Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka C/kariin Xuseen Guuleed ayaa waxa uu sheegay in wasaaradisa ay ku howlan tahay sidii ay dib usoo celin lehyed sharuuc da iyo xeerarkii gobolada iyo degmooyinka, waxaa uu sheegay in la tix galin doono doorashada dadka degaanka xilkana loo dhiibi doono qofka ay soo doortaan dadka waxana uu tusaale u soo qaaday wasiirka gudomiyaha gobolka banadir oo uu sheegay in hada lagu magacaabo tikreeto madaxweyne balse ay hada wixii ka dambeeya isku howli doonaan sidii ay dadka reer muqdisho u soo dooran lahaayen qofka hogaaminaaya.
Dhanka kale wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaran C/kariin ayaa waxa uu sheegay in muhiimada kowaad, mida labaad iyo mida sadaxaadba ay siin doonaan amaanka dalka gaar ahaan caasimada Muqdisho isagoona balan qaaday in sanad ka dib la arki doono muqdisho oo dhamaanteed amni ah oo aysan wax dhibaato ah ka dhicin.
Wasiirka ayaa waxa uu yahay nin ku cusub saaxada siyaasada somaliya waxana loo magacaabay wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka hadabada dadku waxa ay ka dhowr sugayaan fulinta go’aanada uu sheegay iyadoo howlaha horyaala ay ka mid yihiim sugida amaanka kobcinta dhaqaalaha daryeelka dadka ay abaraha iyo fatahaadaha ay saameeyeen iyo la macaamilka maamulada ka yira somaliya iyo kuwa ku haminaaya in ay hada maamul sameeystaan.
C/kariin Xuseen; “waxaan Dib usoo celiheynaa xeerarkii gobolada iyo degmooyinka
Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka C/kariin Xuseen Guuleed ayaa waxa uu sheegay in wasaaradisa ay ku howlan tahay sidii ay dib usoo celin lehyed sharuuc da iyo xeerarkii gobolada iyo degmooyinka, waxaa uu sheegay in la tix galin doono doorash