Madaxweynaha Dowladda Fidraalka Soomaaliya ayaa markii lagu wareejiyay lacagihii ay ugu talagaleyn beesha caalamka dalka soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in uu gudi u saaray lacagaha deeqda ah ee loogu talagalay soomaaliya si ay u maareeyaan. Madaxweynaha ayaa waxaa uu sheegay guddiga loo saaray maareenta lacagaha ay yihiin gudi cadaalad ah iskuna dhaf ah oo ay ku jiraan wadamadii wax ka dhiibay dhaqaalaha waxa uuna yiri: " Guddigaan cadaalad ayuu u maamuli doonaa dhaqaalaha dalka , waxaana qeyb ka noqon doona wadamadii deeqda bixiyay”
Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dhaqaalahaan sidoo kale si siman loo gaarsiin doono Gobollada dalka.
Sikastee ahaataba hadalka Madaxweynaha ayaa imaanaya xilli shalay shir caalami ah oo ka
dhacay Magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka, islamarkaama dowladda
soomaaliya loogu deeqay lacago aad u farabadan.
Madaxweyne Xasan Sheikh:"Deeqdii loogu talagalay Soomaaliya waxaan usaarnay guddi"
Madaxweynaha Dowladda Fidraalka Soomaaliya ayaa markii lagu wareejiyay lacagihii ay ugu talagaleyn beesha caalamka dalka soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in uu gudi u saaray lacagaha deeqda ah ee loogu talagalay soomaaliya si ay u maareeyaan.