Xiligii Faroole D.F.maxkamad geeyn laheeyd sow maaha

0
Tuesday July 16, 2013 - 01:14:32 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 761
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiligii Faroole D.F.maxkamad geeyn laheeyd sow maaha

    Haddii aayan ka hadal dowlada federaalka gumaadka Faroole ka wado dhulka Puntland sow lama dhihi karo dowlada federaalka ayaa qeeyb ka ah gumaadka sabbata oo ah shacabka la gumaadayo waa shacab Somali ah xilka badbaadinta shacabkaa waxuu dusha ka saa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddii aayan ka hadal dowlada federaalka gumaadka Faroole ka wado dhulka Puntland sow lama dhihi karo dowlada federaalka ayaa qeeyb ka ah gumaadka sabbata oo ah shacabka la gumaadayo waa shacab Somali ah xilka badbaadinta shacabkaa waxuu dusha ka saaran yahay dowlada Federaalka oo loo idmaday badbaadinta iyo nabad ku noolaanshaha dhamaan umada Somali.,waxaa waajib ah in dowlada Federaalka aay dhexdhexaad ka noqoto loolanka siyaasadeed ee ka dhex jira reer Puntland ,
Faroole asaga oo xiligiisa dhamaaday ayaa raga ugu sareeyo dowlada federaalka sida R/wasaaraha iyo Madxaweeynaha ay garab istaageen kuna booqdeen Garowe Faroole xili siyaasiyiinta reer Puntland ku wargeliyeen in Faroole uusan ciddna xilka u hayn balse loo baahan yahay in gogol dib u heshiisiin ah loo qabto Isimada iyo qabiilada reer Puntland si meesha looga saaro xurgufta siyaasadeed ee sabbabi karta dagaal in uu ka dhaco Puntland, runtii dowlada federaalka waa aay garan weeyday xilgaa maanta waxaa looga fadhiyaa dowlada federaalka sidii aay nabada loogu soo danbaali lahaa dhibka iyo gumaadka uu Faroole bilaabay,waa fursad qaali ah in dowlada Federaalka aay u muujiso shacabka Puntland in xil adag uu ka saaran yahay,dowlad federaalkana aay diidan tahay gumaadka Faroole ee shacabka uu Puntland,shacabka iyo qabiilada Puntland dowlada Federaalka waa in aay u fidisaa gogol nabadeed si nabad iyo wadanoolaansho dhab ah uga hirgasho Puntland.

Xildhibaanada Federaalka ee ka soo jeeda Puntland waxaa quman in aay cod dheer ku dhahaan Faroole waa danbiile dagaal mudan in maxkamad la geeyo,xildhibaanada federaalka ee Puntland waa in aay kala doortaan Faroole iyo shacabka,haddii aay garab istaagaan Faroole waxaa aay luminaayaan sumcadii aay ku lahaayeen umada Somali guud ahaan gaar ahaan shacabka Puntland.

Faroole waa qaswade mudan in maxkamad la soo taago sabbabta soo socota

1.Xil uu umad u hayo ma jirto balse waxuu gumaad ka geeystay G.Bari iyo G.Mudug akhristow bal dib u xusuuso gumaadkii Gaalkacayo xaafada Garsoor oo u adeegsaday ciidamada Puntland iyo hubkii lagu gaday canshuurtii laga qaaday shacabka Puntland.

2.Waxaa uu sabbab u ahaa dagaalka ka socda Jubooyinka asaga oo ujeedka uu ku taageeray Jubbaland ay aheeyd in wallaalaha Ogaadeen iyo Sade fooda is daraan asag oo isku muujinaya in uu Daarood taageerayo balse hadafka ugu danbeeyaa uu yahay in uu xukumo Jubbaland .

3. Wuxuu dalka u ogolaaday inay ka hawlgalaan shirkado shisheeye oo aan sumcad iyo xurmo ku lahayn adduunka sida shirkadda SARACEN INTERNARTIONAL oo ay leeyihiin calooshood u shaqeystayaal South African ah, iyadoo la ogsoon yahay in dawladii ku-meelgaarka ahayd ee Soomaaliya ay kala noqotay ogolaanshihii horey loo siiyey markii la ogaaday hab dhaqanka Saracen.

4.Faroole waa uu ka soo horjeedsaday dastuurka qabyo qoraalka ee lagu saxiixay Garowe,waxaa uu marar badan cadeeyay in dowlafa federaalka aay ka baxaayaan sow qaswade maaha mudan in maxkamad la soo taago.

Waxaan ku wargelin lahaa Faroole in xiligiisu dhamaaday aayna mudan tahay in uu si nabad ah isga tago Puntland si shacabka Puntland iyo Odayadooda siyaasiyiintooda uga tashadaan aayaha Puntland ,haddii aadan qaadan taladaa wallaahi adiga oo intaa kasii foolxun ayaad ka tageeysaa Puntland,waxaad dhacday hantidii umada Puntland inta gacantaada ku dhimatay intii aad qabatay Puntland kuma aayan dhiman taariikhda Puntland waxaad u soo kireeysatay calooshood u shaqeystayaal South African ah Saracen inta aay gumaadeen waa mid la qoray maxkamadna lagu soo taagi doono Faroole.

Dr.Ali.A.Hirabe Hirabe_a@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip