Messi oo Maxkada la soo taagay!!!!

0
Saturday September 28, 2013 - 15:16:04 in Sports by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3084
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Messi oo Maxkada la soo taagay!!!!

    Xiddiga kooxda kubada cagta Barcelona ee leo Messi ayaa ka soo muuqday maxkada si uu uga jawaabo aydeemaha lacagta canshuuraha ee gaareysa 4.16 milyan oo pound.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiddiga kooxda kubada cagta Barcelona ee leo Messi ayaa ka soo muuqday maxkada si uu uga jawaabo aydeemaha lacagta canshuuraha ee gaareysa 4.16 milyan oo pound. Xiddiga 26 jir ka kooxda Barcelona oo ku labisan Jaakat madow iyo shaati cad ayaa wax jawaab eh ka bixin kahor iyo kadib marka lagu arkay maxkada Gava oo ku taala magalada Barceolana oo ah halka uu ku
noolyahay xiddiga reer Arjantiin Leo Messi.

Qareenka u dooda laacibka Leo oo lagu magacaabo Cristobal Martel, oo la hadlay saxaafada kadib marki ay maxkamada usoo xirmatay ayaa sheegay in uu ku kalsoon yahay in xiddiga waxaas saameyn ku ameyn
doonin.

Maxkamadda ayaa waxa kasoo qeyb galay taageero fara badan iyo wariya yaal oo dhageystay dacwadi lagu soo oogayay Aabaha xiddiga Jorge Messi iyo Leo Messi.

Xiddiga ayaa dacwadan ku socotay ila June oo sameyn wayn ku yeelan isagoo 10 gool dhaliyey 7 kulan uu u saftay naadigiisa oo wali wax dhibac ah lumin.

Messi ayaa sheegay in uusan ka walwalsaneen xaalada isagoo sheegay in isaga iyo aabahiis ay heestaan Qareenadooda kuwaas uu sheegay in ay xaalada xakameyn doonaan waana ku kalsoonahay in ay xal ka keeni doonaan.

Mid ka mid taageerahiisa ayaa sheegay in uu jeclaa lahaa in arrinka dhamaado si ciyaaryahanka uu u nasto isla markaana uu xooga saaro kubada oo u shegay in ay culees ku tahay dacwadaan.

Leo Messi ayaa u dhaliyey naadiga Barce 323 gool 387 kulna oo u saftay taas oo ka dhigeysa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu taariikhda dheer naadiga waana xidiga kaliya ee ku guuleystay 4 jeer xiddiga .


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip