Siyaaradi Sheekh C/raxman Suufi (Qudbul Banaadir) Oo Muqdisho Lagu Qabtay (Dawo Sawiro)

0
Friday February 27, 2009 - 21:41:05 in Left-side by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2584
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaaradi Sheekh C/raxman Suufi (Qudbul Banaadir) Oo Muqdisho Lagu Qabtay (Dawo Sawiro)

    Siyaarada Sheekh C/raxman Suufi oo Sanadiba Mar la qabto ayaa siyaaradaani waxa ay ka dhigneed midi ugu balaarneed marka la bar bar dhigo siyaarooyin hore iyadoo Masha'iq iyo Dadweyne Fara badan ay kasoo qeyb galeen kuwaasi oo ka kala yimid Gobo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaarada Sheekh C/raxman Suufi oo Sanadiba Mar la qabto ayaa siyaaradaani waxa ay ka dhigneed midi ugu balaarneed marka la bar bar dhigo siyaarooyin hore iyadoo Masha'iq iyo Dadweyne Fara badan ay kasoo qeyb galeen kuwaasi oo ka kala yimid Gobolada Dalka iyo Qaar ka mid ah Wadamada Carabta.

 


Muuqaalka Qabriga Sheekh C/raxman Suufi Ee Muqdisho

Qur'aan Aqriska Siyaarada Sheekh C/raxman Suufi

Muuqaalka Shariif Mada Qaliifa iyo Sheekh Abashaan

Siid Max'ud Sheekh Cabdi, Sh: C/qaadir Sh: Cabdi iyo Xaji C/raxman Max'ud

Allaah Unaxariistee Sheekh C/raxman Suufi  oo ka mid ah Owliyada Ilahey kuwoodi ugo'doomay uqidmeenta diinteena Sharafta badan ee Islaamka isagoo Noloshiisa ku dhameestay fidinta Diinta Islaamka .

Allaah Unaxariistee Sooyaalka Taariikhda Sheekh C/raxman Suufi Al Maqdishi ma ahan mid lagu koobi karo qorma qura balse waa mid ay ka dharagsan yihiin wanaagiisa quruxda badnaa dhamaan Shacabka Soomaaliyeed ee Ahlusunnah Waljamaac.

 Halkaan Ka Dhageeso Xelqooyinka Dikriga ee
Banaanbaxa Sheekh Suufi

Hadaba Siyaarada Sheekha oo ay kasoo qeyb galaan Dhamaan Culimada waaweyn ee Ahlusunnah Waljamaac ee Daruuqa Suufiya hadii ay ahaan leheed Mudarasiinta wax ka dhigtay Machadyada iyo Masjidyada iyo Dhamaan Dadweynaha Soomaaliyeed oo iyada u ah Maalmaha siyaarada Socoto mid ku weyn iyadoo halkaana loo tagi in Barakada Sheekha lagu helo Danbi dhaaf iyo ka raali ahaansha Ilaahey bacdamaa ay wax  Ajir iyo Nafaxaad leedahay in lala xaadiro ama meel lala fariisto dadka uu ilaahey ku maneestay Darajada ee uu raali ka noqday.


Sh: Da'ud Sh: Max'ed iyo Sh: C/raxman Sh: max'ed

Qaar ka mdi ah Culuma'udiinki kasoo Qeybgalay Siyaarada

Qur'aan Aqriska Siyaarada ee Reer Shaanshi ee Banaanka Qabriga

Shiikheena Sheekh C/raxman ow Cumar ayaa Qasiido oo sheekha ku amaanaya waxa uu ku leeyahay " Qofki doonayo Muraad in uu helo , Hasiyaarto Sheekh Suufi", (Man Araadal Muraad, Falyasur Sheekha Suufii) Qeyr Alaah Siiye Sheekh sheekh Cabdi waxa uu si balaaran umuujinayaa Qiimaha ay leedahay Xuska Owliyada Ilaahey .

Shiikheena Sheekh C/raxman Ow Cumar oo si weyn loogu yaqaan Fidinta Diinta Islaamka ayaa isagana waxa uu nolshiisa ku dhameestay uqidmeenta Diinteena iyo Daacada Rasuulaka ayaa runtii waxa uu qasiidooyin badan uga hadlay Sheekheena Sheekh Suufi isagoo markale yiri " Dabeecada Sheekh Suufi waxa ay eheed Tii Nabiga oo aan Meel Looga Badalin" (Dabiicatu Sheekhinaa Suufii, Kadhaa Qeyri Qalqilaah) Allaahu Akbar Maasha'alaah Ilaahey Quluubteena haku Beero Maxabada Nabiga iyo Owliyada Ilaahey oo iyaga ah kuwa Xabaarsan Diinteena Islaamka Micigoodana lagu liibanayo.

 Halkaan Ka Dhageeso Xelqooyinka Dikriga
ee Banaanbaxa Sheekh Suufi


Qaar kamid ah Culima'udiinki kasoo qeyb galay Siyaarada

qeyb Ka mid ah Muuqaalada Dadki kasoo qeyb galay Qur'aan Aqriska Siyaarada ee Subaxdi.

Sheekh Caamir iyo Xaaji Muriidi oo iyagana kamid ahaa Culimadii Kasoo Qeybgashay Siyaarada Sheekheena Sh: C/raxman Suufi

Hadaba Culimo Badan oo Waaweyn ayaa ka hadashay Karaamada iyo Taariikhda sheekh Suufi inagoo dhamaan Idin balan qaadi doono in aan qeyb qeyb idinku soo tabin doona iyo dhamaan Taariikhooyinka Culuma'u Suufiyah ee Ahlsunnah Waljamaac.


Qaar ka mid ah Talaamiida Reer Warsheekh oo Taagan Lariixa Sheekha

Xerta Reer Warsheekh oo Wardi ku Aqrineeso banaanka Masjidka Sheekha

Hadaba Dhamaan Culimadi Kasoo Qeyb Gashay Siyaarada ayaa waxa ay alle uga baryeen in Dalka Nabad kusoo dabaalo Bidcada iyo Inta xuna alle ka qabto shacabka dhibaateesan ee Soomaaliyeed iyadoo Gaba gabadii siyaaradana Halkaa Duca ugu soo jeediyeen Masha'iqdi Kasoo Qeybgashay Siyaarada oo ay ugu horeeyaan Asharaafta oo hor kacayo Shariif Mada Qaliifa iyo Culimo kale oo waa weyn oo dhamaan kakala Socda Dariiqooyinka Sida Rufaaciyah, Qaadariyah, Axmadiyah, iyadoo Gaba gabadiina Duco Halkaa kasoo jeediyay sheekha fadhiyo Majliska Sheekh Suufi ee Sheekh Abashaan Sheekh C/raxman Sheekh Maxamed Sheekh Cosman Sheekh Suufi Halka Dhinaca Kalena Ijaasada Dariiqada Qaadiriyada Halkaa looga Qaatay Qudubka Dariiqada Qaadiriyah Ee Soomaaliya Asayid Sheekh Axmed Sheekh Aweys sheekh Muxidiin Sheekh Aweys Dheere Alqaadiriyi .

Halkaan Hoose Ka Daawo Dhamaan Sawirada Siyaarada Sheekh Suufi


Sh: Cumar iyo Sh: max'ed C/llaahi oo Aqrinayaan Dikri Fadhiga Sheekh C/raxman Suufi oo Had iyo jeer ay aqriyaan Culimada Reer Sheekh Cabdi Galabta Banaanbaxa

Qaar kamid ah Walidiinta iyo Caruurti kasoo qeybgashay Siyaarada

Jameecada Seyliciyada oo horkacayo Sheekh Cumar Sh: max'ed
 Halkaan Ka Dhageeso Xelqooyinka Dikriga ee
Banaanbaxa Sheekh Suufi



Sheekh Axmed Sheekh Aweys Saxibul Sijaajatal Dariiqah Qaadariyah Soomaaliya Asayid Sheekh Axmed , Shariif mada Qaliifa iyo Suufi Cade

Sh: Suufi: Sh: Cade Sh: iiker Sh: max'ed Sh: Suufi iyo Sh: Abashaan Sh:C/raxman Sh: max'ed Sh: Osman Sh: Suufi

Muuqaalka Guud ee Qeyb ka mid ah Xelqooyinka kasoo qeybgalay Siyaarada

Xelqada Dikriga Dariiqada Rufaaciyah

Xaaji Cabaas Sh: max'ed Faqay Yuusuf, Shariif Bada Qaliifa iyo Sheekh xmed Sheekh aweys

Sh: C/llaahi Sh: max'ud Abgaalow oo kamid ah Culimada Waaweyn ee Ahlsunnah waljamaac

SH: max'ed Sh: C/qaadir Sh: ooyaaye iyo Qaar kale oo kamid ah Masha'iqda Ahlusunnah Waljamaac

Muuqaalka Guud ee Dadkii Kasoo Qeybgalay Siyaarada Sheekha

Wajiga Hore ee Masjidka Sheekh Suufi oo si weyn usoo camireen Ahlusnnah


Xaji Xusen Sh: Max'ed Faqay Yuusuf iyo Jameecada Reer Sheekh C/raxman Ow Cumar iyo Xilqadii Dikriga Seylicyada




Xaji Xusen Sheekh max'ed Faqay Yuusuf oo Duco Dheer kusoo qataimay ayaa dhamaan Saa'iriinta ugu soo duceeyay in uu alle siiyo Aduunyo Fi Nimco iyo Aaqiro Fi Jannah.

 Halkaan Ka Dhageeso Xelqooyinka Dikriga ee
Banaanbaxa Sheekh Suufi



Dhamaad:

W/D: Abdirahman Sheikh Abdullaahi
Webmaster Shabakada Warsheekh
E-mail: farxad95@hotmail.com Ama webmaster@warsheekh.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip