Falanqeynta Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Leh Ee Champions League Paris Saint-Germain v Valencia.

0
Wednesday March 06, 2013 - 13:32:26 in Sports by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1137
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falanqeynta Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Leh Ee Champions League Paris Saint-Germain v Valencia.

    (Laacib)Kooxda Paris Saint-Germain ayaa hogaanka u heysa tartankan kulankaan wareega 16ka ka dib markii lugtii hore ay Mestalla Stadium 2-1 kaga soo badiyeen kooxda Valencia, Valencia ayaana shaqo adag ay sugeysaa caawa marka ay booqnayaan Paris. Ugu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(Laacib)Kooxda Paris Saint-Germain ayaa hogaanka u heysa tartankan kulankaan wareega 16ka ka dib markii lugtii hore ay Mestalla Stadium 2-1 kaga soo badiyeen kooxda Valencia, Valencia ayaana shaqo adag ay sugeysaa caawa marka ay booqnayaan Paris. Ugu yaraana waa inay labo gool oo nadiif ah ku badiyaan. LINE-UPKA MACQUULKA AH: PARIS SAINT-GERMAIN
Tababaraha Paris Saint-Germain Carlo Ancelotti waxaa ganaax ugaga maqan kulankaan Zlatan Ibrahimovic iyo Marco Verratti, iyadoo sidoo kale Jeremy Menez uu dhaawac ku seegayo kulanka caawa ee Champions League ay la leeyihiin Valencia.

Ibrahimovic aya casaan qaatay kulankii lugta hore ee wareegaan iyadoo UEFA ay ganaaxday labo kulan waxaana booskiisa buuxin doona Kevin Gameiro.

Si kastaba bedelkii Verratti ayaan weli la go’aansan. David Beckham ayaa doonaya inuu safto kulankii ugu horeysay ee Champions League tan iyo 2010kii markaasoo uu u ciyaarayay AC Milan. Clement Chantome ayaa isaga rajo ka leh booskaas.

Thiago Silva ayaa la filayaa inuu soo laaban doono, iyadoo Ancelotti uu xaqiijiyay joogitaanka kabtankiisa.

Dhanka kale tababaraha Valencia Ernesto Valverde ayaa la filayaa inuu ninka faransiiska ah Jeremy Mathieu ka ciyaarsiiyo daafac safarka ay caawa ku tagayaan Paris ka dib dhaawacyadiii soo gaaray Ricardo Costa iyo Adil Rami kuwaasoo kooxda ka maqan.

Sofiane Feghouli oo ah ciyaaryahan ku dhashay Paris ayaa ciyaari doona, iyadoo Roberto Soldado uu hogaaminayo weerarka.


MA OGTAHAY?



Paris Saint-Germain, oo markii ugu danbeysay ee ay gaaraan wareega 8da koobkaan ay aheyd xilli ciyaareedkii 1994-95 ayaa badiyay shantii kulan ee ugu danbeysay koobkan.

Kooxda hogaanka u heysa Ligue 1 ayaa laga badinin 22 kulan oo ay garoonkeeda ku ciyaartay tartamada yurub, waxaana guuldarro ugu danbeysay 20o6dii oo 4-2 ay kaga badisay Hapoel Tel Aviv.

Les Parisiens ayaa dhamaan 16kii gool ee ay ka dhaliyeen Champions League xilli ciyaareedkan waxa ay ka dhaliyeen xerada goolka dhexdeeda.

Guuldaradii Valencia soo gaartay lugtii hore ayaa soo gabagabeysay 17 kulan oo aysan wax guuldarro ah ka soo gaarin koox Faransiis ah.

Seddex jeer oo lugta hore laga soo badiyay Valencia koobka Yurub ah, waxa ay ku danbeeyeen seddexdaba inay ka haraan koobka.

Ernesto Valverde ayaa rajeynaya in kooxda uu ku hogaamiyo wareega 8da markii ugu horeysay tan iyo 2006-07 markaasoo ay reebeen Chelsea.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip