Dawo Sawirada Siyaradi Shariif Calawi ee Muqdisho

0
Wednesday December 26, 2012 - 22:06:40 in Siyaaro by Xarunta Dhexe
  • Visits: 4606
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawo Sawirada Siyaradi Shariif Calawi ee Muqdisho

    Dhamaan Dariiqooyinka Ahlusuna Waljamaac ayaa Maalinimadi Shalay Waxa ay soo gunaanadeen Siyaaradi Shariifkeeni Shariif Calawi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhamaan Dariiqooyinka Ahlusuna Waljamaac ayaa Maalinimadi Shalay Waxa ay soo gunaanadeen Siyaaradi Shariifkeeni Shariif Calawi.
Siyaarada Shariif Calawi oo bilaabatay Maalinimadi isniinta ayaa waxa ay ku beegneed Banaanbaxa Siyaarada Galabnimadi Jimcaha iyadoo ay kasoo qeyb galeen Dhamaan Ahlu Dariiqa Meel Kasta oo ay joogtaan.

Isu Soo baxa Banaanbaxa Sheekha iyo Qur'aan Aqriska Siyaarada ayaa waxa si weyn uga soo qeyb Galay dhamaan Culimada Ahlusunnah Waljamaac iyo Shacabkooda.






Siyaarada oo sanadaani aheed mid si weyn ubalaaran isla markaana halkaa lagu siyaaratay dhamaan Qabuuraha Owliyada Ilaahey ee Asharaafta Shariif Calawi ayaa sidoo kale waxa laga sheekeeyay Doorka Shariif Calawi oo kasoo qaatay Ku Dadaalida Diinta Islaamka iyo sida lagu soo gaarsiiyay Shacabkaan Soomaaliyeed

Dhamaan Culimadi Mudarasiinta ka ah Masaajidyada Magaalada Muqdisho oo si weyn usoo camiray Siyaarada ayaa waxa ay Shacabki kasoo qeyb galay ugu baaqeen in ay Qabsadaan Xariga alle Taa oo kow ka tahay Adeecida Rasuulkeeni Muxamed iyo Inti Raacday oo Rumeesan kuwaasi oo ugu horeeyaan Dhaxalka Anbiyada (Awliyada Ilaahey).

Sheekh Axmed Sheekh Aweys Sheekh Muxyidiin Sheekh Aweys “Saaxibul Sajaadatil Dariiqal Qaadiriya” ayaa ugu dambenti uduceeyay dhamaan dadki soo xaadiray siyaarada Shariif Calawi.





Hogaamiyaha dariiqada rufaaciya sh cabduraxmaan xaaji axmed gudoomiye ku xigeenka dariiqada rufaaciya sh cali cumar abati naaibka dariiqada sh saalim cumar ku simaha saaxibul sajaadada dariiqada khaliif abuubakar khaliif faqi maxamed yuusuf sh caydaruus cumar oo ka mid ah Culimada SIda weyn loogu Ciseeyo Ahlusunna Waljamaac ayaa waxa uu isna halkaa kusoo jeediyay erayo muhiim ah oo dhamaan tusaaleenayay sida looga baahan yahay in shaqsi walba oo ku dadaalo sida uu qabsan lahaa xariga eebe.

Siyaarada Shariif Calawi ayaa waxa ay tahay Siyaaro Sanadiba mar lagu qabto magaalada Muqdisho oo halka Sheekha ku aasan yahay gaar ahaan Degmada Shangaani ,






Siyaarada Shariifka ayaa sidoo kale waxa ay ka mid tahay Ixtifaalada Ugu Waweyn ee Lagu Weyneeyo Culuma'u Ahlsunna Waljamaac iyadoo Sida Caadadaan lagu Soo Bandhigo Xelqooyin Dikri ah kuwaasi oo lagu Muujiyo Shaca'irka Ahlu Dariiqa






W/D: Dr. Ali Omar Abati guddoomiye ku xigeenka dariiqada rufaaciya, ahna weriyaha ahlasunna waljameeca ee muqdisho

E-mail dariiqadarufaaciya@hotmail.com






Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip