Gabaygii 38AAD “SAAR” ee Silsiladda Sallaamaley

0
Wednesday July 18, 2012 - 10:57:39 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2389
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Gabaygii 38AAD “SAAR” ee Silsiladda Sallaamaley

    Gabaygan waxaa la yiraa: “SAAR” wuxuuna ka mid yahay silsilad suugaaneedda cusub ee “Salaamallay” gabaygan waxa aan ugu jawaabayaa dhamaan Abwaanna aragtidoodu ku soo bandhigay midnimada Soomaaliyeed, kuna dooday inaan la kala

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabaygan waxaa la yiraa: “SAAR” wuxuuna ka mid yahay silsilad suugaaneedda cusub ee “Salaamallay” gabaygan waxa aan ugu jawaabayaa dhamaan Abwaanna aragtidoodu ku soo bandhigay midnimada Soomaaliyeed, kuna dooday inaan la kala go’ Karin. Haddaba gabaygii waa kane ka bogosha wacan. Gabayga SAAR

Siinka gabayga waayadan ma tirin, sadarradiisiiye

Ma sifeynin maansooyinkii, aan samayn jiraye

Sancadooda waa taan ka tagay, sa’ iyo wawgiiye

Sadrigayga sidaan uga tirtiray, suubi ma lahayne

Ha yeeshee xaluunbaa saq dhexe, saarku ii yimide

Bal aan saafo xaajadan surgacan, sir iyo caadkeede
Sallaamaleey markii aan maqlay, wax i saloosheene

Sare u kace mar qudha mawjadihii, saakinka ahaaye

Sidii ruux dacari saaqday, oo soodhe ladi waayey

Saamaleelayeey xalay miyaa, seexan kari waayey

Saqdii dhexe markay tahay miyaan, salalay oon toosay

Sidii Suufigii oo kale miyaan, socod la meeraystay

Ma ka Soomay soortoo anfaca, maw sal dhigi waayey

Sare joogga jiifka iyo fadhiga, siba miyaan diiday

Ma saluugay safkii ila hurdoo, singal miyaan doortay

Sidiiyoon sirkhaan ahay miyaan, sawdka damin waayey

Sahwigaa i qaadiyo haddaan, sababaha sheego

Saska waxa igu beeraan rabaa, inaan sifeeyaaye

Sallaamaleey murtidan loo la baxay, saadka iyo wawga

Ee ku saabsan Soomaalidiyo, arrinka saameeyey

Midnimada Soomaaliyeed raggaa, siinka ku asteeyey

Sahal bay idinla tahay e aniga, way sun iyo hooge

Suurtoo dhawaaqdiyo ka daran, subax Qiyaameede

Shanta gobol ee Soomaalidaa, sulux wadaagaysa

Waa wixii ay nagu sireen, sowtku barigiiye

Ma anigaa midnimo lay subkaa, laygu siri doono

Sanadkaan xoroownee Rabbigu, saacidada keenay

Siqiir iyo kabiir maalintay, faraxu saamayeeyay

Salka anigoon u dhigin cabbaar, sugin wanaaggeeda

Jibadii ina sidatiyo markuu, saarku nala booday

Sal balaadh u sees baan lahaa, wadarta Soomaale

Sabadoo barwaaqo ah markaan, subax ka looyaamay

Sar guduuda maalintii heshiis, suulka lagu duugay

Sacab iyo kalgacal iyo halkaan, samo ka eegaayey

Waji soohan gacan seef ah baad, nagu salaanteene

Silic iyo dhibaatay dhaleen, sibiq laboodkiiye

Sayi’aadka waatay noqdeen, samafalkaygiiye

Suldaarooyinkii nagu dhaciyo, surmadiyo xeesha

Qalbigayga kama suulin wali, saliilyadeediiye

Sal fudaydna waa kii i hoday, bari samaadkiiye

Saakana waxaad miiqaysaan, waa sidii hore’e

Maa anigaa midnimo lay subkaa, laygu siri doono.

Nimankii sadkii aan lahaa, naga sagsaagaayey

Saymihii colaadeed markii, la isla sooyaamay

Saldhig weeye nabadduye, markii sumucu wiifleeyey

Surmi iyo harraad kulul markuu, sabigu gaajooday

Seefta iyo birlaawaha markii, la isku soofaystay

Siyaasaddii qarsoonayd markii, la isku wada seegay

Inaan soocdo sababtay ku timid, waad la socotaane

Sal fudaydna waa kii i hoday, saban horraadkiiye

Qalbigayga kama suulin wali, saliilyadeediiye

Maa anigaa midnimo lay subkaa, laygu siri doono.

Sabadii Jabuutiyo jigjiga, Muqdisho seeskeeda

Soonihii Hargeysiyo Wajeer, idilka Soomaali

Intaas oo sinnaatoo mar qudha, sawd ku wada yeedha

Kol haddii aan saaxiibbayaal, subax la sheegayn

Samo malaha midnimadaad mar kale, noo sasabaysaane

Salka dhiga Soomaaliland socotay, maandhaw ’e.

Samihiyo midnimadaan wadiyo, salalowdii yeedhay

Safarkiyo socdaalkii horiyo, Xamar ku sooryeynta

Sooftaan habawga sahay qaadashada, himilo saynsaabka

Suryo qoolka dabin soohashada, sabarro naafaynta

Saami boobka ruuxii sanqadha, seef ku kala go’ynta

Sinnaan diidka Soomaalidii, kala sarreysiinta

Sannifkiyo wanaag saydhistiyo, sax iyo khayr diidka

Sabaalaynta sooryada afkiyo, silig ku waageerka

Salsalaaxa guudkee sariyo, hoos ka salabaynta

Sikhiraadda samo sheegashada, waramo soofeynta

Sawirrada surin oodashada, xadhig ku seetaynta

Sun u qooshka saymaha qarsoon, subag u yeelyeelka

Sasabaada saadaasha madhan, hadallo suuq geynta

Qabiil sooca summad eegashada, qolo sabaalaynta

Sarkaalaynta siqiir toogashadda, culimo saamaynta

Sandullaynta samir qaadashadda, sahal u qoor goynta

Sayaxaada sanqadh dhawrashada, saamo daba jiidka

Sunsunkiyo qaxootigii ka dhacay, aradka Soomaali

Maantay la saranseerayaan, sababaheediiye

Sumal iyo Waraabey noqdeen, ubadkii Soomaale

Sal fudeydna waa wixii i hodey, saban horraadkiiye

Qalbigayga kama suulin wali, saliilyadeediiye

Maa anigaa midnimo lay sikhraa, laygu siri doono.

Markaan sahal dhaqaaqnee qalbiga, saarku naga jiidhay

Socodkiyo hayaankii dhaciyo, hadaf samaantayda

Saf inay noqdaan baan jeclaa, ubadkii Soomaale

Saldanad qudha u yeel baan lahaa, hana sarreeyaane

Mar haddii sinnaan iyo midnimo, suura galiwayday

Mar haddii sadexdii kaleba, saabur laga joogo

Maxaa Xamar na sudhayoo anaga, guudka naga saaray

Ma sixir baan qabnaayeey maxaa, sowtka naga yaalla

Ma anigaa intaan soorta qubo, saanta hilib mooda

Ma anigaa mar kale la ii suntaa, samada khayr yaala

Sokeeyenimo ma anigaa laygu dagi, sawd aan garanaayo

Subag iyo hadmay dhay noqdeen, sun iyo waabaydu

Bal sooyaalka maahmaahdan sugan, samac odhaahdeeda

Habartii qoryaha sidatayee, socod awood wayday

Ee siyaado tidhi iigu dara, kama sokaysaane

Sarbeebtiyo ujeeddadu halkay, sax u tilmaamayso

Sarrifkeedu waa koonfureey, eega sabadiina

Surinkaad istaagtaba dad baa, lagu sadqeeyaaye

Salleelliyo ciyaar kuma timaad, nabaddu saaxiibe

Intaad aniga igu soogan tahay, suga ammaankiina

Suryadii ciqaabeed hadduu, Caadil naga saaray

Mar haddaan sansaan dawladeed, seestay dhinacayga

Oon sudhay calan suurad wacan, sadarro diineed leh

Sadka uu walaalkaa heliyo, saaxigiyo guusha

Sardhi lagama qaadee talaa, lagu siyaadshaaye

Ha saluugina qaybaha fadligu, siin Alle weeyaane

Nin saaxiibkii xaasiday ma dhigo, salka waligiiye

Saacido Rabbi baa hayee, samaha waydiista

Sagaal boqol oo saniyo hadday, samano gaadhayso

Saancad weeye midnimo aan mar kale, kula saxeexdaaye

Way Socotay e’ Soomaaliland, sidan ha loo daayo

Saadaashu khayr bay noqone, suga wanaaggeeda

Anigana safaadkiyo xumaha, saaka iga daaya

Saqiirnimaynu kala quusanee, seerta dhiniciina

Siddi muldhukh mar kale ha iiga dhigin, Suu iyo aafaadka.

Allaah mahad leh

Curiye: mustafe maxamed cabdi

Hargeysa-soomaaliland

FG: Haddii aad doonayso inaad ka qaybqaadato Silsiladdan suugaaneedee Siinleeyda ah ee “Sallaamaley” haddii ay jiraan talo, tusaale iyo toosin, waxaad kala xidhiidhi kartaa magacyadan hoos ku qoran:

1.XasanAbiib Faarax (Xasandaaci) daaci77@hotmail.com

2. Bashir M. Hersi brdiraac@hotmail.com

3.Cabdiraxiin Hilowle Galayr galayr1977@hotmail.com


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip