Waxa uu sheegay afhayeenka beesha H/Gidir guddiga u qaabilsan arrimaha Xasan Daahir Aweys inay kala Dowladda kala xaajoodaan sidii loo sii deyn lahaa isla markaana xorriyadiisa dib loogu soo celin lahaa, wuxuuna caddeeyay in guddiga ay la soconayaan ilaa iyo halka ugu dambeysa.
Afhayeen u hadlay guddi beesha H/Gidir u magacowday oo lagu magacaabo Cabdi Shariif ayaa daboolka ka qaaday in guddigaasi uu ka kooban yahay ilaa iyo 30-xubnood, kuwaasi oo uu sheegay inay la soconayaan isla markaana wax ka qabanayaan arrinta Xasan Daahir Aweys.
"Guddigani wuxuu ka shaqeynayaa sidii uu ula socon lahaa dhaqdhaqaaqyada Xasan Daahir Aweys sida ay ka yeeleyso Dowladda federaalka oo uu gacanta u galay" ayuu yiri afhayeen Cabdi Shariif oo sheegay in sidoo kale ay Dowladda kala xaajoonayaan sidii ay meel u saari lahaayeen tacadiyo uu sheegay in loo geystay wafdigii la socday Xasan Daahir ee ka keenay magaalada Cadaado.
Afhayeenka ayaa sheegay in xubnihii loo geystay jirdilka ee sida uu sheegay micno darrada loogu guray xabsiga inay magdhaw ka bixiso Dowladda, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ilaa iyo inta loogaga imaanaya oo laga raalli gelinayo guddigaasi inaysan ka hari doonin.
Dhinaca kale afhayeenka guddiga beesha Habargidir waxaa kale oo uu tilmaamay in xubnaha la jir dilay ay isugu jireen ugaasyo, nabadoono, odayaal iyo xubno ka tirsan Dowladda, kuwaasi oo ciidamada nabad sugidda ay isugu dareen xabsi iyo jir dil xoogan.
Beesha H/Gidir oo guddi u magacowday arrinta Sheekh Xasan Daahir Aweys
Waxa uu sheegay afhayeenka beesha H/Gidir guddiga u qaabilsan arrimaha Xasan Daahir Aweys inay kala Dowladda kala xaajoodaan sidii loo sii deyn lahaa isla markaana xorriyadiisa dib loogu soo celin lahaa, wuxuuna caddeeyay in guddiga ay la soconayaan