Qaramad Midoobay ayaa Soo dhaweysay Heshiiskii ay Magaalada Adisababa ku wada gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya Iyo Hogaamiyaha Mamamul goboleedka Juba. Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Amabsitor,Nicholas Kay, ayaa si diiaran waxa uu u soo dhaweeyay Heshiiskii ay wada gaareen Wakiiladii Dowladda Federaalka Soomaaliya Iyo Hogaamiyaha Maamulka Juba Axamed Maxamed Islaam Axmed Madoobe. Mr.Key ayaa heshiiskaasi ku tilmamay in
uu yahay tilaabo wanagasan oo horay loo qaaday, islamarkaana ay tahay
hananinkii dib loogu soo celin lahaa Nabadda Soomaaliya,iyo Dhisidda
Dowladda Federaal ah .
Nicholas Kay ayaa sidoo kale Waxa uu
sheegay in tilaabadaan ay tahay mid ay taageereyso Beesha caalamka iyo
Urur goboleedka ,ayna dhiiro gelinayana in la sii wada Wada xaajoodka si
loo dhameestiro qodobada ka weli harsan heshiiskaasi.
Ugu dambeytii Ergeyga Gaarka ah ee
Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya ayaa dhinacyadii gaaray
heshiiskaasi waxa uu ugu baaqay in la dhaqan geliyo dhamaan qodobadii
lagu heshiiyay.
Qaramada Midoobay oo soo dhaweysay hishiiska Dowladda iyo Axmed Madoobe
Qaramad Midoobay ayaa Soo dhaweysay Heshiiskii ay Magaalada Adisababa ku wada gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya Iyo Hogaamiyaha Mamamul goboleedka Juba. Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Amabsitor,Nicholas Kay