Dowrka Haweenka ee Nolosha "Sh. Abdrahmaan Sh. M'diin Eli"
- Visits: 2568
-




(Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
- 0 0
-
Share
Haweenku waxa ay ka mid yihiin -sida Raggaba- inta sida Tooska ah lagula Khiddaabay Takaaliifta Sharciga ah. Haddii ay ahaan laheyd wax lays Faray Fartoomiddooda iyo wax leyska Reebay ka Reebtoomiddood.
Haa, waa ay jirtaa Axkaam ay la kala gaar yihiin Ragga iyo Dumarka.
Maanta meeshan uma joogno ka Hadalka Axkaamta ay Haweenku la gaar yihiin. Sida Xeydka, Nifaaska , Hooyonimada, Ubadnimada ama Oorinimada, ee waxa aynu u joogno ka hadalkooda waa Xuquuqda ay u Simman yihiin Ragga iyo Dumarka.
Haweenku waxa ay Xaq u leeyihiin -Sida ay Ragguba Xaq ugu leeyihin- in ay ka Qeyb qaatan wax soo saarka, Kobcinta, dhaq-dhaqaaqyada Bulsheed ee kala Duwan. Sida Wax-barashada, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Dhammaan Dhaq-dhaqaaqyada lagu Horu-marinaayo bulshada. Taasoo ah Xaq Insaani ah ee ay Gabadhu leedahay.
Xuquuqda Siyaasiga ah:
Waxaa dhici karto in aynu la Yaabno Xaqqa ay Gabadhu u leedahay ka Qeyb galka Dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed.
Taa waxa aan ku Sababeyn karaa in ay Xaddidan tahay amaba ay yar tahay Aqoonta aan u Leennahay Xuquuqda Abyiman(dhammeys tiran) ee ay Leedahay Gabadha Insaan iyo Islaam ahaan.
Waxaa naloo meerin jirey oo kaliya Xuquuqda qoys, iyo Qaraabaninmo. Sida Hooya, Oori, Inan iwm. Balse xuquuqaha kale maaheyn muddo dheer kuwa la' ictiraafsanaa. Oo Xuquuqda Siyaasiga ee Gabdhaha kuwa aan la soo hadal qaadi karin (Social Stigma).
Taana waxa ugu wacan Aragtida guud ee Bulshada oo u Af-duubnaa Faham Qalloocan ama Foorara oo lagu Nabay amaba loo Saarshay Diinteenna Suubban.
Hadda waxa lagama maar-maan noqotay in aynu Islaamka wax ka weyddiinno Xuquuqda Siyaasiga ee Gabadha Muslimadda ah.
Inta anaan Gudo Galin ka hadalka waxa Islaamku ka qabo Kaalinta Siyaasadeed ee Gabadha Muslimadda ah, waxa muhim ah oo Biyo kama Dhibcaan ah in aynu ugu horreyn Qeexno "Waa maxay Siyaasad?".
Siyaasaddu waa Hab iyo Haaneed loo maro sidii loo Qaadan laha Qaraar ama Go'aan loogu Adeegayo Bulshada Qof iyo Qoys, Koox, Wadar iyo Waaxid Lab iyo Dheddig, Sheyb iyo Shaab.
Waa sidii leysku Waafajin lahaa aragtiyada kala Duwan ee Danaha ku Qotoma. Waa Ilaalinta Xuquuqaha iyo Heerarkooda kala Duwan oo kala Mudan. Waa ku Xambaaridda Bulshada Gudashada Waajibaadka kala Duwan iyo loo Fududeeyo Bulshada Gudashada Waajibaadkaas iyo Oofsashada Xuquuqahaas.
Intaas aynu soo sheegnay waa Maqsad ka mida ah Maqaasidda Shareecada Islaamka ayadoon loo Eegeyn Kuwa u Qumayo Lab iyo Dheddig (Masculine and Feminine).
Tusaale: Markii Ummunaa Umm Salamah ay maqashay Qawlkii Ilaahey, يا أيها الناس يا أيها الذين آمنوا ayada oo ku shuqlan howl-maalmeedkeda, waa ay soo Orodday. Dadkii ayaa is weyddiiyey waxa ay la Roortay Ummul Mu'miinta? Kolkaas ayey ugu jawaabtay: Sow ka mid maahi dadka loogu naadiyey Iimaanka ?!
Qur'aanka marki loo Fiirsado , waxa uu ka sheekeeyey rag iyo Dumar uu dhex maray Iskaashi leh Dhinacyo badan oo ah Sama ka talinta.
والمؤمنون والمؤمنات بعضهم أولياء بعض يأمرون بالمعرو٠وينهون عن المنكر ويقيمون الصلاة ويؤتون الزكاة ويطيعون الله ورسوله أولئك سيرØÙ…هم الله إن الله عزيز ØÙƒÙŠÙ…
Aayadda 71-aad ee Suuratu tawbah:
Waxa kale ee uu ka hadlay Qur'aanka Rag iyo Dumar isku Baheystay Xumo-ka talin iyo Laqdabo iyo Lug-gooyo.
المناÙقون والمناÙقات بعضهم من بعض يأمرون بالمنكر وينهون عن المعرو٠ويقبضون أيديهم نسوا الله Ùنسيهم إن المناÙقين هم Ø§Ù„ÙØ§Ø³Ù‚ون.
Aayadda 67-aad ee Suuratu Tawbah.
Soo yaalka taariikheed ee Islaamka iyo Kaalinta Haweenka .
لقد كان ÙÙŠ قصصهم عبرة لأولي الألباب ما كان ØØ¯ÙŠØ«Ø§ ÙŠÙØªØ±Ù‰ ولكن تصديق الذي بين يديه ÙˆØªÙØµÙŠÙ„ كل شيء وهدى ورØÙ…Ø© لقوم يؤمنون
Waxaa ila Quman in aan wax ka dhahno Haween ka Dhaqay ama ka Dheereeyey Rag badan.
Haweenkaas Codkooda iyo Mawaaqiftooda Siyaasigaa oo Hiil aan la Loodin karin u noqdey Islaamka.
Tusaale Ummul Mu'minii Khadiijah Bint Khuweilid.
Dawrkeedu ma uu ku koobneyn oo kaliya Hooyo leh Isuma qaddo Marras ah ( Ummul Ciyaal) ama Oori la Qabo ama Guri-joogto.
Bale´ waxa ay aheyd La-taliyaha gaarka ee Suubanaha (SAWW) ee dhinaca Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo arrimaha Bulshada.
Waxaan Tusaale u soo qaadan karnaa Erayo Taariikhda, Erayadaasoo ka khafiifinayey ama ka Dabcinayey Suubbanaha (SAWW) Kiilka Siyaasadeed, Bulsheed iyo Dhaqaale ee uu Nabiga (SAWW) la Kacan Kufayey.
كلا، أبشر، Ùوالله لا يخزيك الله أبدا؛ إنك لتصل الرØÙ…ØŒ وتكسب المعدوم وتصدق
Ø§Ù„ØØ¯ÙŠØ«ØŒ وتØÙ…Ù„ الكل، وتقري Ø§Ù„Ø¶ÙŠÙØŒ وتعين على نوائب الØÙ‚
Aasiya:
Aasiya waxa ay laheyd Kalimadii lagu kala Baxay, mar lagu Muransanaa in Nafta la Dhaafiyo Nabi Muuse (AS) oo Sabi ah.
Fadliga Ilaahey ka dib, waxa uu Nabi Muuse ku Bad-baaday Xikmadii Aasiya.
وقالت امرأة ÙØ±Ø¹ÙˆÙ† قرة عين لي ولك لا تقتلوه عسى أن ÙŠÙ†ÙØ¹Ù†Ø§ أو نتخذه ولدا وهم لا يشعرون
Aayadda 9-aad ee Suuratul Qasas.
Ilaa heer ay Aasiya in Allaah Qur'aanka dhexdiisa kula Maah-maaho.
وضرب الله مثلا للذين آمنوا امرأة ÙØ±Ø¹ÙˆÙ† إذ قالت رب ابن لي عندك بيتا ÙÙŠ الجنة ونجني من ÙØ±Ø¹ÙˆÙ† وعمله ونجني من القوم الظالمين
Aayadda 11-aad ee Suuratu Taxriim.
Bal Adiguba Qiyaas Martabada iyo Heerka uu Qur'aanku Gaarsiiyey Aasiya !
Ragga ku Maman amaba uu Madax Maray Damaca Xilal Siyaasadeed, waxa ugu Sugan Duruus Qisada Balqiis Boqoraddii Reer Saba'.
Balqiis waxa ay ka mid tahay Gabdhaha uu Waxyiga Ilaahigaa siiyey Qaddarin aysan Nasiib u yeelan Rag Badan oo soo Maray Sooyaalak taariikheed ee Islaamka. Waxa ay ku Mudatay Qaddarintaasna waa Shan (5) Walxaad.
1-Waxa ay aheyd Runley Runta kula Dhaqanta Shacabkeeda iyo Xukuumaddeeda.Waxa ay kula Dhaqmeysay Ummadda ay Hoggaanka u aheyd Waxa lagu yiraah Luqadda Casrigaa (Transparency).
قالت يا أيها الملأ إني ألقي إلي كتاب كريم إنه من سليمان وإنه بسم الله الرØÙ…Ù† الرØÙŠÙ… ألا تعلوا علي وأتوني مسلمين
2-Xilkasnimo.
Waxa ay Xil iska saartay Amniga iyo Amaanka. Waxa ay Heegan buuxa gelisay Dhammaan Ciidamada Qalabka sida.
Waxa ay sameysay Jintuur iyo Dhoolatus Milatary.
قالوا Ù†ØÙ† أولو قوة وأولو بأس شديد والأمر إليك ÙØ§Ù†Ø¸Ø±ÙŠ Ù…Ø§Ø°Ø§ تأمري
3-Dulqaad iyo Degganaan iyo Aragti fog.
قالت إن الملوك إذا دخلوا قرية Ø£ÙØ³Ø¯ÙˆÙ‡Ø§ وجعلوا أعزة أهلها أذلة وكذلك ÙŠÙØ¹Ù„ون
4-Garaad Siyaasadeed (Political Savvy)
وإني مرسلة إليهم بهدية Ùناظرة بم يرجع المرسلون
Balqiis waxa ay laheyd Biseyl Siyaasadeed u horseeday in uusan Dagaal kaliya Xalka aheyn ee ay jiraan Tabo kale ee Siyaasadeed.
Waxa ay Is-bar-bardhig ku sammeysay laba (2) Khasaara tee Qaadasha ku Habboon (Choose Between Two Devils).
Dagaal aan la Ogeyn waxa uu ku Aakhirsanayo Guul iyo Guul-darro Xaqqiiqada Bar-bar socotana ay tahay Bur-bur aan muddo Dhow laga soo Kabsan.
Waxa ay Qaadatay ama Aqbashay in ay la Jaan-qaaddo Isbaddalka Cusub ee uu Suleymaan (AS) la Yimid, si ay Dadka iyo Dalkaba uga Nabad galaan Bur-bur Dhan walba ah.
5-Garwaaqsi iyo Dib isu Sixid.
Balqiis ma aysan aheyn Gar-maqaate. Waxa ay Ogoleyd in lala Wadaago Talada iyo Ra'yiga.
قالت يا أيها الملأ Ø£ÙØªÙˆÙ†ÙŠ ÙÙŠ أمري ما كنت قاطعة أمرا ØØªÙ‰ تشهدون
Aayada.
Balqiis waxa uu Qur'aanka ku Tilmaamay Qof ku Baraarugsan Yaqaannana Qeybka ay ku Leedahay Mushkilada Markaas Taagan. Sidaa darteed Wax Dhib ah kuma Qabin in ay Sama ka daba geysa Xumaha ka dhaco.
قالت رب إني ظلمت Ù†ÙØ³ÙŠ ÙˆØ£Ø³Ù„Ù…Øª مع سليمان لله رب العالمين
Aayadda.
Xittaa Qur'aanka waxa uu ina Barayaa in Tajriba iyo Tijaabo la Marsiiyey Cagliga iyo Garaadka Balqiis kuna ay Najaxday.
نكّرÙوا لها عرشها ننظرْ أتهتدي أم تكون Ù…ÙÙ† الّذين لا يهتدون
Waxa xiiso leh in Qur'aanku u banbixin Inkiraadda Hoggaanki Balqiis. Haddii ay jiraan wax Qur'aanka ka Reebay Balqiis waa, Gaalnimadi ay ku sugneyd.
ÙˆÙŽ صَدّ ها ما كانتْ ØªÙŽÙ‘Ø¹Ø¨ÙØ¯ Ù…ÙÙ† دÙون٠اللّهÙ
Dowrka Haweenka waa mid ku Cad taariikhda Islaamka. Waxa jirta in Suurad dhan loogu Magac-daray Haweenka.
Qur'aanka laguma hayo Hal Suurad, hal Juz ama hal Xizib oo Ragga loo Magac-daray.
Warkaas hala Dheehdo !.
Waxaa la Yiraahdaa; Sababaha uu Ninka Ragga ah Wax ku Naqdo waa ay Badan yihiin. Balse Waa Sax ayaan Is-Leeyahay in la Sheego in Waxa ugu Muhiimsan ee Ragga wax ka Dhigi kara waa Haweenka Haddey ahaan laheyd Hooyadii Dhashay ama Araddiisa.
وراء كل رجل عظيم امرأة.
Sababku waa Mid Sahlan. Waxaa la Yiraah-Marki laga Hadlaayo Kaalimaha kala Duwan ee ay Ragga iyo Dumarka ku Aaddan yihiin-;Ninku Waa Keene. Balse Haweenneydu waa;Kariso, Keydiso, Koriso, Kobciso, Kaafiso iyo Weliba Kulmiso.
Kaalinta Ninka Ragga ah waa ay Caddahay waana Mid.Hayeeshee Kaalinta ay Gabdhu ka Ciyaareyso Nolosha Qeybaheeda kala Duwan waa Intaas Kaalimood oo Leysu Geeyey.
ألنÙّساء شقائق الرّجال
Haweenku waa kala Bar 50% ama ka Badan 75% ee Bulshada Bani-Aaddamka.
Haddaba Sideebey Suurtagal ku Tahay in Meesha laga Saaro Qeyb ka Mid ah Mujtamica Insaaniga ah ?!!!
Waxa Xaqiiq Biyi-kama-Dhibcaan ah in ay Jiraan (Women with Competence, Qualifications and Performance in Their Cv:s Not Least Succesful Leadership Skills) Gabdho leh Aqoon, Waaya-Aragnimo, Hawl-karnimo, Hufnaan iyo Weliba Sifooyinka/Tilmaamaha Hoggaan Najaxay oo ku Filan in ay Xaq u Yeeshaan in ay u Adeegaan Ummaddooda.
Haddaba Haddii aanan Aqbalin amaba aan la Jaan-Qaadin Xaqiiqadaas ee aan Taa Baddalkeeda ka Hor-joogasanno Hablaheenna Gudashada Waajibka kaga Aaddan Ummaddooda, Waxa Yaqiin ah in aynu Wax Badan ku Weyn doonno.
Gabdhaheena kuma Weyn doonaan Inta aynu ku Weyn doonno.
Haa, Haddii aynu Isla Oggolaanno Xaqqa ay Gabdhuhu u Leeyihiin in ay Qeyb ku Yeeshaan Aaya-ka-Talinta iyo Qabashada Xilalka kala Duwan ee Qaranka, Waxeynu ka Doodi karnaa amaba Isla Meel-Dhigi karnaa Shuruudaha/Tilmaamaha ku Habboon ee u Oggolaanaya Haddii ay soo Buuxiso iyo Haddii Kale intaba. Sida;Diinta, Dhaqanka, Nuuca Shaqo, Da'da, Qoys ama Xaas ahaan, Carruur IWM.
Gebo-gebo:
Haddiiba uu Islaamku yahay Luqadda aynu is kula Khiddabeyno ama is kula Hadleyno, Haddaba waa Kaa Islaamki sida uu uga Taariikheeyey Dowrka Gabadha Muslimadda ah.
Uma baahnin in aan ku Mashquulno Qarawga iyo Calwasaadka Wadaad ay Madax-martay Was-waaski Jaahiliyadi, kaasoo ahaa ; in Gabadhu Dalbato Xuquuqdeeda oo Dhammeystiran warkeeda daaye ay aheyd in Iyada la Dhaxlo.
Haddii Laxadadaan la joogo ay Balqiis iyo Ragaan Ogahay ku Tartami lahaayeen Codkeyga, waxaan Siin lahaa Codkeyga ................. Idinkaba Dhmmeysta !.
Sh. Abdrahmaan Sh. M'diin Eli
Eliyow@hotmail.com
Dowrka Haweenka ee Nolosha "Sh. Abdrahmaan Sh. M'diin Eli"
Haweenku waxa ay ka mid yihiin -sida Raggaba- inta sida Tooska ah lagula Khiddaabay Takaaliifta Sharciga ah. Haddii ay ahaan laheyd wax lays Faray Fartoomiddooda iyo wax leyska Reebay ka Reebtoomiddood.