka aduunka ee WHO ayaa ugu yeeray dhamaan dowladdaha iyo hay'addaha caafimaadka ka shaqeeeya in la xoojiyo siyaasada iyo balanqaadka bulsho ee ku aadan suulinta cudurkaan.
Hal ku dhiga sanadkaan ayaa ah in la gaaro saddex Milan oo ruux oo xanaankaan qaba, kuwaas oo sanad kasta ku guul daraysta in xanuunkaan laga daaweeyo.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay cudurkaan TB-da inuu sanadkiiba dilo dad badan 1.5 milyan qof oo caalamka ku nool.
Wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland ayaa saaka lagu wada ainay qabato xuska maalintaan, taasoo lagu qabandoono xarunta wasaaradda ee Garowe iyo gobolada kale.
Xaqiiqooyin ku saabsan cudurkaan.
Cudurka TB-da waxaa sababa Bakteeriya loo yaqaano Mycobacterium tuberculosis.
In ka badan 95% dhimashada cudurkaan waxay ka dhacdaa wadamada dhaqaalahoodudhex dhexaadka yahay iyo kuwo saboolka ah. Wadamada faqriga uu ka jiro iyo kooxaha nugul ayaa ah kuwo ugu saamaynta badan.
Qaaxadu waa mid kamid ah hogaanka Saddexda qaybood ee keena dhimashada dumarka da’doodu tahay 15 ilaa 44.
Waxaa jiray dad lagu qiyaasey 500,000 ruux oo xanuunkaan u dhintay sanadkii 2012, kuwaas 74,000 kamid ahna ay ahaayeen carruur
Qaaxadu waa mid ka mid ah cudurada dila dadka badankooda qaba HIV. Waxaana dhimashada cynkaan ah aad uguii kordhaysaaa qaarada Europe.
Heerka dhimashada ee qaaxada wuxuu hoos u dhacay 45% intii u dhaxaysay 1990 iyo 2013.
Maalinta Qaaxada Aduunka oo Maanta Caalamka laga xusayo
Aduunka waxaa maanta laga xusayaa maalinta caalamiga ah ee loo asteeyay cudurka qaaxada ama TB-da oo sanad kasta ku beegan 24 bisha maarso. Qaramada Midoobay, saaxiibadeeda ka shaqeeya la dagaalanka TB-da iyo hay'adda caafimaadka aduunka ee W