Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho waxaa maanta ka soo degaya diyaaradii ugu weyneyd oo aan horay weli u imaanin wadanka Soomaaliya. Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee
magaalada Muqdisho waxaa maanta ka soo degaya diyaaradii ugu weyneyd oo
aan horay weli u imaanin wadanka Soomaaliya.
Xaaladda garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho
ayaa saakay ka duwan sidiisii hore, kaddib markii la yareeyay
dhaqdhaqaaqa diyaaradihi ka degi jiray, kaddib markii khubarada dhinaca
duulimaadyada qaabilsan ay cabsi ka muujiyeen in diyaarada weyn ay
waxyeelo uga timaado xadiga garoonka diyaaradaha.
Diyaaraddaan oo la sheegay in laga leeyahay wadanka Turkiga ayaa
iyadu ah mid aad u weyn isla markaana lagu daabulo rakaabka iyo xamuulka
kana howlgasha wadamada Yurub.
Dhinaca kale waxaa heegan la geliyay dhammaan gawaarida dab damiska
ah iyo qalabka kale ee looga hortago shilalka, waxaana jirta cabsi weyn
oo laga qabo in soo degitaanka diyaaradaani ay sababto shil iyo
dhaawacyo soo gaara dhismaha garoonka diyaaradaha.
Magaalada Muqdisho oo maanta ay ka soo degeyso diyaaradii ugu weyneyd
Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho waxaa maanta ka soo degaya diyaaradii ugu weyneyd oo aan horay weli u imaanin wadanka Soomaaliya.