Kooxda Kubada Cagta Gaadiidka oo tababar bilowday (Sawiro)

0
Monday September 16, 2013 - 20:08:07 in Sports by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3543
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Kubada Cagta Gaadiidka oo tababar bilowday (Sawiro)

    Kooxdii sanadkii hore ka ciyaareeysay heerka labaad ee horyaalka dalkeena kuna ciyaareeysay magaca Muqdisho City,hadana loo bixiyay Gaadiika ayaa biloowday tababar ay isugu diyaarinaya ka qeyb qaadashada horyaalka heerka 1aad ee dalkeena.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxdii sanadkii hore ka ciyaareeysay heerka labaad ee horyaalka dalkeena kuna ciyaareeysay magaca Muqdisho City,hadana loo bixiyay Gaadiika ayaa biloowday tababar ay isugu diyaarinaya ka qeyb qaadashada horyaalka heerka 1aad ee dalkeena. Markii loo bixiyay magaca cusub ee Gaadiidka ayaa qaar ka mid ah ciyaartoydii hore ee soomaaliya waxa ay soo dhaweeyeen in kooxdan loogu magac daray kooxdii gaadiidka ee caanka ka ahayd dalkeena sanadkii 1970kii.

Ciyaartooyda kooxda gaadiidka ayaa garoonka Stadium Koonis ka bilaabay tababar ay isugu diyaarinayaan ka qeyb qaadashada horyaalka heerka 1aad ee dalkeena.

Maamulka Cusub ee kooxda gaadiidka iyo qaar ka mid ah mas’uuliyinta wasaarada warfaafinta,boostada,isgaarsiinta iyo gaadiika ayaa saaka kooxdn ku booqday garoonka ay tababarka ku sameeynayeen,waxana ay halkaasi kula hadleen ciyaartooyda,iyagoo ku dhiiri galiyay in ay ka soo dhalaalaan magaca faca weyn ee loo bixiyay.

Agaasimaha guud ee agaasinka gaadiidka ee wasaarada warfaafinta,boostada,isgaarsiinta iyo gaadiika Cali Gacal Gaabow ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in kooxda ay biloowday tababarka ay isugu diyaarinayaan ka qeyb qaadashada horyaalka heerka 1aad ee dalkeena,isagoo sheegay in loo baahanyahay in ay ka soo baxaan booskii ay horyaalka dalkeena uga jiri jirtay kooxdii gaadiidka,

Cali Gacal ayaa ka waaniyay ciyaartooyda kooxda gaadiika isticmaalaan balwada oo uu sheegay in aysan u wanaagsaneeyn.

Agaasimaha Radio Muqdisho Sheekh Cabdi Raxiim Ciise Cadow oo isna la hadlay ciyaartooyda kooxda gaadiidka ayaa sheegay in loo baahanyahay in la soo nooleeyo magacyadii ay lahaayeen naadiyadii hore ee dalkeena,meelna la iska dhigo magacyada naadiyada ka ciyaara horyaalada yurub.

Agaasime Cabdi Raxiim Ciise ayaa sheegay in hadii ay iskaashadaan maamulka iyo ciyartooyda kooxda gaadiidka dib loo soo celin karo magacii caanka ahaa ee kooxda gaadiidka.

Agaasimaha Xafiiska Wasiirka Warfaafinta,boostada,isgaarsiinta iyo gaadiidka Axmed Xaaji Cabdi ayaa sheegay in naadiga gaadiidka uu ahaa naadigii ugu dambeeyay ee qaada horyaalka dalkeena loona baahanyahay in dowlada iyo xiriirkaba ay koobkasi gudoonsiyaan kooxda.

Axmed ayaa sheegay in wasiirka warfaafinta ay go,antahay in uu xaqiijiyo in kooxdan ay noqoto koox caan ka ah guud ahaan dalka soomaaliya.

Sucaado Diiriye Xasan oo ka mid ahayd ciyaartooydii kubadda koleyga ee dalkeena una soo ciyaartay gobolka Sh/Dhexe,iyo naadigii Munishibiyada ayaa sheegtay in ay ku faraxsantahay in ay aragto magacii kooxdii gaadiidka oo dib loo soo nooleeyay.

Wasiirka wasaarada warfaafinta,boostada,isgaarsiinta iyo gaadiidka mudane C/llahi Ciilmooge Xirsi ayaa dadaal dheeraad ah ku bixiyay dib u soo nooleeynta magaca kooxdii gaadiidka oo ka mid ahayd kooxihii sida weyn caanka uga ahaa horyaalka dalkeena kuna guuleeysatay koobab fara badan.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip