Xaalada Kismaayo oo xasiloon iyo odayaal u istagay qaboojinta xasarada.

0
Monday June 10, 2013 - 09:21:35 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 481
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaalada Kismaayo oo xasiloon iyo odayaal u istagay qaboojinta xasarada.

    Waxaa dib loo furay maanta goobaha ganacsiga ee magaala xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobalka mashaqada badan ay ka taagantahay ee J/hoose kadib maalma jaha warer uu soo maray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa dib loo furay maanta goobaha ganacsiga ee magaala xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobalka mashaqada badan ay ka taagantahay ee J/hoose kadib maalma jaha warer uu soo maray.
Goob-joogayaasha ayaa waxa ay ku waramayaan in albaabada loo furay inta badan goobaha ganacsiga ee magaaladaasi iyada oo dadku aad uga dukaameysanayaan maadaama ay aad u sugayeen suqa oo dib u howl gala, waliba dadka dukaameyasnaya qarkood ay si aad ah ayeey u iibsanayan cunooyin iyo waxyaabo kale oo keyd ahaan ay u qaadanayaan si hadii xasarad kale ay u bilabato ay isku celi karaan maalmo.

Guud ahaan goobaha ganacsiga Kismaayo ayaa maalmihii tegay xirnaa kadib dagaalkii dhex maray Maleeshiyaadka Axmed Madoobe iyo Istiin Baasto oo labaduba sheegta in ay yihiin madaxwene Jubaland arintaas oo loo fasirtay Hogaamiye kooxeednimo.

Dhanka kale, waxaa magaalada ka bilaawday dhaq-dhaqaaq nabadoonnimo ah oo ay wadaan odayaasha dhaqanka ee deegaankaasi kasoo jeeda kuwaas oo doonaya in ay xal u helaan mashaakilka soo kordhay.

Odayaasha ayaa u kala dab qaadaya dhinacyadii hardamay oo wali isu bira tumanaya si ay dhan waliba uga dhaadhiciyaan in dagaalku uusan xal aheyn waxaana lafilaya in maanta uu dhoco kulan arintaasi looga munaqashoonayo oo Kismaayo lagu marti geliyo.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip