Alla ha u naxariistee Saciid Tahliil Axmed oo ahaa Agaasimihii idaacada Horn Afrik oo ka mid ah idaacadaha Madaxa banaan ee ka howlgala gudaha Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxa ay kooxo hubaysan ku toogteen gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Agaasimaha ayaa inta aan la dilin waxaa la socday agaasimayaasha kale ee idaacadaha Madaxa banaan ee ka howlgala gudaha magaalada Muqdisho kuwaasi oo ay u yeereen Masuuliyiin ka tirsan Ururka Al Shabaab,waxaana saraakiil ka tirsan al Shabaab markii ay ka wadeen agaasimyaashaasi xarumahaooda iyagoo la socda kooxo hubaysan ay toogasho ku dileen
agaasimihii idaacada Horn Afrik ee magaalada Muiqdisho Saciid Tahliil Axmed .
Xligii dilka loo gaystay Alla ha u naxariistee Saciid Tahliil Axmed ayaa waxaa kala firxadey dhamaan agaasimayaashii ka kala socday idaacadaha kale kuwaasi oo u kala jiheystay halka uu qof waliba wajigiisu qabtay.
Lama oga sababta dhabta ah ee ka dambaysa dilka agaasimaha idaacada Horn Afrik iyadoo aan sidoo kale la garaneyn kooxaha dilka u geystay agaasimaha idaacada Horn Afrik Saciid Tahliil Axmed ,iyadoo kooxihii dilka geystana ay ka baxsadeen goobta uu falkaasi ka dhacay,waxaana halkaasi uu dhaawac ka soo gaaray agaasimaha idaacada Shabelle Muqtaar Max’ed Hiraabe oo ka dhaawacmay gacmaha .
Alla ha u naxariistee Saciid Tahliil Axmed waxaa uu noqonayaa wariyihii labaad ee sanadkaan lagu dilo gudaha dalka soomaaliya iyadoo bilowgii sanadkaan gudaha degmada Afgooye dil bareer ah loogu geystay wariyihii idaacada Shabelle Alla ha u naxariistee wariye Xasan Mayoow Xasan.
Sanadkii 2007-da ayaa waxaa gudaha magaalada Muqdisho miino lagula qarxiyay gaari uu saarnaa Alla ha u naxariistee agaasimihii idaacada Horn Afrik Cali Iimaan Sharmaarke xili uu ka soo laabtay aaskii agaasimihii hore ee idaacada Capital Voice Mahad Axmed Cilmi oo kooxo hubaysan ay dileen, waxaana sidoo kale sanadkaasi dhamaadkiisa la dilay Bashiir Nuur Geedi oo ahaa ku simaha gudoomiyaha idaacada Shabelle oo isna ay toogteen kooxo hubaysan.
Xigasho Shabelle.net
Faah Faahin : Dilkii Agaasimaha Idaacada Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho
Kooxo hubaysan ayaa maanta waxaa ay gudaha suuqa Bakaaraha ku toogteen Agaasimihii idaacada Horn Afrik ee magaalada Muqdisho xili uu marayay gudaha Suuqa Bakaaraha.