Siyaaradi Shariif Calawi Oo Degmada Shangaani Lagu Soo Gabgabeeyay (Sawiro).

0
Saturday February 07, 2009 - 22:32:42 in Left-side by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2454
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaaradi Shariif Calawi Oo Degmada Shangaani Lagu Soo Gabgabeeyay (Sawiro).

    Dhamaan Dariiqooyinka Ahlusuna Waljamaac ayaa Maalinimadi Shalay Waxa ay soo gunaanadeen Siyaaradi Shariifkeeni Shariif Calawi .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhamaan Dariiqooyinka Ahlusuna Waljamaac ayaa Maalinimadi Shalay Waxa ay soo gunaanadeen Siyaaradi Shariifkeeni Shariif Calawi .

 

 


Muuqaalka Kore ee Qabriga Shariif Calawi ee Magaalada Muqdisho 

Shariif Bada'a Qaliifa oo ah Saaxibul Waqtiga Reer Shariif Calawi

Muuqaal ka mid ah Kasoo Qeyb Galayaasha Qur'aan Aqriska Siyarada

Siyaarada Shariif Calawi oo bilaabatay Maalinimadi Arbacada ayaa waxa ay ku beegneed Banaanbaxa Siyaarada Galabnimadi Jimcaha iyadoo ay kasoo qeyb galeen Dhamaan Ahlu Dariiqa Meel Kasta oo ay joogtaan.

Isu Soo baxa Banaanbaxa Sheekha iyo  Qur'aan Aqriska Siyaarada ayaa waxa si weyn uga soo qeyb Galay dhamaan Culimada Ahlusunnah Waljamaac iyo Shacabkooda.

Siyaarada oo sanadaani aheed mid si weyn ubalaaran isla markaana halkaa lagu siyaaratay dhamaan Qabuuraha Owliyada Ilaahey ee Asharaafta Shariif Calawi ayaa sidoo kale waxa laga sheekeeyay Doorka Shariif Calawi oo kasoo qaatay Ku Dadaalida Diinta Islaamka iyo sida lagu soo gaarsiiyay Shacabkaan Soomaaliyeed.


Jameecada Reer Reer Sheekh Aweys oo aqrinayo Qadmada Siyarada

Sh: Max'ud Sheekh Cabdi (Siidka) iyo Sh: C/qadir Sh: Cabdi (Boqorka)

Sh: C/raxman SH: Muxu'ed iyo Xaaji Maxamed Sheekh Cali

Dhamaan Culimadi Mudarasiinta ka ah Masaajidyada Magaalada Muqdisho oo si weyn usoo camiray Siyaarada ayaa waxa ay Shacabki kasoo qeyb galay ugu baaqeen in ay Qabsadaan Xariga alle Taa oo kow ka tahay Adeecida Rasuulkeeni Muxamed iyo Inti Raacday oo Rumeesan kuwaasi oo ugu horeeyaan Dhaxalka Anbiyada (Awliyada Ilaahey).

Shariif Bada'a Qaliifa oo ah Shariifka iminka hayo Xilkii Shariif Calawi ayaa dhamaan kasoo qeygalayaasha Siyaarada uu alle uga baryay in uu Danbi dhaaf ku siiyo Siyaarada Shariifka, Soomaaliyana Ilaahey Xasiliyo.

Shariifka ayaa dhanka kale waxa uu uduceeyay Dhaman Ahlu Dariiqa Meel Kasta oo ay joogaan isagoo shaaca ka qaaday in ay yihiin hogaanka saxda ah ee umadaan Sugeeso loona baahan yahay in ay sara istaagaan.


Sheekh Cumar Sh: Max'ed iyo Sheekh Da'ud Sh: Max'ed

Jameecada Reer Sheekh Cabdi Celi oo Ufadhiyo Qur'aan Aqriska Siyarada

Muuqaal ka mid ah Kasoo Qeyb Galayaasha Qur'aan Aqriska Siyarada

Inkastoo ay ka hadleen Culimo aad ufara badan ka tirsan culimada Caanka ah ee Ahlusunna Waljamaac ayaa hadana waxa Duco iyo Dardaaran halkaa ugu soo jeediyay Dadweynihi kasoo qeybgalay Siyaarada Saaxibul Sijaajatal Dariiqa Qaadariyah Asayid Sheekh Axmed, Bin Sheekh Aweys, Bin Sheekh Muxudiin, Bin Sheekh Aweys Dheere,

Sheekh C/llaahi Sheekh Max'ud Abgaalow oo ka mid ah Culimada SIda weyn loogu Ciseeyo Ahlusunna Waljamaac ayaa waxa uu isna halkaa kusoo jeediyay erayo muhiim ah oo dhamaan tusaaleenayay sida looga baahan yahay in shaqsi walba oo ku dadaalo sida uu qabsan lahaa xariga eebe.

Siyaarada Shariif Calawi ayaa waxa ay tahay Siyaaro Sanadiba mar lagu qabto magaalada Muqdisho oo halka Sheekha ku aasan yahay gaar ahaan Degmada Shangaani.


Muuqaal ka mid ah Kasoo Qeyb Galayaasha Qur'aan Aqriska Siyarada

Jameecada Dariiqada Rufaaciya oo ufadhiyo Qur'aan Aqriska Siyarada

Muuqaal ka mid ah Kasoo Qeyb Galayaasha Qur'aan Aqriska Siyarada

Siyaarada Shariifka ayaa sidoo kale waxa ay ka mid tahay Ixtifaalada Ugu Waweyn ee Lagu Weyneeyo Culuma'u Ahlsunna Waljamaac iyadoo Sida Caadadaan lagu Soo Bandhigo Xelqooyin Dikri ah kuwaasi oo lagu Muujiyo Shaca'irka Ahlu Dariiqa .


Jameecada Xelqada Seyliciyada oo horkacyo Sheekh Cumar

Daakiriina Dikriga Seyliciyada oo Dul Taagan Qabriga Shariif Calawi

Shariif Badaa Qaliifa oo Saa'iriinta ugu Duceynaayo Dusha Awoowgiis

Sheekh Axmed Sheekh Aweys iyo Sheekh C/raxman, Macalin Nuur

Sheekh Cabdulaahi Sh: Max'ud Abgaalow iyo Jameecadiisa

Muuqaal ka mid ah Kasoo Qeyb Galayaasha Banaanbaxa Siyarada

Xelqada Dikriga uweysiyada oo Si weyn loo Soo Shamiray

Muuqaal ka mid ah Kasoo Qeyb Galayaasha Banaanbaxa Siyarada

Muuqaal ka mid ah Kasoo Qeyb Galayaasha Banaanbaxa Siyarada

Muuqaal ka mid ah Kasoo Qeyb Galayaasha Banaanbaxa Siyarada

Xaji Xuseen Sh: Max'ed Faqay Yuusuf iyo Shariif Ax'ed Shariif Abanur

Sh: Ax'ed Sh: Aweys Saxibul Waqtiga Qadariyah, Xaaji Xusen &Sh:C/man

Xaji C/llaahi ShL Max'ed , Sheekh Muqtaar Xaji Madoobe

Siid Max'ud Sheekh Abdi oo dhax taagan Xelqada Dikriga Seyliciyada

Sheekh Cumar Sheekh Max'ed oo Dhax Taagan Dikriga Seyliciyada

Sh: C/rashiid Sh: Xusen Cade & Xaji Max'ed Sh: Cali & Xaji Qarabeeti

Muuqaal Guud ee Wadada hor marta Masjidka Shariif Calawi ee Tagta Ex Dekedii Muqdisho iyo Saxmada Galabtaas ka muuqatay

Xaji Xusen Islow, Xasan Wiish, Xasan Gurey, Ax'ed Macalin Xusen,Baadow

Qaadi Armiiye oo dhax Taagan Xelqadii Uweysiyada ee Banaanbaxa Shariif

W/D: Abdirahman Sheikh Abdullaahi
Webmaster Shabakada Warsheekh
E-mail: farxad95@hotmail.com Ama webmaster@warsheekh.com

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip