Gabaygii 34AAD “Salka dhigo ”ee Silsiladda Sallaamaley

0
Tuesday July 03, 2012 - 00:06:56 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3425
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabaygii 34AAD “Salka dhigo ”ee Silsiladda Sallaamaley

    Asc saaxiibayaal dhamaantiin, waxaan halkaan kusoo gudbinayaa gabaygii labaad ee aan Sil-siladda Sallaamaley kaga qayb qaadanayo, gabaygaani waa ka duwan yahay kaygii hore, waana jawaab ku socota Somaliland, kadib markii aan arkay dhammaan dadkii So

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Asc saaxiibayaal dhamaantiin, waxaan halkaan kusoo gudbinayaa gabaygii labaad ee aan Sil-siladda Sallaamaley kaga qayb qaadanayo, gabaygaani waa ka duwan yahay kaygii hore, waana jawaab ku socota Somaliland, kadib markii aan arkay dhammaan dadkii Soomaliland u hadlayay in laga waayay xataa qof dhex-dhexaad noqda oo waxyar oo soomaalinima ah ku hadla ayaan go'aansaday inaan gabaygaan tiriyo isla markaana aan sheego waxyaabaha saaxiibaday la cararayaan. Gabaygu malaha cay qayaxan oo dad aan ula jeedo keliya waxaan sheegayaa Soomaaliland inaysan Soomaali la'aanteed waxba noqon karin adduunkuna uusan ogolaanayn ayna habboon tahay inaysan iska xumayn walaalohooda jecel.

Gabayga magaciisa waxaa layiraahdaa “Salka dhigo ” waana sidan:


Salka dhigo. 29/06/12


1. Sawd maanso sadarrada murtida, sama kafaalloodka

2. Saxda loo tilmaamiyo naxwaha, siinka curintiisa

3. Sinji iyo facbaan uga harihiyo, kulan safkiisiiye

4. Ma sag-saago erayada kolkaan, soohi xarigiiye

5. Surinkuu ujeediyo tubtaan, sax u abbaaraaye

6. Saabcaaro maahee xigmadi, waa sal iyo baare

7. Aan sifeeyo sheekadu halkay, saafatay mariye


8. Afartaa sa’diyo wowga, iyo sixitinkaygii dheh

9. Cabdulle raage sawdkii afyare, subici dhoodaan dheh

10. Siinleydi aw-yuusuf iyo, dhuurcas sadarkiis dheh

11. Yam-yam saajacnimadiisiyo, galayax sawdkii dheh

12. Cali riinji saaddiisi iyo, maanso subageed dheh

13. Jaamac kediye suugaanti iyo, sagal daruureed dheh

14. Afarkalana sallaamaley halkay, socoto sheeggeed dheh

15. Nimanyohow saluug baan arkaa, sagan caloolyow e

16. Salfudayd la rooraan arkaa, saamajiid dhagare

17. Sirid iyo khiyaamaan arkaa, saanahaad khalade

18. Runtii oo la sayraan arkaa, beeni socotaaye

19. Seef seef ku taag baan arkaa, hadal saliilyaahe

20. Saqmi iyo xanuun baan arkaa, daawo laga suulye

21. Bohol saab ku xiranyaan arkaa, surin ciriiryoone

22. Saartaye mid saaraan arkaa, kala saluumbayne



23. Sal adayg murtida waxaan rabaa, seeto loo dhigo e

24. Maah-maahna saad uga dhigiyo, seere xoog badane

25. Sifihiyo ujeedada dhadhami, waa sur dhagaxeede

26. Saqlahay hashii laacda gebi, sahal ka duushaaye

27. Dhurwaa baa sagootiya laxdii, gaar usocotaaye

28. Soojoog ninkii diida baa, jiif ku saabura e

29. Saryan gooni daaqaa libaax, suud ku halakayne

30. Rag balaayo saadinahayoo, soogan baa jira e

31. Safaadkooda waxay doonayaan, waanan saxahayne

32. Kala sooc bulshada wada dagtay, saabilahayaaye

33. Samiciyo heshiiskii nin nacay, seegyay taladiiye

34. Inay sidatan noqon waan ogaa, sax iyo maankay e

35. Gabaygii siddeedaad waxaan, saafay baa dhacaye

36. Mar haddaanse afeeftaydi suray, saabka gadawgiisa

37. Oo ay sidaan sheegayiyo, noqotay saaddaydi

38. Warkii suubbanaa iyo murtidi, solid hadday diiday

39. Saaxiib walaalow haddii saamac laga waayay

40. Soo dhoweeya wixii aan lahaa, waa sallaan marane

41. Samir qaata iyo xaalki aan, idilkood siinaayay

42. Haddii uu santaag dhalay, runtaan kuu sallaxayaaye

43. Ka samraay ninkii yiri ma garan, soonuhuu dago e

44. Midkii sixirfur tiriyaa agmaray, sabo wanaagiiye

45. Soomaliico soconayeey, kuwaas sare uqaadaaya

46. Maxaa sacabka ugu jiroy hayaan, waysla soconaaye

47. Nabadaad lahayd waan sallaxay, helay sugnaanteede

48. Subixii guduutaba qofbaa, saafan oo gegene

49. Link-gaan sax ugasoo jawaab, waa xog saa’idehe

http://radiocabudwaq.com/wp-content/uploads/2012/06/Somaliland-dawladi-kama-jirto.flv



50. Sawdkii awdal-land lagu dhawaaq, calan samayntiiye

51. Khaatumana waa kuwaa summaday, maamul saaxiyehe

52. Sabadaad ku noolayd dadkii, seexan kari waaye

53. Suququlin qanjiidhaleh ayaad, deris ku soortaaye

54. Dawladaad samaysana ka qade, saami laga waaye

55. Iinyow ma soconayso iyo, diidmo sababwaaye

56. Anigoon kusiin calan inaad, sidato waa hawre

57. Sarreeyow midkaad leedihiin, sabada weeyaane

58. Suridiisu guul maaha weyn, inaad samayseene

59. Haddii aanu adduunyada ka socon, sixinna UNku

60. Sannaar qayladhaantaani waa, saar buraanburehe

61. Baasaboorka aad sidato waa, kaad sagoontidaye

62. Mid samayso soomaalilaan, waa dal saatiriye



63. Suxur-saaxur qaawane midaan, saxar maraa haysan

64. Hadduu sawd ku leeyahay dadoow, salabka noo dhawra

65. Sow yaab fajaca maaha iyo, weer sarqaalibasho

66. Sibibixasho waa lagu kufaa, socod qallaafyaahe

67. Nin ay seefi qaaddaa ka roon, soor nin laasimaye

68. Waxa lala siqaayaaba waa, saami loo dudaye

69. Summaddii gumaystuhu dhigay, sagal u moodeene

70. Seeraha dadbaa kula dagee, saamac hadalkooda

71. Samaan waxaad kuweydaan xumaan, kuugu soconayne

72. Sogordaha xajiintale dadkale, yaad sajarataaye

73. Soomal-haadka taladii khaldani, way kusababtaaye

74. Surma-seegto hadal kaaga tagay, soo ceshooy malehe

75. Sawirkiisa ruuxii inkira, qiil u socon waaye

76. Bal tusaalahaan soo socdiyo, garo sarbeebtayda



77. Sardho kii riyoodee aroos, sacabka loo booday

78. Suleekhadi u doortiyo markuu, saami helay fiican

79. Sagaal wiil markii ay dhashiyo, tiro ka saaiida

80. Maalkana sarreeyihii rabbigay, siiyay hodantooyo

81. Sarihiyo gawaarida hantida, saacidada khayrka

82. Safarrada lakala bixinayiyo, socod magaalaynta

83. Surinkuu maraayaba salaan, haybad lagu sooro

84. Isagoo sabbaynaaya qaraw, boodyay subixiiye

85. Sal bacaadki uu jiifay iyo, siigadiyo boorka

86. Riyo salab ma noqotee runtuu, sax u jalleecaaye

87. Safaad wuxuu ku maagaa qofkii, sarakac tooskiiye

88. Ha sahwiyin waxaan suuragelin, siiri haw tumane

89. Naftu been kusabid diiddayoo, waaqacaa saxaye

90. Siko iiga durug malehbaa layiri, harag sagaaraade

91. Salka dhigo saqlayntaani-yay, joogin sababtaaye



92. Ummad siday u idishahay kursigu, saaqay bedenkeeda

93. Senti duulaan isu quurahayn, sunina ceegaagto

94. Sangihii qabiilkana ku raran, beela kala sooca

95. Soomaali guudkeed dhibkaas, way ka simanyiine

96. Hayeeshee saddano ruuxu waa, saadiyaa helide

97. Darajada sarraysana rag waa, saabilaa abide

98. Seerahaygi baan xiranayaa, waa sikala doone

99. Haddiise say rabaan loo maroo, soore lagu oodo

100. Socdaalkana magaaladuu maraba, sabada loo diido

101. Ganacsiguu sil-silad weeye oo, soone celin waaye

102. Surinkuu istaagaba haddii, hadalki uu sooco

103. Saddexdii magaaloo keliya, baa la siqayaaye



104. Allow yaa sibrraarrada yiraah, suumanka ha jeexin

105. Allow yaa sokeeyaha is jecel, aan summad uyeelin

106. Sandareerto awgeed allow, seeddi yaan qadinin

107. Saamaxaadda allow yaa aqbala, nabaddu waa saade

108. Tafaraaruq allow yaan siddiqin, oon midnima sayrin

109. Maandeeq safkeedii allow, nacabka yaan siinin

110. Allow yaa siqiirtaye talada, sidatan yaw dhaama.



Sharraxaad.



Soomaliico waxaa tiriyay:- C/laahi Ismaciil Xuseen

Ka samraay “ “ Keyse Shire Saalax

Soconnay “ “ C/risaaq Xuseen Guuleed

Sixir-fur “ “ Max’uud Muuse Cali Caarre



Cali riinji magaciisu waa Cali Yuusuf Aadan

Dhuurcas magaciisu waa Axmed Max’ed Shirwac

Galayax magaciisu waa Cabdi muxumed aw-magan

Cabdulle raage, Cali cilmi afyare, jaamac kadiye, Aw-yuusuf, yam-yam iyo dhoodaan.



Kulan:- waa awawgay (Cali-kulan)



Curiye: Xasan Bulxan Cali (Bulxan)

Email: bulxan105@hotmail.com

Darwin, Australia.







FG: Haddii aad doonayso inaad ka qaybqaadato Silsiladdan suugaaneedee Siinleeyda ah ee “Sallaamaley” haddii ay jiraan talo, tusaale iyo toosin, waxaad kala xidhiidhi kartaa magacyadan hoos ku qoran:



1.Xasan Abiib Faarax (Xasandaaci) daaci77@hotmail.com

2. Bashir M. Hersi brdiraac@hotmail.com

3.Cabdiraxiin Hilowle Galayr galayr1977@hotmail.com
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip