Waa sidee Saakay Xaalada Magalada Muqdisho oo rabshado kadhacen

0
Saturday March 16, 2013 - 11:56:28 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1140
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa sidee Saakay Xaalada Magalada Muqdisho oo rabshado kadhacen

    Isbuucyadi lasoo dhaafay ayaa dadka reer Muqdisho waxey markale marti galiyeen falal amni daro oo ee moogaayeen tan iyo kabixidi ururka Alshabaab ee Magaalada Muqdisho taasi oo kadhigtay gacan kuheynta magaalada mid gashay hal gacan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isbuucyadi lasoo dhaafay ayaa dadka reer Muqdisho waxey markale marti galiyeen falal amni daro oo ee moogaayeen tan iyo kabixidi ururka Alshabaab ee Magaalada Muqdisho taasi oo kadhigtay gacan kuheynta magaalada mid gashay hal gacan. Hadaba habeenki xalay ayaa markale waxa magaalada Muqdisho kadhacay falal abaabulan oo lagu wax yeelayo amaanka magaalada Muqdisho, warkaasna waxa u xaqiijiyay warbaahinta Maxamed Xasan Food Cade oo ah xoghayaha maamulka degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.

‘’Nin ayaa Bambooyin kusoo weeraray guriga gudoomiyaha marku isku dayay inuu baxsadana ciidamada ayaa daba orday oo ka soo qabtay guri uu galay isagoo gacnaha marsaday Saliid iyo carro’’ Ayuu yiri xoghayaha maamulka degmada Heliwaa Maxamed Xasan Foodcade.

Xoghayaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daraay in ninka la qabtay ay u gudbiyeen saldhiga Booliiska ee degmada, wuxuuna hoosta ka xariiqay in degmada ay ka howlgalaan ciidamo ku filan amaanka, kuwaas oo u diyaarsan ka hortaga fal dembiyeed kasta oo ka dhaca degmada Heliwaa.

Dhinaca kale maamulka dowlada ayaa sidoo kale kufaanay in habeenki xalay ee gacanta kudhigeen nin bambaanooyin ku weeraray dadweyne fadhiyay isgoyska Kaasabalbalaare ee degmada Hodan Magaalada Muqdisho iyadoo sidoo kale ciidamada amaanka xaqiijiyeen in ninkani qirtay danbiga isla markaana sheegay inuu katirsan yahay ururka Alshabaab.
Degmada Waaberina habeen hore waxaa lagu qabtay nin Bam gacmeed ku tuuray guriga gudoomiyaha degmada Waaberi, kaas oo lagu qabtay Bam kale oo uu doonayo inuu tuuro.

Xaalada Magaalada Muqdisho ee xalay iyo saakay ayaanu jirin weeraro toos ah oo kudhax mara ciidamada is diidan ee Shabaabka sida dhuumaaleesiga ugu nool xaafado katirsan magaalada iyo ciidamada dowlada Soomaaliya oo garab ka helaya Amisom.

Xubinteeni saakay iyo sida looga waabariistay magaalada Muqdisho intaa ayaa ku koobeenaa

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip