Silsilad Suugaaneedka Dabargooynta Qabyaaladda Gabaygii Koowaad.‏

0
Sunday June 08, 2014 - 22:31:09 in Maqaallo by Web Admin
  • Visits: 2209
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Silsilad Suugaaneedka Dabargooynta Qabyaaladda Gabaygii Koowaad.‏

    Gabaygan waa gabaygii 1-aad ee silsiladda Hana-qaadday ee (Dabargoynta Qabyaaladda) Silsiladdan dabargooynta qabyaaladda ayaa ah Silsilad Gabayeed ay isu xilqaameen, Dhallinyaro Soomaaliyeed oo aqoonyahano iyo Ardeyba leh, kalana joogta adduunka daca

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabaygan waa gabaygii 1-aad ee silsiladda Hana-qaadday ee (Dabargoynta Qabyaaladda) Silsiladdan dabargooynta qabyaaladda ayaa ah Silsilad Gabayeed ay isu xilqaameen, Dhallinyaro Soomaaliyeed oo aqoonyahano iyo Ardeyba leh, kalana joogta adduunka dacaladiisa, Silsiladdan ayaa ah Silsilad Suugaaneed hal ujeedo ah oo ka mideysan inuu qof weliba ku cabiro Hal abuurkiisa qaabka uu arko, dhibkeeda iyo sida looga badbaadi karo, Silsillada ayaa ka socota, Golayaasha Suugaaneed, ee Barta xidhiidhka Bulshada, " Facebook" Golaha Tartanka Suufgaanta, iyo Golaha Abwaanka iyo geedka Suugaanta Haddaba gabaygam oo noqon doonaa kii koowaad ee aanu ku faafino, Mareegaha Afka Soomaaliga lagu qoro, haddaba Silsiladdan oo ka socota labadaa Gole ayaa waxaa la soo bandhigayaa Gabayada lagaga qaybgeliyo, labada Maalmood ee Sabtida iyo Jimcaha, haatana Bogasho wacan iyo Gabaygii "Dacwad eebbe"

GABAY:- (DACWAD EEBBE )

CURIYE:- Faysal Bariir Adam

1. Dad alloow aduunyada duntaye, duraysa iimaanka

2. Digashada abraarkiyo wakhtigan, damacu waynaaday

3. Danbaaburadu ay saaa’idee, laguba daynaynin

4. Damaceedu way mari la’yahay, tan iyo daw dheere

5. Dantiis nimaan aqoon baan helayn, darajo tii dheere

6. Dagam weeye ruuxaan is dirin, daadahna aqoone

7. Hadal laguma daalee dadyahow, dulucdu waa meele

8. La dabaasha maansada hadaan, sooo durkinayaaye


9. Afartaas da’dii aan bartiyo, daw ma ku hagaajay

10. Duxda hadalka lama dacal mare, dirito maw sheegay

11. Deel qaafku waa ba’anyahee, dayr makaga xeeray

12. Afarkalana dacwad aan wadiyo, doonis iyo goob dheh

13. Dayday baan iraahdaa waxaan, duniba oolayne

14. Dadkaygoo is diidaan dhahaa, dawga garansiiye

15. Dantii guud ayaan baafiyaa, taniyo daw dheere

16. Danbaaburo ayaan diidayaa, nabadi duushaaye

17. Daanada ayaan joojiyaa, oon ka digayaaye

18. Naftu dawladnimo bay rabtaa, wayna door bidiye

19. Qabyaalada inaan duudsiyaan, doonayaa Abide

20. Ma dansiiyo hadalaan dux layn, lagana dooodaaye.


21. Afartaa dadii aan bartiyo daw ma ku hagaajay

22. Duxda hadalka lama dacal mare, dirito maw sheegay

23. Deelqaafku waa ba’anyahee, dayr ma kaga xeeray

24. Afar kallena dacwad Eebbe iyo, duco illahay dheh.


25. Illaahoow dalkii noo midee, daa.im baa tahaye

26. Illaahoow nawada doojiyoo, dawlad nagu baaji

27. Illaahoow dantaan leenihiyo, damaca no oofi

28. Illaahoow daruus khayr qabtiyo, darajo noo muuji

29. Illaahoow dalkoo nabad ah iyo, dooga nagu waaro

30. Illaahoow adaa deeq baxshee, nabadu noo daahdo

31. Illaahoow dan gaariyo ma wado, duudsi iyo xooge

32. Illaahoow dadkaas wada dhashaye, dirirtu baabiisay

33. Illaahoow dadkaas daalayee, qorigu daanneeyay

34. Ilaahoow jidhkay diirayoo, waw damqanayaaye

35. Ilaahoow duxdii dawladnimo, maruun usoo dooji

36. Daadihi illaahoow adaa, darajo waynaaye

37. Ilamaaa dushiyo baarka iyo, dirinta hoos taalba

38. Soomaali daw khayrle mari, Duulka wada sheegta.

 

FG.

Haddaad tahay Hal buur inuu aragtidiisa ka geeysto am ka qayb gelayo doonaya la xidhiidh, Maamulka Labada Gole ee facebook. Mahadsanidiin dhammaan.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip